SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Guushani uu Madaxweyne Barack Obama gaaray waa mid Taariikhi ah.

Nov 4, 2008


Barack Obama

Dalkani Maraykanka ayaa doorashadii tartanka Madaxweynenimada ee ka socotay mudooyinkani uu maanta gacanta ku dhigay Madaxweyne Bracka Obama oo ahaa Senator laga soo doortay Gobolka Illionies ee Dalkani Maraykanka Madaxweyne Obama ayaa wuxuu noqonayaa Madaxwenihii ugu horeeyey ee Madaw ah tan iyo intii uu Dalkani Maraykanku Xornimadiisii ka qaatay Waddanka Ingriiska July 04 Sanadkii 1776-dii taasoo ay ka talinayeen Madaxweynayaal ka soo jeedada Dadka Caddaanka ah ee ku tirada badan Waddankani Maraykanka iyadoo ay soo mareen in ku dhow ilaa iyo 41 Madaxweyne oo dhammaantood ahaa Caddaan.

Haddaba waxaa xusid mudan Geesigii Martin Luther King oo ahaa ninkii isagu ogaa guushaani in maalin la gaari doono oo uu nin u dhashay Dadka Madaw ee Waddankani Maraykanka uu Madaxweyne uu ka noqon doono, Martin Luther King ayaa weedhiisu waxay ahayd " I have a Dream "marka waxaa rumowday riyadii uu Martin Luther King hore u saadaaliyey, Shacabka Dalkani ayaa arrintani waxay ku noqotay lama filaan iyo mucjiso la yaab leh sida uu Madaxweyne Barcka Obama uu sida sahlan uuga soo dhex baxay siyaasadda una noqday Senator isla markiina uu u gudbay Jagadii ugu weynayd ee Dalka laga hayey ee ah Madaxweyne.

Madaxweyne Bracka Obama ayaa sanadihii la soo dhaafay wuxuu caan ka noqday dhammaan Waddamada reer Galbeedka wuxuuna kasbaday kalsooni dheeraad ah inta uusan u istaagin doorashadan Madaxweyne ee uu imminka ku guulaystay wuxuu kaloo booqasho ku tegay Afrika gaar ahaan Kenya oo uu ku soo booqday Ayeydii Aabihii dhashay ,Madaxweyne Obama ayaa ilaa hadda wuxuu aad u Xiriiriyaa Waalidkii oo dhan Obama ayaa waxaad moodaa inuu dhaqankan Xiriirka Waalidnimo uu ka dhaxlay Waalidkii dhalay iyo kuwii koriimadiisa lahaa oo ka soo jeeda Dad Muslimiin ah sida Kenya iyo Indonisiya oo dhaqan wanaagsan leh.

Waxbarashadiisii Dugsiyada Hoose Madaxweyne Bracka Obama wuxuu ku soo qaatay Dalka Indonisiya wuxuuna ilaa iyo heerkiisa Jaamacadeed ku dhameeyey Dalkan Maraykanka oo uu u dhashay wuxuuna ka baxay Harvard University 1992-kii oo inta badani lagu tilmaamo Jaamicadaha ugu sareeya ee Dunida oo dhan
Madaxweyne Bracka Obama ayaa wuxuu aqoontiisa uga faa'ideeyay Dhallinyarada African Americanka ah ee uu Gobolka uu ka ahaa Senatorka wuxuuna u samayn jiray Dhaqan toosin iyo Horumarinta dhallinyarada si ay u noqdaan kuwa aayahooda wax u qabsada qaar badani ayaa waxay noqdeen kuwa ku aflaxay talooyinkiisii.

Madaxweyne Bracka Obama ayaa Qoys ahaan wuxuu ahaa mid koriima wanaagsan Hooyadii ayaa waxay ahayd Hooyo aad u jecel Dadka ajaanibka ah waxaana la oran jiray Sr. Ann Dunha waxayna guursatay Obama Aabihii oo Kenyaati ahaa iyo Nin u dhashay Indonisia , Madaxweyne Bracka Obama ayaa markii uu waxbarashadiisii Jaamacadeed dhammaystay uu guursaday Michell Obama oo ah Xaaskiisa uu aadka u jecel yahay waxayna u dhashay laba Gabdhood oo la kala yiraahdo Malia iyo Sasha , Madaxweyne Obama iyo Xaaskiisa Michell Obama waxay isku barteen Hay'add Sharci oo ay ka wada shaqaynayeen (Law Firm ).

Bracka Obama ayaa waxay Shacabka Dalkani Maraykanku uga barteen ballan dhab ah iyo wax qabasho arrintaasina wuxuu ku helay kalsooni dheeraad ah iyo inuu helo Cod fara badan wuxuu kaloo uu aad u yaqaanaa sida Dadka Xubnaha hadalka ee Wanaagsan loogu soo bandhigo looguna khanciyo taasoo intii uu socday tartankii is reebreebka ee doorashada Waddankan Maraykanka uu ku gaaray heerkii ugu sareeyey Madaxweyne Bracka Obama ayaa wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee African American ah ee ka Taliya Dalkani Maraykanka taasina ay dhab ku noqotay Riyadii uu Geesigii Madoobaa ee Martin Luther King uu saadaaliyey tani waa Guul ay sugayeen Dhammaan Shacabka Maraykanka gaar ahaa Dadka Madawga ah.

Macluumaad fara badan ayaa waxay noqdeen inuu Madaxweyne Bracka Obama lagu soo doorto kuwaas oo ay ka mid yihiin Caafimaadka (Health Care), Canshuuraha (tax-ga) , Dhaqaalaha (Economy ),iyo Siyaasadda Gudaha iyo Dibadda ee Dalka Maraykanka sida uu u xasilinayo kuna duwayo waddada saxda ah ee ay doonayaan Dabaqadda Dhexe iyo tan hoose ee Shacabaka Maraykanka ,dhammaan Macluumaadkani ayaa waxay yihiin arimo aysan nolosha qofka ku nool Waddakani aysan ka fursanayn una baahan in wax looga qabto sida ugu wanaagsan ee ay doonayaan , wuxuuna siiyey ballan qaad aad iyo aad u adag oo waxtar leh.

Siyaasadda Dibadda ee Madaxweyne Bracka Obama ayaa waxay tahay mid ay ka raali noqdeen Odayaasha Aqalka Cad ee Maraykanka kaddib markii uu saddex goor oo dood Dibadeed ah uu ku kaga guulaystay Ninka Senatorka ee kula tartamayey Madaxweynenimada Dalkan ee la yiraahdo John MCcain oo ka soo jeeda Xisbiga Jamhuuriga (Republican) ,Madaxweyne Bracka Obamana uu ka soo jeedo Xisbiga ugu Dadka badan ee loo yaqaan Xibiga Dimoqoraadiga (Democratic party) oo ay Shacaku aad iyo aad u jecel yihiin.

Gabagabadii iyo maqaalkani aannu uga hadlaynay Guusha Madaxweyne Bracka Obama ayaa waxay tahay mid aad iyo aad u farxad gelinaysa dhammaan Shacabka Maraykanka oo soo maray Sideed Sano oo aad u adag dhinacyada Dhaqaalaha ,Caafimaadka , iyo Siyaasaddaba taasoo ay doonayaan inay helaan mid ka wanaagsan oo ay kaga kabtaan ,tan kale Guushani waxay noqotay mid la sugayey oo hore loo saadaaliyey in uu maallin maalmaha ka mid ahi uu Nin African American ahi uu Madaxweyne ka noqon doono Maraykanka wayna dhacday sidaa darteed Guusha Madaxweyne Bracka Obma waa mid Taariikhi ah oo la sugayey.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey )
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com


Somalida gobolka Minnesota oo u qul quleeysa meelaha lagu wooteeyo waxaana aad ujooga.

SAMA News Nov 04, 2008
Somalida gobolka Minnesota oo u qul quleeysa meelaha lagu wooteeyo waxaana aad ujooga subaxdii hore dadka waaweyn ee Soomaaliyeed.

