SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ARINTU NUUR CADE IYO ABDULLAHI YUSUF KAWAYN.

Abdullahi Mohamed Hashi

London, uk

burhaan88@hotmail.co.uk

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Isqab qabsiga u dhaxeeya Abdullahi Yusuf iyo Resulwasarihiisa Nuur cade arintu waaka wayntahay. Ulejeedooyin badan ayaa kuhoos dahsoon ama kuqursoon oo aan dadka qaarkiisu uusan fahmin.Markaan ku hormaro isqab qabsiga Abdullahi Yusuf iyo Nuur cade, Labaduba waxay u shaqeeyaan cadowga umada Soomaaliyeed. Maydin latahay in ay diideen amar kaga yimid Itoobiya? Jawaabtu waa maya aniga iyo inta ilaqabtaaba, maxaa yeelay awood ay wax ku diidan malahan oo ay uga hor imaan karaan amar kasoo baxay madaxa sare ee dowlada Itoobiya, ee ayagaa lasyka horkeenayaa oo midba dhagta wax loogu sheegayaa.

Waxay taariikhda intaan ognahay ay galiyeen in wasiir itoobiyaana isugu yeero madaxwayne iyo resulwasare iyo 279 xildhibaan uu si bareera ugu cananto hortooda oo la waayey cid wax ka dhahda ama u jawaabtay. Dad badan ayaa maalintaas wax badan ogaaday oo aan horay u ogaan. Soomaalida ay mugdiga uga jirtay ayay u cadaatay maalintaas in Soomaaliya ku jirto gacanta isticmaar madoow oo dad masuuliyad dal xora sheegtaa aan saas loogu bahdilin.

Waxaa taas kusoo xigtay in wasiiro kusheeg sheegta (IGAD) in ay yiraahdaan waxaan kusoo rogaynaa cuna qabatayn madaxwayne iyo resulwasare dal madax banan, igayoo waliba ah heer wasiir oo kaliya. Bal aan iswaydinee ma UN baa?

Qofka bini aadankaa mar kabadan madhinto, war miyeysan damiir lahayn dadkaan? Aaway maah maahdii soomaalieed oo oranaysay hadad dhimanayso dhareerka waa layska duwaa? Kuwo waxaad arkaysaa lasafan Nuur cade iyo Qaar Abdullahi yusuf tageersan. War arintu saad moodeen mahan ee waxa laydinladamacsan yahay ayaa kawayn. Akuyeey soomaaliyey hurudooy.

Abdullahi yusuf iyo Nuur cade itoobiya makala jecla laakiin hadba kay ka dhex aragto danteeda ayay baalka gashataa. Hada abdullahi Yusuf Itoobiya dantii ay ka lahayd waa dhamaysatay asaguna waa og yahay haduu aqli leeyahay ciil iyo calol xumana asagaa maantay nagabadan. In shir lagu bahdilo oo wasiir cananto asagaa is baday oo cadow dalkiisii gacanta u galshay koleeyna hadana arag in isaga aysan Itoobiya jecel gooniya u qabin.

Itoobiya mowjado hir leh ayaa kusoo burqaday. Duulaankii iyo qabsashadii Soomaaliya caano kuma cabin, waxayna qarka usaaran tahay fashil iyo in siyaasada silsiladaa ee geeska afrika ay kuwiiqanto. Waxay gabood falyo xun kagaysatay gudaha Soomaaliya iyo gobalka Soomaalida itoobiya, Ereteria wanaag ma dhexyaalo, waxayna aaminsantahay in Soomaaliya gacantooda kabaxdaa ay la mid tahay xisbiga xukunka haystaa ee Tigreegu owoodooda ay gacanta kabaxay. Waxaa kaloo soo food saaray siyasada Maraykanka ee wax iska badashay oo uu kuguulaystay Madaxwayne asalkiisu kasoo jeedo geeska Africa Barack Obama, oo u dhuundaloola dalalka geeska Africa oo uu kazoo jeedo asal ahaan. Dowladii siyaasada waalan ku socotayna oo qabsashadii Soomaaliya ku taageertay malayiin dollarna ay u hartay labo bilood oo qura, oo aysan hubin in ay heli doonto tageradii uu siin jiray madaxwaynaha kursiga kasii dagayaa ee Bush.

Itoobiya waxay rabtaa in aysan kaligeed ku noqon oo lala qaybsado dalka Soomaaliya. Waxayna rabtaa in ay Kenya kusoo biirto oo ay Kenya la wareegto gobolada jubooyinka. Sidoo kale waxay rabtaa itoobiya marka ay kataqalusto Abdullahi yusuf in dagaalka loo badalo wajikale oo layskaga horkeenayo Mujahidiinta kadagalama gudaha Soomaaliya. Waxaana larabaa sida maraykanku iyo UN (united nation) ka dhadhacsiiyeen itoobiyaanka in garuubka sheikh shariif hugaamiyo ee fadhigoodu yahay jabuuti lagu soo biiriyo dowlad loo baxsho dowlad loo dhanyahay. Jagooyin fiicana laga siiyo garuubkaas, si ay ula dagalaan waxii mucarada oo markaas soobaxa, silo wiiqo midnimo Soomaaliyeed oo lahelo iyo Soomaalida oo danaheeda loo daayo si ay u dhistaan wax ayagu raali isaga yihiin oo ay kusoo ceshenayaan qornimadooda iyo jiritaankooda.

Waxaa sii caawin kara in cadowgu gaaro ulajeedooyinkiisa in kooxaha kadagalamaya gudaha Soomaaliya ay sii kala jabaan ukalana baxaan firqooyin kala baxsan oo iska soohorjeeda. Waxaad ogataan hadad saas samaysan canjeelo say ukala koraysaa lookala qadaa ayay soomaalidu tiraahdaa hadba sidaad cadowga ugu kala Qatar badan tihiin ayaa laydiin cuni doonaa mid ladhafayaana majiro.

Abdullahi Mohamed hashi

London, uk

burhaan88@hotmail.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2008

oilShirkad Macdanta ka Baarta Puntland oo Lagu Xiriiriyey Burcad Badeedda Soomaaliya
Shirkadda Range Resources ee heshiiska kula jirta Puntland ayaa lagu xiriiriyey burcadda sida ay qortay jariidadda....

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS