SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Amb; Ahmedou Ould Abdallah “Waxaa la gaaray waqtigii laga joojin lahaa qas-wadeyaasha in ay xagal daaciyaan geeddi socodka nabadda…”
Warqad ku socota Soomaalida ku nool dalka dibadiisa


Qoraal aynu ka helney Xafiiska Qaramdda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya ee Magaalada Nayroobi Amb; Ahmedou Ould Abdallah oo uu kula hadlayo Soomaalida qurbo joogta, islamarkaana uu kaga warbixinayo heerarka kala duwan ee uu soomarey shirka Jabuuti, heshiisyadii ugu dambeeyey ee lagu sixiixey Jabuuti, shirarkii uu ka qayb galey oo uu arinta Soomaaliya uga hadlaayey, shir uu diyaarinayo mar dhow oo looga hadlaayo dhibaatada Burcad badeeda, dhisme gudi caalami ah oo baara arimaha xadgudubyada lagu sameeyey shuruucda caalamiga ah iyo taageerada looga baahan yahay Soomaalida Qurbo joogta ah ayaa soo gaarey Somalitalk.

Ahmed Ould Abdallah “Waxaan hadda diyaarinayaa shir wadatashi ah oo ay ka qayb galayaan khuburo iyo wasiirro loogana hadlaayo sidii wax looga qaban lahaa dhibatada baahsan ee burcad badeeda la xiriirta” ayuu ku sheegey qoraalkiisa

Ould Abdallah waxaa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegey “Waqtigan dad aad u fara badan oo ka socda waddamo kala gedisan, sida ururada bulshada rayidka ah iyo dad magacyo ku leh Afrika iyo kuwa aan Afrikan ahaynba, ayaa ku baaqaya una qoraaya Newyork iyo Geneva sida deg degga ah ee loogu baahan yahay, dhisidda guddi caalami ah oo baara arrimaha xadgudubyada waana arrin degdeg ah, Guddigani waa in uu baaraa xad-gudubyada lagu sameeyey shuruucda caalamiga ah ee arrimaha bin’aadinnimada iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya kuwaasoo ay sameeyeen dhammaan dhinacyada Soomaalida ee is-haya, kana soo billaabanaysa bilowga dhibaatada Soomaaliya ka dhacday”.

Sidoo kale waxaa uu intaa ku darey “Waxaa la gaaray waqtigii laga joojin lahaa qas-wadeyaasha in ay xagal daaciyaan geeddi socodka nabadda, Guddigu waa inuu sheegaa dambileyaasha galay xad-gudubyada heer kasta oo ay yihiin, haddii ay ahaan lahaayeen kuwii ammarka bixiyey, lacagta bixiyey ama hawshaba fuliyey, waxaa uuna tusaale u sooo qaatey Amb; Ahmed Ould guddigan oo kale waxaa Golaha Ammaanku u sameeyey Darful asagoo adeegsanaya go’aankiisa 1564 ee 18ka Sebtembar 2004 kaasoo lagu meel mariyey dhisidda Maxkamadda Caalamiga Dambiileyaasha taasoo awood u leh soo saaridda ammarka wax lagu xiraayo”.

“waxaanna ka dalbanayaa dhammaan dadka wadaaniyiinta Soomaaliyeed taageero deg deg ah gudaha iyo dibeddaba meel kasta ha joogeene, waa inaan hore u riixnaa dadaallada aan wadno si nabadgelyo loogu soo dabaalo waddanka, Hadda waxaad haysataan qaab dhismeydkii lagu gaari lahaa nabad waarta, laakiin waa in arrintaasi si ficil ah loo beddelaa, Mararka qaarkood waxaan ka dareema dadka Soomaaliyeed in si khalad ah ay u aaminsan yihiin in uu wakhtigu la jiro, Arrintuna sida ma’aha, Arrimuhu waxay u socdaan si xawli leh mana jiro waqti dambe ee la lumiyo, Marwalba, waxaan jeclahay inaan soo dhoweeyo taageeridiina ku aadan qaabka Soomaalida loo heshiisiin karo isla-markaasna, dib loogu soo celinaayo dalka nabad” ayuu ku xusey qoraalkiisa Amb Ahmed Ould Abdallah.

