SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Raisul Wasaare Nuur Cadde “Xilka Ra’isulwasaarenimo Waan Ka Degayaa Haddii Xalku Uu Ku Jiro”
  • Tacadiyo Kenya Lagu Eedeeyay Inay Ka Gaysatay Gobolka Ay Soomaalidu Degto Ee Dalkaasi

Raisul Wasaare Nuur Cadde “Xilka Ra’isulwasaarenimo Waan Ka Degayaa Haddii Xalku Uu Ku Jiro”

Hadalkaasi Ra’islawasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade ayaa waxa uu shaaca ka qaaday mar uu ka hadlayay shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaddib markii uu ka soo laabtay shirkii madaxda IGAD ay la yeesheen golayaasha dowlada FKG ah ee Soomaaliya.

Ra’isul wasaare Nuur Cadde oo ka hadlay arrimo la xiriira dib u heshiisiinta iyo heshiiskii dhawaan DFKMG ah iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ku gaareen magaalada Jabuuti ee dalkaasi Djibuuti.Ra’isul wasaare Cadde ayaa sheegay in dawlada ay si buuxda u soo dhaweynayso heshiiskaasi, Heshiiskaasi ayuu Ra’isul wasaareha uu tilmaamay in uu ahmiyad u leeyahay umadda Soomaaliyeed.

“Waxaanu u howlgalaynaa islamar ahaantaasi aan ka shaqaynaynaa dhismaha xukuumad cusub taasi ku salaysan go’aanadii ka soo baxay shirkii urur Goboleedka IGAD,ra’isul wasaareha ayaa sheegay inay soo dhisi doonaan xukuumad cusub.

Ugu Dambayn Nuur Cade oo ka hadlayay dib u heshiisiinya ayaa sheegay in hadii nabad lagu gaarayo uu diyaar u yahay in uu xilka Ra’isalwasaarenimo ka degayo.

Tacadiyo Kenya Lagu Eedeeyay Inay Ka Gaysatay Gobolka Ay Soomaalidu Degto Ee Dalkaasi


Howlgaladaasi oo ay Ciidamada Dalka Kenya ay ka Fuliyeen Gobolka Waqooyiga Bari Ee ee soomaalidu ay degto ee dalkaasi ayaa lagu soo waramayaa in dhaawacyo daran loogu geystay shacabka Halkaasi Degan.

Inkabadan 200 oo qof oo ka mid ah Shacabka Deegaanka ayaa lagu soo waramaya in ciidamada Amaanka Dalka Kenya ay kula kaceen tacadiyo ku talagal ah kuwaas oo isugu jira jirdil Taas oo dhacday tan iyo maalinnimadii axadii ee aynu soo dhaafnay, ciidamada Amaanka Dalkaasi Kenya ayaa howgalkaasi ka fuliyay tuulooyinka Alangwe Gaari Lafey Carabiya iyo Dhul farabadan oo ku teedsan Wadada isku xirta magaalooyinka Mandheera iyo deg ceel waaq ee gobolka waqooyibari Kenya .

Waxgaradka iyo culimaaudiinka deegaankaasi ayaa ku eedeeyay dowlada Kenya in ay geysatay dhibaatooyin dhinaca xuquuqda aadamaha ah kuwaas oo la xiriira kufsi iyo jirdil loo geystay dadka degen dhulkaasi waxaana ay sheegeen in Kenya ay ku guuldareysatay in ay hakiso arimahaasi, iyagoo sidookale tilmaamay in ciidamada amaanka ay fal kufsi ah u geysteen dumar ka badan ilaa 9 kuwaas oo degenaa Tuulada Warguduud oo ku taala deegaanka Degmada Ceelwaaq .
Hay’ad lagu magacaabo nation qaabilsana warbaahinta oo booqatay Isbital ku yaala magaalada Ceelwaaq ayaa sheegtay in ilaa 100 Ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan la geeyay Goobahaasi .

Dhibaneyaasha oo u waramayay hay’adaasi ayaa sheegay in Askarta Kenya ay bilaabeen kufsi dhac iyo jirdil waxaanay arintaasi timid kadib marki ay ciidamada Galeen Tuulooyinkaasi oo sida ay sheegeen ka baarayay hub lagu soo qariyay Deegaankaasi .

Isku soo wada duub oo xarun caafimaad oo ku taala Tuulada Warguduud ayaa waxaa sidookale la gaarsiiyay dad kabadan 100 ruux oo kuwaas oo sheegay in ciidamada Amaanka ay Dhibaatooyin u geysteen .

Maxamed Gaarane Aadan
Somalitalk News Desk- Somalia
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2008


Qaraxyo Gilgilay Hargeysa Iyo Boosaaso Oo Ay Dad Farabadan Ku Nafwaayeen

Oct 29, 2008: Qaraxyadaasi oo aad u xoogaanaa ayaa manta lala beegsaday magaalooyinka Hargeysa iyo Boosaaso,ayadoo ay sida la sheegay ku dhinteen qaraxyadaasi dad ka badan 20 ruux halka dhaawacana uu ka badanyahay 30 ruux.

Qaraxa Hargaysa ka dhacay saaka oo gilgilay magaaladaasi ayaa waxaa ku nafwaayay Xogheyntii gaarka aheyd ee Madaxweynaha Somaliland Daahir Cali Ciid, Taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada Somaliland iyo dad kale oo aan la shaacin..

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in weeraradaasi loo 3 gawaari oo nooc ahaan lagu sheegay SURF kuwaasi oo laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa, waxaana gawaarida waday dad naftooda biimeeyay.

Madaxweynaha Somaliland Dahir Riyaale Kaahin oo ka hadlay arrimaha qaraxyadaasi ayaa shacabka somaliland ugu baaqay in ay fajignaan muujiyaan islamar ahaantaasina ay ciidamada qalabka sida ku hogaanshaan cid kasta oo amaanka qalqalgelinaysa,isagoo u sheegay ciidamada amniga in ay amaanka sare u qaadaan.

Waxaa sidoo kale isa soo taraya faahfaahinta ku aadan qaraxyadii xooganaa ee ka dhacay magaalada Boosaaso, iyadoo ay dhaliyeen qaraxyadaasi khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Waxaana la xaqiijiyey in loo adeegsadey baabuur laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo lala beegsadey laba xarumood oo ay degan yihiin ciidamada sirdoonka Puntland ee la magac baxay PIS, ee ka howlgala la dagaalanka argagixisada kuwaasoo ay maalgeliyaan hay’addo reer galbeed ah.

Gabar shaqaale ka aheyd xaruntaasi ciidamada PIS ayaa la sheegay in ay halkaasi ku dhimatay , ilaa 8 qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmatay qaraxyadaasi ka dhacay magaalada boosaaso ee dowlad goboleedka puntland.

Baabuur Surf ah ayaa wararku ay sheegeen in loo adeegsaday qaraxyadaasi boosaaso waxaana dad goob joogayaal ah oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in goobta lagu arkayay meydka mid kamid ahaa dadkii isqarxiyay oo si xun u goo’goay.

Gen Cadde Muuse Madaxweynaha DGPL ayaa sid caro leh uga hadlay qaraxyadaasi waxaana uu ku tilmaamay kuwo aan horay looga arkin degaankaasi islamar ahaantaasi qeyb ka ah qidad cusub oo degaankooda ku soo korortay.

Maxamed Gaarane Aadan
gaarane68@hotmail.com

Qodobo Muhiim Ah Oo Ka Soo Baxay Shirkii Urur Goboleedka IGAD Ee Nairobi Lagu Soo Gabagabeeyay.

Oct 29, 2008

qodobo kala duwan ayaa laga soo saaray shirkii Urur goboleedka IGAD ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya. Waxaana qodobadaasi kamid ahaa kuwan

1: In dowlad loo dhan yahay oo ku dhisan habka federaalka laguna qaybsado nidaamka 4.5 la dhiso.

2: In diyaarinta mudo gaaban dastuurkii lagu balamay la gudo galo

3: In maamulka Gobolka Banaadir lagu soo dhiso mud 15 maalmood ah.

4: In Baarlamanka uu ka wada shaqeeyo, isla markaana dalka gudihiisa ay ku laabtaan wixii ay qabtaan ay la socdaan urur Goboleedka IGAD.

5: In wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD ay madaxdoodu shiraan

6 bil oo kasta iyagoo ka shiraya xaalada Soomaaliya, iyagoo labadii bilood warbixino ku aadan xaalada Soomaaliya kala qaadan doona.

6: In waqti lagu dari karo xukuumada iminka jirta haddii loo baahdo.

7: In ay si buuxda u cadahay in dowlada federaalka ay ku fashilantey waxyaabo badan oo looga fadhiyey

8: In la sii wado arimaha dib u heshiisiinta, isla markaana laga shaqeeyo sidii dhinacyada ka maqan nidaamka dawlada lagu soo daro.
Wixii ka soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa aqristayaal.

Maxamed Gaarane Aadan
Gaarane68@hotmail.com

Go’aankii IGAD ee 29kii Oktoober 2008
IGAD ay soo saareen go’aan ku saabsan siyaasadda Somalia

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS