- XILDHIBAAN IBRAAHIM XABEEB Oo Khudbad Ku Aadan Arimaha Somalia Kajeediyay
Shirka Barlamaanka Afrika.
- PAN AFRICAN PARLIMANT oo ka Dooday Xaalada Soomaaliya
- EUROPEAN PARLIMANT oo walaac ka muujiyay Xaalada bini’aadamnimo ee dalka
Soomaaliya...
XILDHIBAAN IBRAAHIM XABEEB Oo Khudbad Ku Aadan Arimaha Somalia Kajeediyay
Shirka Barlamaanka Afrika. Oct 29, 2008: Xildhibaan Ibraahiim Xabeeb Nuur oo ka mid ah Mudane ka tirsan barlamaanka
soomaaliya ayaa maanta khudbad ka jeediyay xarunta barlamaanka afrika ee
Magaalada Johannesbrug. Xildhibaan Xabeeb oo Khudbadiiso ahayd Mid laga Sugayay Maanta Madasha Shirku
uga socdo xubno ka tirsan barlamaanada Afrika ayaa waxaa uu khudbadiisa diirada
ku saaray arimaha ay ka mid yihiin amaanka wuxuuna golaha Barlamaanka Afrika
hortooda ka sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya aysan waxba
ka qaban karin xaalada Soomaaliya. sidoo kale sheegay ka barlamaan ahaan in ay si weyn uga xunyihiin dhibatooyinka
dagaal ee wali ka soo socanaya dalka Soomaaliya isla markaana waxyeeladu ay ka
soo gaarayso dadka Rayidka ah.
Xildhibaan Ibraahiim Xabeeb Nuur ayaa ku nuux nuuxsaday in dad badan ka
barakaceen guryahooda isla markaana nolol xun ku haysato gudaha dalka halka qaar
kalena amaan dari ku haysato deeganada ay ka dagan yihiin Magaalada Muqdisho iyo
qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in taasi xalkeeda uu yahay in
nabada la raadiyo si buu yiri u bad baado nolosha Kumanaan ruux oo iminka ku
sugan Gudaha dalka isaga ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ku
siiyaan nabada ay wadaan. Xildhibaan Xabeeb waxaa uu intaas ku daray dalalka Uganda iyo Burindi kaligood
waxba ka qaban karin xaalada amaanka ee Soomaaliya isagoo ugu baaqay dhamaan
dalalkii Afrikaanka ahaa ee horey ugu yaboohay inay ciidamo geyaan Soomaaliya ay
tahay inay ka dhabeeyaan sida ugu dhaqsiyaha badan isagoo sidoo kale ugu baaqay
Xubanaha Barlamaanka Afrika inay wax ka qabato xaalada Soomaaliya isagoo eedeyn
ba'an u jeediyay QM iyo Caalamka Intiisa kale tasoo ku saabsan sida ay uga
gaabisay wax ka qabashada xaalada Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya loogu soo
celin lahaaba kala danbeyntii luntay 18 sano ka hor. waxaana ka mid ahaa hadaladii xildhibaanka " Anagu waxaan nahay dad afrikaan ah
waxaa kaliye ee aan wax ka sugnaa waa walaalahayaga afrika ee mahan inaad nagu
fiirsataan sida aan nahay waa inaad wax nala qabataan oo kolba sida ugu wanagsan
aad wax noola qabataan" Wuxuu intaas ku daray Xildhibaan Ibrahim Xabeeb in ay Dadka Soomaaliyeed kala
garanayaan taariikhda soomaalidana baal dahab ah ka gali doono qofkii wax u
qabtay iyo qofkii dhibaato u geystay intaba, “Soomaaliya waa meel aan magac ku
lahayn aduunka wax xun mooyaane oo qofkii maqlaana ka naxo marka sidaas darteed
waxaan Barlamaanka Afrika iyo beesha caalamka ka codsaneynaa inay gacan nagu
siiso sidii aan usoo celin lahayn Magacii iyo Maamuuskii Soomaali wayn ”ayuu
hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Ibrahim Xabeeb. Si kastaba ha ahaatee Hadalka ka soo baxay xildhibaanka ayaa ku soo aadey xili
siyaasiyiinta soomaalida ee labada dhinac ay shir uga furmay, mana ahan markii
ugu horeysay oo diblomaasiyiin caalamka ah ay sheegaan sida Soomaaliya xal ku
heli karto ha ahaato in ciidamada la sii kordhiyo in dhaqaaaha laga kabo
ciidamada hada jira in Soomaaliya arimaheeda loo dhaafo iyadoo dib u
heshiisiinta la caawinayo iyo arimo kale.