Mar uu ka hadlaayey heshiisyadii ugu dambeeyey ee Jabuuti lagu garey ayaa wuxuu qoraalkiisa ku faah faahiyey muhiimada heshiiskaan iyo sida kaalmo caalamiga ah looga geysan karo dhisidda Dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay ee kuna qotonta Barlamaan loo wada-dhanyahay, taasoo lagu xusey qodobkaa 9 ee heshiiskii Jabuuti, sidoo kale heshiiska dhinaca amaanka mar uu ka hadlaayey wuxuu yiri

“heshiisku wuxuu ka hadlaayeyey qaabka ciidamada Ethiopia dalka uga bixi lahaayeen iyo sida ay uga guuriyaan goobaha qaarkood. Haddaba, kuwii sheeganayey in ay ka dagaalamayaan joogitaanka ciidammada Ethiopia ee Soomaaliya, markan ma heleyaan sabab ay u taageeraan ama u wadaan qas ama fowdo, Waxaa la joogaa waqtigii hubka la iska dhigi lahaa wada-hadalna la qaadan lahaa”.

“Aniga waxaan ka qayb galey shirkii waddamada Urur Goboleydka IGAD ay ku qabteen Nairobi-Kenya kaasoo si buuxda u kaabaya shaqadii xafiiskeyga ku qabytay Jibuuti, Waxaa ka go’an waddamada Gobolka, in ay hore u mariyaan geedi socodka nabadda, anagana waxaan soo dhoweynaynaa taageeradooda joogtada ah, Waxayna qorsheynayaan in ay si toos ah ugu hawshoowdaan arrimaha Soomaaliya, isla-markaana ay magacaabaan ergay ka qayb qaadanaaya fududeynta arrimaha Soomaaliya, Waxaa kaloo dalka Sweden aan ku qabanay shir laba maalmood socday oo lagu diyaarinaayey shir guud oo loo qabto waddamada deeq bixiye-yaasha, kuna saabsan dib u dhiska iyo hor-umarinta Soomaaliya, kaasoo la qorsheynaayo in uu dhaco horaanta sannadka dambe, Shirkaasi wuxuu ku yaboohi doonaa dhaqaalo ku filan hal sano dib u nooleynta Soomaaliya, Shirka ka hor wakiiladeydu qaar ka mid ah waxaan kula kulaney magaalada Lund ee Sweden, halkaasoo loogu qabanaayey shir ku saabsan arrimaha Geeska Afrika, taasoo aanan fursad u helin in aan ka qayb galo ayuu qoraalkiisa ku faah faahiyey Amb; Ahmedou Ould Abdallah.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Warqadda hoos ka akhri...


Xafiiska Qaramdda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya

Warqad ku socota Soomaalida ku nool dalka dibadiisa


Nairobi, 30 Okoobar 2008

Al-Salaama Aleykum,

Saaxibayaal,

Mar labaad, waxaan idiin soo qorayaa si aan idinkaga waramo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya, isla markaasna aan idiinku soo gubiyo arrimo ku saabasan wixii la qaban lahaa mustaqbalka. Waxaan hadda gudagalnay xaalad aad u adag kuna saabsan geeddi-socodka nabadda, Soomaalina waxay marwalba u baahantahy taageeradiinna si ay u shaqeyso nabadda anniguna marwalba waxaan si dhab ah u qaataa talada Jaaliyadda.

Sida aad ogsoontihiin, waxaan hadda ka soo noqday Jibuuti halkaasoo, TFG-da iyo ARS-tu 26ka Oktoobar 2008 ay ku saxiixeen laba heshiis oo mihiim ah. Kan koowaad waa bayaan wadajir ay u saxiixeen TFG-da iyo ARS-ta kaasoo lagu soo dhoweynaayo kaalmo caalamiga ah ee laga geysan karo dhisidda Dawlad loo dhan yahay ee Soomaaliyeed kuna qotonta Barlamaan loo wada-dhanyahay. Tan waxay dhaqan gelinaysaa iskaashigii Siyaasadeed ee ku qeexnaa Qodobka 9aad ee heshiiska Jibuuti.

Tan kale waxaa heshiis ay wada saxiixeen wufuudii ka qayb gelayey kulankii Guddiga Wadajirka Arrimaha Nabadgelyada, kaasoo ku baaqayey in Xabbad joojin dalka laga hirgeliyo laga bilaabo 5ta Nofembar 2008, isla-markaasna heshiisku wuxuu ka hadlaayeyey qaabka ciidamada Ethiopia dalka uga bixi lahaayeen iyo sida ay uga guuriyaan goobaha qaarkood. Haddaba, kuwii sheeganayey in ay ka dagaalamayaan joogitaanka ciidammada Ethiopia ee Soomaaliya markan ma heleyaan sabab ay u taageeraan ama u wadaan qas ama fowdo. Waxaa la joogaa waqtigii hubka la iska dhigi lahaa wada-hadalna la qaadan lahaa.

Shirka Jibuuti ka hor, Guddiga Wadajirka Arrimaha Nabadgeliyada oo ka kooban wakiilo ka socda TFG iyo ARS oo kaashanaya khuburo ka socta bulshada caalamka ayaa u safray magaalada Capetown ee dalka Koonfurta Afrika si ay uga hadlaan qorshaha la higsanayo. Inta waxaa dheer in ay xubnaha guddigu tababar ku qaateen Koonfur Afrika kaasoo ka caawiyey soo looneynta kalsoonida dhaxdooda isla-markaasna siiyey awooddii farsamo ee ay wax uga qaban lahaayeen hawlaha muhiimka ah ee horyaala.

Anigu waxaan ka qayb galay shirkii waddamada Urur Goboleydka IGAD ay ku qabteen Nairobi-Kenya kaasoo si buuxda u kaabaya shaqadii xafiiskeyga ku qabytay Jibuuti. Waxaa ka go’an waddamada Gobolka in ay hore u mariyaan geedi socodka nabadda annagana waxaan soo dhoweynaynaa taageeradooda joogtada ah. Waxay qorsheynayaan in ay si toos ah ugu hawshoowdaan arrimaha Soomaaliya, isla-markaasna ay magacaabaan ergay ka qayb qaadanaaya fududeynta arrimaha Soomaaliya.

Waxaa kaleetoo dalka Sweden aan ku qabanay shir laba maalmood socday oo lagu diyaarinaayey shir guud oo loo qabto waddamada deeq bixiye-yaasha ah kuna saabsan dib u dhiska iyo hor-umarinta Soomaaliya kaasoo la qorsheynaayo in uu dhaco horaanta sannadka dambe. Shirkaasi wuxuu ku yaboohi doonaa dhaqaalo ku filan hal sano dib u nooleynta Soomaaliya. Shirka ka hor, wakiiladeydu waxaa qaar ka mid ah kula kulmeyn magaalada Lund ee Sweden halkaasoo loogu qabanaayey shir ku saabsan arrimaha Geeska Afrika taasoo aanan fursad u helin in aan ka qayb galo.

Waxaan hadda diyaarinayaa shir wadatashi ah oo ay ka qayb galayaan khuburo iyo wasiirro loogana hadlaayo sidii wax looga qaban lahaa dhibatada baahsan ee burcad badeeda la xiriirta.

Sida idinkuba aad uga naxdeen, waxaan aad uga argagaxay inaan maqlo dilalkii is-qarxinta ahaa ee ka dhacay Soomaaliland iyo Puntland, taasoo galaaftay ummad badan oo aan waxba galabsan. Waxaan rabaa inaan tacsi u diro qoysaskii iyo saaxiibadii ummaddii ku dhimmatay musiibadaas. Waxaan aad u cambaareynayaa falakan waxashinimada ah iyo kuwii ka dambeeyeba.

Haddaba, waxaa socda tallaabooyin wax looga qabanaayo dhaqanka ah; dad dil haddana iska soco adoo xor ah: (Cultural Impunity).

Horraantii bishan Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Fransiiska, isla-markaasina masuul ka ah arrimaha bin-aadinnimada iyo ku-xigeenka Ergaysa Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bin’aadinnimada ayaa ka wadahadlay arrimaha xuquul-insaanka Soomaaliya. Labadooduba waxay booqdeen Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab si ay ula hadlaan qaxootiga dhowaan yimid xerada, waxay kaloo wada-hadal la yeesheen dad khubura ah. Shir ku saabsan cadaaladda iyo dib u dhiska Soomaaliya ayaa la qorsheynaya in la qabto sannadka soo socda, ayadoo shir loogu gogol xaaarayona la qabandoono dhammaandka sanadkan.

Waqtigan dad aad u farabadan oo ka socda waddamo kala gedisan, ururada bulshada rayidka ah iyo dad magacyo ku leh Afrika iyo kuwa aan Afrikan ahaynba ayaa ku baaqaya una qoraaye Newyork iyo Geneva sida degdegga ah ee loogu baahan yahay dhisidda guddi caalami ah oo baara arrimaha xadgudubyada? . Dhisidda guddigan caalamiga ah waa arrin degdeg ah. Guddigani waa in uu baaraa xad-gudubyada lagu sameeyey shuruucda caalamiga ah ee arrimaha bin’aadinnimada iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya kuwaasoo ay sameeyeen dhammaan dhinacyada Soomaalida ee is-haya, kana soo billaabanaysa bilowga dhibaatada Soomaaliya ka dhacda.

Guddigu waa inuu sheegaa dambileyaasha galay xad-gudubyada heerkasta oo ay yihiin; haddii ay ahaan lahaayeen kuwii ammarka bixiyey, lacag bixiyey ama hawshaba fuliyey. Tuusaale ahaan, guddigan oo kale waxaa Golaha Ammaanku u sameeyey Darful asagoo adeegsanaya go’aankiisa 1564 ee 18ka Sebtembar 2004 kaasoo lagu meel mariyey dhisidda Maxkamadda Caalamiga Dambiileyaasha taasoo awood u leh soo saaridda ammarka wax lagu xiraayo. Waxaa la gaaray waqtigii laga joojin lahaa qas-wadeyaasha in ay xagal daaciyaan geeddi socodka nabadda.

Haddaba, waa inaan hore u riixnaa dadaallada aan wadno si nabadgelyo loogu soo dabaalo waddanka. Mararka qaarkood waxaan ka dareema dadka Soomaaliyed in si khalad ah ay u aaminsan yihiin in uu wakhtigu la jiro. Arrintuna sida ma’aha. Hadda waxaad haysataan qaab dhismeydkii lagu gaari lahaa nabad waarta, laakiin waa in arrintaasi si ficil ah loo beddelaa; waxaanna ka dalbanayaa dhammaan dadka wadaaniyiinta Soomaaliyeed taageero degdeg ah gudaha iyo dibeddaba meelkasta ha joogeene. Arrimuhu waxay u socdaan si xawli leh mana jiro waqti dambe ee la lumiyo.

Marwalba, waxaan jeclahay inaan soo dhoweeyo taageeridiinna ku aadan qaabka Soomaalida loo heshiisiin karo isla-markaasna, dib loogu soo celinaayo dalka nabad.

Walaalkiin,

Ahmedou Ould Abdallah

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2008

Go’aankii IGAD ee 29kii Oktoober 2008
IGAD ay soo saareen go’aan ku saabsan siyaasadda Somalia

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS