SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Go’aankii IGAD ee 29kii Oktoober 2008  
 

29kii Octoober 2008 ayaa IGAD ay soo saareen go’aan ku saabsan siyaasadda Somalia. Qoddobadii go’aankan ayaa u qornaa sidan:

  1. In la xuso khudbadihii ay soo jeediyeen madaxda AU, UN and IPF.
  2. Sidoo kale in la xuso soo gudbintii iyo talo jeedintii hogaamiyeyaasha TFI iyo xildhibaanda Somaliyeed.
  3. In la muujiyey welwel aad u weyn oo ku wajahan Siyaasadda curyaantay ee Somalia taasoo keentay in xaaladda nabadgelyada ay ka sii dartay iyo in rajo xumo ay ku sii socoto sidii lagu gaari lahaa ujeedooyinkii loo aasaasay TFI iyadoo ay caddahay in lagu guuldareystay in la dhiso hay’addihii dowliga iyadoo ay ka harsantahay waqtigii TFI 9 bilood.
  4. In laga xumaado is qabqabsiga hoggaamiyeyaasha iyo wadajir la’aantooda taasoo ah sababta ugu weyn oo ay nabadgelyadu u sii xumaatay iyo inaan horumar laga gaarin dib-uheshiisiin qaran.
  5. In loogu yeeray caalamka inay kaalmeeyaan sidii loo xoojin lahaa TFIs iyadoo laga caawinayo xag farsamo iyo kobcinta waxwadaqabsiga.
  6. In sidoo kale loogu yeeray caalmaka inay si deg-deg ah kaalmo bani’aadan ula soo gaaraan Somalia si looga hortago dhibka heysta kumanaanka qof ee ka barakacay guryahooda.
  7. In la xusay inay jiraan dib u dhacyo caalamku ku sameeyey codsiyadii is dabajooga ahaa ee ka imanayey IGAD, AU and the UN si loo xoojiyo loona caawiyo AMISOM taasoo ay keentay in si toos ah waxqabadka siyaasaddeed iyo midka nabadgelyaba aysan horumar laga sameynin.
  8. Sidoo kale in la xusay korarka burcadeedka badda iyo in la soo dhoweeyey qaraarkii UN ka ee 1816 iyo 1838 kuwaasoo u fasaxayey in xoog loo isticmaalo sidii looga hortagi lahaa burcad badeedda.
  9. In lagu ammaano dowladdaha Uganda iyo Brundi inay ciidamadooda u soo diraan Somalia iyo Dowladda Ethiopia oo iyagana u soo diray ciidamadooda ka dib heshiiskii ay la galeen TFGda iyo in lagu ammaano ciidamada AMISOM iyo Ethiopia siday u guteen waajibaadkooda iyadoo ay xaaladdu aad u adagtahay.
  10. In la soo dhoweeyo heshiiskii lagu saxiixay Djibouti 26kii Octoober oo ay saxiixeen TFG iyo ARS sidii loo dhaqangelin lahaa joojinta collaadaha dagaalka ah.
  11. In sidoo kale la soo dhaweeyey go’aankii ahaa in la soo dhiso dowlad wadajir ah ee soomaaliyeed oo ku dhisan habka 4.5 iyo Baarlamaan loo dhan yahay.
  12. In lagu dhiirigeliyo TFG iyo ARS sidii ay si buuxda u dhaqan gelin lahaayeen iyagoo niyad fiican go’aankii ay ku gaareen Djibouti 26kii Octoober iyo in loogu baaqo in xildhibaanada TFP ay aqlabiyad siiyaan go’aankaas sida ugu dhaqsiyaha badan.
  13. Waxaa la go’aamiyey in TFIs ay dhaqan geliyaan arrimaha soo socda iyo waqtiyada ku qoran:
    1. In la magacaabo gole wasiiro taasoo ku saleysan go’aankii Baarlamaanka ee 11kii Octoober 2008, laguna soo dhiso 15 maalmood oo ka bilaabaneysa go’aankan.
    1. In la dhiso Guddi Nabadgelyo oo wadajir ah (JSC)iyo guddi hoosaadyadiisa sida ku xusan go’aankii Djibouti kaasoo dhaqan gali doono 10ka November laakiin aan ka daba mari Karin 25ka November 2008.