MOHAMED ISMAIL
+ 27 86 868 66666
mismacil@Live.co.za
Johannesbrug, South Africa
PAN AFRICAN PARLIMANT oo ka Dooday Xaalada Soomaaliya Golaha barlamaanada afrika ayaa ka dooday xaalada Dalka Soomaaliya, markii ay
Maanta yeesheen kulan looga hadlayo xaalada Soomaaliya. Golaha ayaa soo dhaweeyey heshiiskii ay gaareen Madaxda Dawladda Faderaalka KMG
ah ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya, waxa ayna ugu
baaqeen Madaxda Dawladda iyo Isbaheysiga in ay sare uqaadaan dadaalada dibu
heshiisiinta hada socda.
Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr
Ambassador Mohamed Ali ayaa maanta qudbad xasaasi ah ka jeediya xarunta golaha
barlamaanka afrika ee magaladatan Johannesbrug, kana sheegey in looga bahan
yahay Barlamaanka afrika iminka in ey usoo jeestaan dalka dagaaladu la dageen
mudada ku dhow 20-ka sano ee Soomaaliya. Ergeyga ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan dadaalo dhinaca dib u
heshiisiineed oo dowladda federaalka iyo Xulafada ka soo horjeeda walibana ay ka
go’an tahay sidii loo hubin lahaa inay miro dhasho dib u heshiisiinta laga wado
dalka Kenya oo 26 dii bishaani furmay iyadoo sidoo kale laba cisho ka hor lagu
soo hashiiyey Shirkii Jabuuti oo ey hurmuudka ka tahay Midowga Afrika iyo beesha
Caalamka. Ambassador ka ayaa sidoo kale ka codsaday barlamaan ka afrika inuu si deg deg ah
dalka Soomaaliya loogu soo dhamaystiro ciidamo ka socda Qaramada Afrika oo ka
qeyb qaata hawlgalka nabad ilaalinta ee iminka ey bilaabeen dawlado ka mid ah
Midwoga Afrika. Sidoo kale ergyga waxaa uu diirada saarey dagaalada ka socda dalka Soomaaliya ay
dhibaato u keeni karaan hawlaha bini’aadamnimo ee dalka Soomaaliya ka socda xili
uu dalkaasi galay marxalad aad u adag oo ay kamid yihiin abaaro iyo cunto
yaraan,wuxuuna sheegay shakhsiyan iyo ka midow afrikan ahaanba in uu si weyn uga
naxsan yahay dadka qaxootiga ku ah dalka gudihiisa, kuwaasi oo inta badan
baahida ay qabaan aan la kabin, sida biyaha, caafimaadka iyo nafaqeynta
caruurta.
Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr
Ambassador Mohamed Ali ayaa wuxuu ka balanqaaday in aysan Midowga Afrika waxba
ka hagran doonin Shacabka Soomaaliyeed, ayna qaadi doonaan talaabooyin muhiim ah
oo geedi socodka nabadda Soomaaliya gacan siin doonah. Ambassador ayaa ku sheegay qudbadiisa in dad badan oo Soomaali ah ay u baahan
yihiin gargaar mucaawino oo deg-deg ah, sidaasi darteed ayuu wuxuu ugu baaqay
Beesha Caalamka inay kor u qaadaan gargaarka bani’aadamnimo, wuxuuna sheegay in
dowladda kmg ah ay dhinaceeda sugi doonto ammaanka shaqaalaha samafalka walow
hada loo fadhiyo shir looga hadlayo armiha amniga ee soomaaliya. Sidoo kale mar uu wareysi khaas ah isiiyey ka dib mar aan isku sheegey inaan
ahay saxafi soomaaliyeed rabana inuu wareysi kala yeesho arimah uu kaga hadlay
manta xaalada soomaaliya, Ergayga gaarka ah Midwoga Afrika Mr Ambassador Mohamed
Ali ayaa ii sheegey inuu hada aad ugu faraxsan yahay arimaha geedi socodka
nabada soomaaliya waxaa uuna si kaftan ah igu dhahay mar dhaw dawlad soomaali ah
oo loo dhan yahay ayaa imaan doonto
Sual aan waydiiyey o ahayd dhawr mar ayaa shirar noocaan oo kale ah la isugu
yeerey garab yada isku haya masraxa siyaasada soomaaliya kaasoo wax natiijo la
taaban karo aysan ka soo bixin marka kana soo kuwaas lama mid ah? Waxaa uu ku jawaabey Ambassador “ way jirtaa in dhawr mar la isugu yeerey
dawlada iyo Xulafada Ka soo horjeeda kuwaasoo aan wax natiijo ah laga gaarin
laakin kan wa igala duwan yahay kuwaas maxaa yeeley beesha calaamka iyo midowga
afrika waxay hada usoo jeedaan waxa ka dhacaya soomaaliya aadna waan u
danayneynaa maxaa yeeley waad ogtahay waxa ay tahay wadan aan nidaam lahayn
natiijada ka soo bixi karto aduunka oo dhana waxaa mithaal loo soo qataa
soomaaliya marka laga hadlayo xaalad kasto oo aduunka ka dhacda marka waxaa loo
baahan yahay in dad waynaha iyo dadka isku sheegaya siyaasiyiinta soomaalida wa
inay ka tahay daacad hadi midaas la waayona ma garan karo sida ay wax ku socon
karaan” Sikastaba ha haatee khudbadii iyo wareysigii gaarka ahaa ee u isiiyey Ergayga
Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr Ambassador
Mohamed Ali ayaa ku soo beegmay xili ay siyaasiyiinta Soomaalida ay ku gareen
hashiis magaalada jabuuti mid kale oo lagu sheegey in loo dhan yahayna uu ka
furmay magaalada Nairobi ee dalka keynya maama uun ka dib sidoo kale waxaa la ii
sheegey in arinta soomaaliya ay ka mid tahay qodobada ugu horeeya ay kaga jirto
qodobada ay dhamaadka bisha soo socota kaga doodayaan Golaha Amaanka oo ka
kooban 15 dawladdood oo ay 5-ka mid ah leeyihiin codka diidmada qayaxan. MOHAMED ISMAIL
+ 27 86 868 66666
mismacil@Live.co.za
Johannesbrug, South Africa
EUROPEAN PARLIMANT oo walaac ka muujiyay Xaalada bini’aadamnimo ee dalka
Soomaaliya... Madaxwaynaha Barlamaanka Yurub Mr.HANS-GERT POTTERING oo wareysi khaas ah
isiiyey ka dib markii aan isku sheegey inaan ahay saxafi soomaaliyeed ayaa ii
sheegay in dalka Soomaaliya waxa ka dhacaya ay Midowga Yurub iyo barlamaanka
Yuruba si weyn isha ugu heyaan. Mr.HANS-GERT POTTERING oo hogaaminayay Wafdi
lagu casuumey shirka PANA AFRIKAN PARLIMANT ayaa sheegay in ay jiraan xad
gudubyo ka dhaca dalka Soomaaliya oo ka dhan ah xaquuqul Insanaka. Mr.HANS-GERT POTTERING oo aan wax ka weydiiyay arrimaha bini’aadamnimo iyo
xuquuqul insaanka in ay tilaabo ka qaadi doonaan dadka ku xad gudba xuquuqda
shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ay ayagu hada wadaan xog aruurin badan ku
sabsan arimaha soomaaliya. Isla markaana xogtaasi mar walba ay noqon doonto mid
taariikhda gasha isla markaana laga yaabo in tilaabooyin ay mustaqbalka xigi
doonaan. Mr.HANS-GERT POTTERING ayaa sheegay in ay ayagu lee yihiin hay’ado caalami ah oo
u qaabilsan in ay shacabka difaacaan cidii ku xad gudubta ama ha ahaato dowlad
ama koox wuxuuna sheegay in Midowga Yurub ay dad badan u arkaan in aysan wax
qaban balse xaqiiqdu ay taasi ka duwan tahay. Dhinaca kale mar aan iyadana la kulmay Ms.GERTRUDE MONGELLA oo ah Madaxwaynaha
PANA AFRICAN PARLIMANT wareysi khaas ah oo ay isiisay ayaa si weyn walaac uga
muujisay xaalada bini’aadamnimo ee dalka Soomaaliya oo kasoo dareysa. Madaxwaynaha Ms.GERTRUDE MONGELLA oo sidoo kale maanta Warsaxaafadeed kasoo
saartay Hoolka Madasha Shirka Ka socdo ayaa sheegtay in si weyn ay walaac uga
muujinayaan dhibaatooyinka iyo dagaalada kasoo cusboonaanaya qeybo kamid ah
dalka Soomaaliya. sidoo kale waxay ku sheegtey shirkeeda jara iid in Hay’ada UNHCR ee qaabilsan
Qaxootiga warbixintii ugu danbeysay ee laga helay tirada dadka guryahooda ka bor
kacay ayaa sare u kacay xili ay magaalada Muqdisho ka socdaan Barakicii ugu
xumaan tan iyo bishii Feberaayo 2007. Tiradda dadka u baahan gargaarka deg degha ayaa hada caga cageenaya 3.2 milyan
ruux oo Soomaali ah taasi oo tiradeedu tahay 43% shacabka Soomaaliyeed. Xaaladan
ayey Midowga Yurub iyo Barlamaanka Afrika ku tilmaamtay tii ugu xumeyd ee soo
marta Soomaaliya 18kii sano ee lasoo dhaafay. Ms.GERTRUDE MONGELLA ayaa sheegtay in dagaalada ka socda dalka Soomaaliya ay
dhibaato ay ku keeni karaan hawlaha bini’aadamnimo ee dalka Soomaaliya ka socda
xili uu dalkaasi galay marxalad aad u adag oo ay kamid yihiin abaaro iyo cunto
yaraan. Waxayna sheegtay in ay si weyn uga naxsan tahay dadka qaxootiga ku ah dalka
gudihiisa, kuwaasi oo inta badan baahida ay qabaan aan la soo koobi karin, sida
biyaha, caafimaadka iyo nafaqeynta caruurta. “Hay’adaha Qaramada Midoobay hawlaha ay ka wadaan magaalada Muqdisho way sii
socon doonaan, inkastoo xaalada amaan ay kasii dareyso, waxayna taasi astaan u
tahay baahida jirta inta ay la eg tahay….” Waxaa sidaasi yiri Madaxwaynaha Barlamaanka Yurub Mr: HANS-GERT POTTERING uguna
baaqay dhinacyada isku haya siyaasada soomaaliya inaysan dhibaato la beegsan
hay’adaha ka shaqeenaya dalka iyo shacabka maatada ah. Waxuuna intaasi raaciyey inay aad uga xunyihiin dhibaadatada haysata shacabka
soomaaliyeed. sidoo kale mar aan wax waydiyey Madaxwaynaha Barlamaanka Afrika Ms.GERTRUDE
MONGELLA in aanan wali dhaqaalihi laga balan qaadey in shacabka wax loogu qaban
doono aysan wali sidii la rabay u gaarin ayay waxay ku jawaabtey. Madaxwaynaha Barlamaanka Afrika Ms.GERTRUDE MONGELLA iyadoo si weyn u dhaliishay
dowladaha deeqda bixiya inaysan weli sare u qaadin maalgelinta loo baahan yahay
in lagu caawiyo dadkan dhibaateysan. "waxay dhibaatooyin xataa naga heysataa sidii aan dowladaha caalamka uga heli
lahayn dhaqaalaha lagu bixiyo mucaawimada si daran looga baahan yahay dalalka
dhibaatada ku jira sida Soomaaliya…” ayey tiri Ms.GERTRUDE MONGELLA. Waxaa sidoo kale uu sheegey Madaxwaynaha Barlamaanka Yurub Mr: HANS-GERT
POTTERING in uu si aad ah uga cabsi qabo in dalka Soomaaliya ay ku dhintaan dad
aad u badan dadkaasi oo macaluul ugu dhiman kara hadaan cunto ku filan la geyn
Geeska Afrika oo abaaro xun saameeyeen sanadkan iyo in markaana ay ka jiraan
cunto yaraan baaxadleh. Inkastoo xaalada Soomaaliya gaar ahaan nawaaxiga koonfurta ay tahay mid kasii
dareysa hadana hay adaha UN-ka u qaabilsan waxay sii wadi doonaan dar darna
gelin doonaan caawinta dadka qaxootiga ah ee ku barokacay dagaaladii ugu
danbeeyey. MOHAMED ISMAIL
+ 27 86 868 66666
mismacil@Live.co.za
Johannesbrug, South Africa
Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur "Dastuurka waxaa noogu qoran in aan dalka
ku dhaqno Qur'aanka, laakiin waa marka la nabadeeyo", shir jaraa'id oo uu
Johannesburg ku qabtey.
Isagoo Johannesburg kaga qeybgalaya shirka baarlamaanka Afrika ee PAN African
Parliament ayuu shir jaraa'id ku qabtey xaafada Soomaalida ee Mayfair, shirkaad
oo uu kaga hadlay marxalada dalka uu marayo, wuxuuna soo hadal qaaday shirka
Nairobi baarlamaanka la'isugu yeerey.
Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur
oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka DF ayaa habeenimadii jimcaha shir jaraa;id
ku qabtay Johannesburg, Ibraahim Xabeeb ayaa si ba'an oga deeyriyey xaalada
nololeed ee malaayiinka Soomaalida ah ee Soomaaliya ku nool, wuxuuna intaasi ku
daray in dalkii ay ka jirto dhibaato bini'aadanimo oo aan la qayaasi karin,
wuxuu eeda dusha ka saaray ciidamada shisheeye iyo xoogaga kacdoonka shacabka oo
uu sheegey in aysan u dagaalamin si mas'uuliyad ku jirto.
Ibraahim Xabeeb oo si weyn u qiireysnaa marka uu shirka jaraa'id ka hadlayay
ayaa sheegey in dhibaatada Soomaalida heysata ay iyadu isu keentey, wuxuu
tusaale usoo qaatay in awood darada iyo kala daadsanaanta Soomaalida ay tahay
tan keentey in lasoo damaaciyo in la qabsado Soomaaliya sida uu mar ka
shanqariyey qoraa Kenyan ah oo sheegey in Soomaaliya loo kala qeybinayo Kenya
iyo Ethiopia, mar xildhibaanka arrintaasi wax laga weeydiiyey ayuu sheegey in
arrintaasi ay tahay mid suurogal ah oo aad u walwal galisey dadka wadaniyiinta
ah.
Mar uu ka hadlay shirka baarlamaanka iyo dowlada la'isugu keenayo Nairobi ayuu
sheegey in dowlada ay u shaqayn weeysey fashil ku yimid hogaanka sare, loona
baahanyahay in la badalo, meesha kama uusan saarin suurtagalnimada in dowlad
wadaag ah lagu dhiso shirka oo ay ku jirraan wax uu isagu ku tilmaamay
mucaaradka qaarkood.
Waxa uu Soomaalida ugu baaqay in ay nabbada qaadato kana shaqayso xasilinta
nabbada, "inagu baarlamaan ahaan waxaa noo qoran in diinta islaamka dalka lagu
dhaqo, laakiin waa goorma, waa marka dalka uu xasilo oo la nabdiyo, laakiin
suurogal ma ahan in shacabkii hoobiyeyaal laga soo dhex rido, iyagiina madaafiic
loogu jawaabo, shacabkana ay yihiin kuwa ku dhamaanaya meesha" ayuu yiri isagoo
si kulul u cambaareeyey mid ka mid ah xoogaga kacdoonka shacabka oo uu ku
tilmaamay in xabashida ay ku qorsho yihiin.
"burcad badeeda la sheegayo, burcad badeed ayaa ka horeysey, waana kuwii baddaha
ka kallluumeysan jirrey sida sharci darada ah, suntana ku qubi jirrey, hadda
ayaa waxaa kaloo bilowdey burcad badeed caalami ah oo kaashana kuwa Soomaali ah"
ayuu yiri Ibraahim Xabeeb oo hadalkiisa u dhigayay in dhibaatada xeebta
Soomaaliya uu mas'uul ka yahay aduunka oo wax ka qaban waayay kol hore
dhibaatadii 20 sanno lagu hayay, iminkana ka cabanaya.
Mar uu ka hadlay xaalada Soomaalida dalkani ayuu sheegey in barlamaanka PAN
Africa uu kala hadlay xildhibaano K/Afrika ugu jirra, balse ay kula kaftameen
kalmado uu la yaabay, balse runta ah "markii aan weeydiiyey waxay igula
kaftameen , waa laga yaabaa in dalkeena qof iyo labbo lagu dillo, laakiin
dalkiina boqolaal ayaa lagu dillaa maalin kasta, taasi maad wax ka qabataan" ,
wuxuu Soomaalida dalkani ugu baaqay in ay noloshooda wax ka badalaan isna
illaaliyaan.
Ibraarih Xabeeb waxa uu hubanti la'aan ka muujiyey in uu ka qeybgali doono
shirweynaha baarlamaanka PAN Afrikan ee isniinta ka furmayo iyo inkale maadaamaa
uu kusoo beegmayo maalinta uu furmayo shirka Nairobi.
Mar wax laga weeydiiyey in ay mas'uul ka yihiin gabood falada ay xabashidu dalka
ka geysatay iyo in kale maadaa iyagu ay ansixiyeen imaanshaha xabashida ayuu
dafirey, waxana uu sheegey in baarlamaanka uusan ansixin imaanshaha Ethiopia,
kaliya uu ansixiyey qodob ku saabsanaa in ay dalka u iman karaan arrin degdeg
ah, balse ay ahaayeen Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geedi kuwa ka jawaabaya
su'aasha ku saabsan cidda leh mas'uuliyada gabool falada la sheegey.
Shirka jaraa'id waxaa fadhiyey inta baddan wakiilada warbaahinta waaweyn ee
Soomaaliya oo dhawaan samaystey urur mideeya saxafiyiinta laguna magacaabo
SOJASA , kaasoo holwo uu maalmahani waday ay howshani ka mid tahay lagu casuumey
xildhibaankani.
Maxamed Ismaaciil, Johannesburg.
Email: mismacil@live.co.za
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2008
Go’aankii
IGAD ee 29kii Oktoober 2008
IGAD ay soo saareen go’aan ku saabsan siyaasadda Somalia |