Hadii aay ka warbixiso Ururka Saxaafada ee Madax banaan ee ka jira Cariga Mareeykanka lana yiraahdo Somali American Media Association (SAMA) qeybta TV'ga ayaa u kuuragalay iney ugu horeeyaan dadka waaweyn marka meelaha ama Golayaasha Woodka aanu soo kormeernay.
SAMA TV oo warbixino ka soo sameeyey hadana ku guda jiro warbixintaasi ayaa waxaa ay arkeeen ama indhihiina ka arki kartaan Sawirada aanu ka soo qaadnay ineey dadka waaweyn ay ku soo jarmaadeen meelaha dadku ay ku dhiibanayaan Woodkooda ama Codeeyntooda.

SAMA TV waxay kormeertay Saacada markey ahayd 8:58 am Sideeda iyo kontan iyo sideeda subaxnimo ayaa waxay tagtay Xaafada dadka ugu badan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ay degan yihiin waxayna lakulantay adinkoo ka daawanaya Sawiradaan kor kosawiran waxaad arki kartaan dadka waaweyn iney saameysay dhibaatada soo foodsaartay 8 sanadood ee ka dhacday shaqo la'aanta iyo dhaqaala xumada dalka markanka ayagoo hada diyaar u ah iney Codeeyaan si markaa xal ay isleeyihiin iney helaan bal iney wax iska badalaan oo ay helaan shaqooyin iyo Kaar Caafimaad oo ay isku daaweeyaan.

Waxaa markey ahayd saacadu 9:50 Am ayaa waxaa wooteeyey 314 qof waxaa halkaas kaaga muuqda in dad badani ay usoo kalaheyn wooteynta ama Codeeynta ka socota Cariga mareeykanka waxaana ay ka taagan yihiin qof walibana saameysay dhaqaale xumida ka taagan dalka mareeykanka oo waxay leeyihiin waxaanu ubaahanahay Change kaaso oo ah mid keeni kara soo celinta waxa dalkaan lagu yihiin oo ah iney helaan dadka laga badan yahay Xuquuq iyo Dhaqaale layimaada (American Dream).



American Dream waa Riyada dalkeena cusub lagu yaqaan oo ah mid waligeed uu kaga hormarsanaa dalalka kale ee aduunka laguna yaqaan in qofwalba uu noqonkaro wuxuu rabo.

Waxaa somalida haray badankooda dhalinyarada oo laga yaabaa ineyan usoo kalahin laakiinse lafilayo iney imaan doonaan barqadii ama galbihii waxaana lafilayaa buu yiri qof meesha Codeeynta ka ahaa ama ugu shaqeeynayey Iskaa wax uqabso waxaana layiraahdaa



Waxaanu soo saaridoonaa video dadka anagoo wareeysaneyno waa jaaliyadda Soomaaliyeed oo degan gobolka Minnesota iyo meelaha Codeeynta ale haduu idmo lasocda adinkoo kala soconaya shabakada Ururka Madaxbanaan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareeykanka Somali American Media Association (SAMA).



Iskudubaride
Abdikarim (Qaxiye)
abdikarim@somaliamericanmedia.org


Senator Barack Obama Waa Nin Ceynke ah !!!!

Hordhac.

Tan iyo markii u bilowdey tartanka doorashooyinka madaxtinimada( presidential election) wadanka maraykanka ayaa Tv yada caalamka si wayn u hadal hayaan cida ku guulaysan doonta labada senator barack obama iyo hillary Clinton oo labadu ka wada tirsan xisbiga Democratic. Habada guula isdaba jooga ah ee uu gaadhay obama marqudha ayaa dadka faaleeyaa siyaasada maraykanku ku sheegeen inuu obama helay fursado badan oo ay dadku aad uga soo horjeedaa maamulka hada jira taasi oo sii dheeri galisay inuu obama ilaa heerkaasi gaadho, isagoo dadka ugu baaqayo isbedel ka dhaca dalka maraykanka .

Hadaba dalka maraykanka oo xukunkiisa qaban jireen dadka erishka ah oo aanu ninkale qaban jirin jagada madaxtinimada ayay tani wax wayn ka bedeli doontaa habkii loo soo dooran jiray cida madaxtinimada qabaysa, waxaanan odhan kartaa waxaa meesha ka baxday cunsuriyadii iyo kala soocii lagu hayay dadka madow ah ee dhibaatadu badan la soo kulmay , waxayna noqon doontaa mid ay ku daydaan dawladaha duni oo dhan inay jirin wax la yidhaahdo cunsuriyad midab ama mid qabiil oo ay fahmayaa waxay tahay democraticyadu

Waa Kuma Barack Obama ??

Baracka Hussien Obama wuxuu ku dhashay magaalada Hunolulu oo ka tirsan gobolka Hawai ee dalka maraykanka bishii August 4-teedii 1961-kii, waxaana kala dhallay Baracka Obama Sr Husien oo ahaa aabihii oo asal ahaan ka soo jeeda deegaanka Nyangoma-Kogelo ee dalka Kenya iyo hooyadii oo ahayd caddaan oo magaceeda la odhan jiray Ann Dunham oo ka soo jeeda magaalada Kuchita ee gobolka Kansas ee dalka maraykanka.

Obama ayaa hooyadii iyo Aabahii waxay is guursadeen iskuna barteen iyagoo labadooduba wax ka dhiganaya jaamacadda Hawai (Hawai University), sannadkii 1960-kii, halkaasi oo aabahii ku joogay dal ku gal (American Visa).

Obama hooyadii iyo Aabahii ayaa kala tagay isagoo afar sanno jira ah waxaana ay hooyadii Ann Dunham sannad ka dib guursatay nin kale oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Indonesia Lolo Seotoro oo isaguna wax ka baran jiray isla jaamacadda Hawai.

sannadkii 1965-kii ayey Obama hooyadii iyo odaygeeda cusub Lolo Seutoro u guureen dalka Indonesia, waxaana sannadkii 1967-kii uu Obama waxbarashadiisii hoose ka bilaabay dugsi ku yaalla dalka Indonesia magaalo madaxda dalkaasi ee Jakarta, waxaana uu wax ka baranaayey dugsigaasi ilaa iyo intuu ka gaadhaayey 10 sanno jir, isagoo wakhtigaasi wixii ka danbeeyeyna ku soo laabtay dalka maraykanka isla gobolkii uu ku dhashay ee Hawai wuxuuna kula noola Ayeydii dhashay hooyadii wuxuuna halkaasi ka bilaabay waxbarashadiisii dhexe iyo sare oo uu ka dhamaystay dugsiga caanka ah ee ku yaalla magaalada Hunololu ee Penahou School sannadkii 1979-kii.

Sannadkii 1980-kii ayuu Baracka Obama waxbarasho sare u tagay gobolka California magaalo madaxdiisa Los Angeles halkaasi oo uu ka gallay kulliyadda tababarka dadka dhimirka qaba, isagoo baranaayey muddo ku siman 2 sannadood.

laba sanno ka dib ayuu Obama usoo wareegay Jaamacadda Colombia University oo ku taalla magaalada Newyork isagoo ka dhamaystay waxbarashadiisii heerka jaamacadeed wuxuuna Obama ku qaatay shahaadada sare ee Master Degree cilmiga siyaasadda (Political Science), isagoo weliba takhasus ku qaatay aqoonta xidhiidhka caalamiga ah (International Relations).

Sannadkii 1989-kii ayuu Baracka Obama shaqadiisii ugu horaysay ka qabtay magaalada Chicago, isagoo guddoomiye ka noqday urur si mutadawcnimo ah dadka danyarta ah ee darbiyada jiifsada ugu shaqeeya, wuxuuna ururkaasi guddoomiye ka ahaa ilaa sannadkii 1993-kii isagoo ku noqday jaamacadda Chicago kana bartay cilmiga Sharciga, uu uu takhusus labaad ku sameeyey.

Obama Iyo Xaaskiisa Michelle Obama

Sannadkii 1993-kii ayuu Baracka Obama la kulmay xaaskiisa Michelle

Robinson wuxuuna guursaday isla lix bilood ka dib waa bishii May isla sannadkaasi, Baracka Obama wuxuu u guuray gobolka Ilinios ee dalka maraykanka halkaasi oo uu ka bilaabay nolol cusub.

Obama Waa Xaaskiisa lagu magacabaa (Michelle Obama) waxaana uu leeyahay Laba gabdhood (Malia Obama iyo Natasha (Sasha) Obama.

Obama isla laba sannadood ka dib waxaa loo doortay inuu ku soo biiro golaha senateka ee gobolka Illinios isagoo laba jeer loo doortay maayorka magaalada chicago, isla markaana noqday guddoomiyaha qaybta sharciga ee Senate-ka Illionios.

dadweynaha ku nool gobolka Illionios ayaa si weyn ula dhacay hawlkarnimada Obama waxaana inbadan bilaabantay in dadku ay magaciisa isla dhex maraan isla markaana saxaafadda guud ee dalka maraykanku ay magaciisa qabsadaan, waxyaabaha sida weyn usoo shaac saaray Obama waxaa ka mid ahaa inuu ka aas aasay gobolka Illinios shariikad weyn oo kala talisa dadka arrimaha sharciga

ku saabsan gaar ahaana ku dhiiri gelin jirtay dadku inay codkooda ka dhiibtaan doorashoyinka gobolada, degmooyinka iyo weliba doorashooyinka guud, iyo weliba isagoo ka caawin jiray dadka si bilaa lacag ah arrimaha khuseeya sharciga.

Soo Koritaankiisii Masraxa Siyaasadda

Baracka Obama wuxuu go'aan ku gaadhay sannadkii 2004-tii inuu isku taago xilka musharaxnimada golaha senate-ka maraykanka isagoo iska soo sharaxay gobolka Illionios ee uu degena, iskana soo sharaxay xisbiga dimuqraadiga wuxuuna doorashadii si weyn uga adkaaday musharaxii kula tartamaayey ee ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga oo muddo 6 sannadood ahaa gobolka u matalaayey Senate-ka maraykanka.

Hase yeeshee Senator obama xubnaha Xisbigiisa ee la tartamay waxa uu dheeraa hal faa’iido oo ah inuusan marna taageersanyn una codeyn dagaalka Ciraaq intii uu Congress-ka Mareykanka ku jirey, halka ay Hillary Clinton ay iyadu u codeysey isla markaana taageertey dagaalka Ciraaq. Weliba Senator Barack Obama waxaa uu soo diyaariyey oo uu horgeeyey Aqalka Congress-ka Mareykanka qaraar ku baaqaya in kasoo bixidda ciidamada Mareykanku ay billaabato waqti aan ka damabayn 1-da bisha May ee sanadkii 2007.

Muddadii afarta sannadood ahayd ee Obama uu ku jiray golaha Senateka maraykanka ayaa wuxuu door weyn ka cayaaray guddi hoosaadyada golaha sare ee dalkaasi maraykanka wuxuu guddoomiye ka noqday guddi hoosaadka arrimaha siyaasadda wuxuuna laba jeer u codeeyey mooshin ku saabsana in cunaqabatayn

dhinaca dhaqaalaha ah lagu soo rogo dalka Iran, wuxuu sidoo kale xubin ka noqday guddidii daba galka arrimaha Ciraaq oo wax ka weydiinaysay madaxweynaha maraykanka 2006-dii natiijadii dagaalka Ciraaq.

Baracka Obama wuxuu sidoo kale xubin ka noqday guddida arrimaha dibadda ee senateka maraykanka isagoo laba jeer ku booqday ciidamada maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq, wuxuu ka codeeyey kana soo hor jeedsaday mooshin uu Madaxweyne Bush ku doonaayey in ciidamo dheeraad ah loogu diro dalka Ciraaq, wuxuuna Obama aaminsanyahay in ciidamada maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq si dhakhso ah looga soo saaro.

Baracka Obama iyo Go'aankiisii U Tartanka Guriga Cad

Baracka Obama oo sumcadiisa siyaasadeed cirka isku shareertay ayaa isagoo tallo iyo tusaale badan ka helaaya Senator Kennedy oo ay walaalo ahaayeen Madaxweynahii hore ee maraykanka JF Kennedy wuxuu go'aan ku gaadhay inuu isku soo taago xilka musharaxnimada xisbiga dimuqraadiga, wuxuuna olole balaadhan ka gallay gobolada koonfurta iyo galbeedka maraykanka oo uu sumcad balaadhan magaciisu ku lahaa.

bilood oo uu Obama tartan hoosaadka is reeb reebka musharaxiinta xisbiga dimuqraadiga ku jiray ayuu guulo balaadhan ka soo hooyey, wuxuuna hadda haysta 1620 ergooyinka xisbiga dimuqraadiga halka haweenaydii hore ee madaxweyne Clinton oo iyadu la tartamaysa ay quus ka joogto in ay la sii tartanto Obama.

Dhinaca kale waa markii ugu horaysay taariikhda Dalka maraykanka in ruux dumar ah iyo nin asalkiisu yahay dadka madow ay u tartamaan mansabka jagada madaxwaynimada . gabadha tartanka kula jirtay senate obama ayaa iyadu waxay tahay xaaska madaxwaynihii hore ee dalka maraykanka clinton. Hillary clinton oo iyadu dadaal ugu jirta dhinaceeda sidii ay madaxwayne ku noqon lahayd ayaa ilaa hada waxaa ka delegates horeeya obama ilaa hada states badan kaga guulaystay hillary clinton.

Hadaba obama ma noqon karaa mid mideeya bulshawayna maraykanka ee dhaqanka iyo diimaha ku kala duwan aaminsan.?

Shaqsiyadda Baracka Obama

Senator obama oo ah nin aad u firfircoon karti iyo aqoona u leh howlaha horyaala,Obama ma ahan oo kaliya nin da’yar oo Isbedel doon ah, ee waxaa uu Diyaar u yahay inuu dalka Mareykanka uu ka dhigo Taariikh cusub,Obama ayaa hore u ahaa Macallin Jaamacadeed oo dhiga Sharciga,

Senator Barack Obama waa ninkii ugu horreeyey ee Madow ah ee si run ah ugu dhow inuu Madaxweyne ka noqdo Dalka mareykanka.,isagoo xalay si weyn u helay Musharaxnimada Xisbiga Democraticiga

Senator Barack Obama oo Habeenimadii Xalay ahayd ku Guuleystay Musharraxnimada Xisbiga Dimoqraadiga isagoo kala hadley fagaare ku yaalla Xcel Energy Center in St. Paul Minneapolis MN Shacab isugu soo baxay oo lagu qiyaasey 20,000 oo qof si ay u dhegeystaan qudbaddiisa, isagoo markaas sheegay inuu yahay Musharaxa Xisbiga Democraticga ee utaagan Madaxtinimada Dalka Mareykanka ee dhicidoonta Bisha November ee sanadkan.

Baracka Obama ayaa lagu wadaa inuu kula tartami doono doorashada madaxtinimada dalka maraykanka Senatorka gobolka Canniticut John McCin oo ay xisbiga Jamhuurigu hore ugu caleemo saareen musharaxnimadiisa bedelina doona Madaxweyne Bush bisha November ee sanada 2008.

doorashada dhex mari doonta Baracka Obama iyo John McCin ayaa lagu wadaa inay yeelan doonto mucjisadii koobaad ee maraykanka waa midda koobaad eh Obama oo noqon doona ninkii madooba ee ugu horeeyey ee u tartama hogaanka dalka maraykanka, iyo Senator Mccain oo noqon doona ninkii ugu da'da weyna ee xilkaasi u tartama.

Baracka Obama ayaa cododka dadka maraykanka laga qaado wuxuu 10 dhibcood ka horeeya hadda Senator Maccain waxaana bilaaban doonta in labada nin ay saxaafadda iska weeraraan.

Si Kastaba ha ahaatee Senator Barack Obama ayaa ah ninka da’ahaan ugu yaraa musharrixiinta ka tirsan Xisbiga Democraticiga ee u sharraxnaa Jagada Madaxweynenimada Mareykanka. Waxaa kale oo qorshe-siyaasadeedkiisii ku jira inuu wax ka qabanayo Adeegyada Daryeelka Caafimaadka, Waxbarashada, Isbedelka Cimilada Adduunka, hoos u dhaca Miisaaniyadda dhaqaalaha Mareykanka iyo qodobbo kale.

Mohamed Ismail

Email:-mismacil@Live.co.za

Johannesbrug

South Africa

Source:

  • www.starpulse.com
  • www.politicalgateway.com
  • en.wikipedia.org/wiki/Barack_Obama
  • www.rollingstone.com
  • www.Starware.com/Reference
  • www.barackobamacandidate.org

obama

Faafin: SomaliTalk.com | June 4, 2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
IIDHEH
XAYAYSIIS