    2. In la dhiso Maamulka Gobolka Banadir muddo 15 cishood ah (laga bilaabo 29ka October) sida ku xusan heshiiskii Addisababa.
    3. In la dhamestiro nuqulkii hore ee dastuurkii Soomaaliyeed. In la dhaqan geliyo sharuucdii doorashada iyo xisbiyadii muddo 6 bilood ah gudahood laga bilaabo waqtiga la soo saaray qoraalkan.
    4. Arrinta waqti ku daridda baarlamaanka waa la tixgelin karaa iyadoo la raacayo xeerka baarlamaanka u degsan iyadoo ay ku xirnaan doonto horumarka laga gaaro waxqabadka.
    5. In la soo gudbiyo warbixin horumarkii laga sameeyey go’aanada kor ku xusan loona soo gudbiyo kulamada wasiirada IGAD laba bilood walba, kuwaas oo qiimeyn ku sameyn doona horumarka la sameeyey.
    6. Madaxweynayaasha IGAD inay kulmaan 6 bilood kasta si ay qiimeyn ugu sameeyaan hormarka laga sameeyey dhaqan gelinta go’aanda kor ku xusan.
  1. Waxaa la go’aamiyey in la dhiso habdhaqmeed oo uu hoggaaminayo Xirriiriye kaasoo la socod ku sameyndoona dhaqangelinta go’aanda kor ku xusan iyo inuu warbixin ku saabsan horumarka la sameeyey u gudbiyo Wasiirada IGAD iyo Madaxweynayaasha IGAD.
  1. Waxaa kaloo la go’aamiyey in uu jiro xiriirin habdhaqameed ah oo ka dhaxeeya wadamada IGAD kaasoo ku saabsan dhanka haykalka dowladda (institutional) iyo kobcinta tayada waxqabadka.
  2. Waxaa kaloo la sii go’aamiyey in IGAD ay noqoto meesha loo soo maro arrimaha Somalia.
  3. Waxaa lagu celceliyey iyadoo la tixgelinayo arrimaha kore in golaha IGAD ay kulmaan ayna qiimeeyaan fursadaha u furan oo aysan noqon in lagu socda sidii hore.
  4. Waxaa lagu dhiirigeliyey in UNka ay dedijiyaan sidii ay mas’uuliyadeeda uga soo bixi laheyd sida ku xusan heshiiskii Djibouti 19kii August 2008 iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aanaddii ay labada dhinac isla gaareen, gaar ahaan cosdigii la xirriiray dhaqaalaha 10,000 ee ciidamada boliiska laga bilaabo 5ta November 2008.
  5. Waxaa lagu taliyey in labada garab iyo wakiilka QM ee Somalia ay dabacsanaan ka muujiyaan dhaqangelinta waqtiyada loo qabtay dhaqangelinta heshiiskii Djibouti.
  6. Waxaa loo mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Kenya marti gelintii ay kulankan golaha iyo madaxda dowladaha IGAD.
  7. Waxaa la go’aamiyey   in arrimaha kor ku xusan lagu ekaado.
 

    Nairobi  Kenya, 29kii Octoober 2008.  
     

    Waxaa go’aamaddan saxiixay

    H.E. Melex Zenawi, Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia and Current Chairman of IGAD

    H. E. Ismael Omar Guelleh, President of the Republic of Djibouti

    H. E. Mwai Kibaki, President of the Republic of Kenya

    H. E. Abdullahi Yusuf, President of the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia

    H. E. Salva Kiir Mayardit, 1st Vice President of the Republic of Sudan

    H. E. Yoweri Kaguta Musseveni, President of the Republic of Uganda

     

Waxaa soo tebiyey
mohamed yusuf

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2008

 

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS