SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MPLS

Northland State of Somalia oo Xafiis ka furtay Minneapolis

May 19, 2008

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis, Minnesota Axadii May 18, 2008. Xafladaas oo ku saabsaneyd xafiis cusub oo laga furay gobalka Minnesota oo wakiil uga noqon doona dowlad goboleedka Northland State of Somalia.

Northland State of Soomaalia waa dowlad goboleed ka madax banaan maamulka Somaliland iyo Puntland, waxana uu si toos ah u hoostagaa dowlada federaalka Soomaaliya, waxana uu ka soo horjeeedaa in wadanka lakala-gooyo.

Northland State of Somalia waxa uu ka kooban yahay sedex gobol: Sool, Sanaag, iyo Ceyn. Sida uu dhigayo sharciga Dowlada Federaalka qaybta afraad ee qodabka kow iyo tobnaad:

“DOWLADDA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH QODOBKA11
1. Dowladda Federaalka ee Ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay yeelan doontaa xukun qaybsan oo ku salaysan nidaamka federaalka.
2. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka kooban tahay:
a) Xukuumadda Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah
b) Dowlad-Goboleedyo (Labo gobol ama in ka badan oo israaca, iyadoo la dhowraayo rabitaankooda xorta ah)
c) Maamulada Gobolada iyo
d) Maamulo Degmo”

Iyadoo hadaba laga duulayo qodabkaas sharciga ah, ayaa wax garadka degan gobalada Sool, Sanaag, iyo Ceyn, waxa ay baryahanba ku howshanaayeen sidii loo meel marin lahaa hindisaha gobolka cusub. Shiraro kala duwan iyo safaro badan ka dib ayaa dad u badan qurba joogta isku raaceen bilihii la soo dhaafay in la dhiso Dowlad ka madax banaan Puntland iyo Somaliland, hoos timaadana Dowlada federaalka Soomaaliya. Hadaba si loo dhameystiro dhisida dowlada iyo sidii ay uga hirgeli lahayd wadanka gudahiisa, ayaa waxa la isku raacay in qurbaha xafiiskiisa laga furo Minnesota, maadaama dadka ugu badan Minnesota ay ka soo jeedaan Gobolada Northland State of Somalia.

Furitaanka xafiiska Northland State of Soomaalia oo ay ka soo qayb galeen dad isugu jirey siyaasiyiin, culimo, arday, suxufiyiin, abwaano, fanaaniin, haween, iyo dad ganacsadayaal ah, ayaa waxa ay u mahad celiyeen aqoon yahanadii howshan isku duba riday suurta geliyeyna in xafiiska la furo maanta. Halkaas oo ay ka soo qayb galayaashu ku daawadeen sawiro laga soo qaaday Dowlad Goboleedka Northland State of Somalia.

Gebogebadii ayaa halkaas la isku afgartey in loo gudbo wajiga labaad oo ah sidii xafiis looga furi lahaa gobolada kale ee Maraynkanka, Kanada, iyo Yurub. Iyadoo aqoon yahanadu ay ku casuumeen dadkii halkaas isugu yimid in ay ka soo qayb galaan xaflad weyn oo la qaban doono 26 June, 2008 oo ah maalintii la xoreeyey gobolada waqooyiga Soomaaliya, iyadoo meesha lagu qaban doono gadaal laga soo sheegi doono, Hadii Allaa Idmo.

Qore: Abdimalik Askar


Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa lagu qabtay qolkashirarka ee City market, Minneapolis Minnesota, maalintii Axada, April 27, 2008

Shirkaas oo ay soo qaban qaabiyeen aqoonyahanada u dhashay NorthlandState of Somalia. Northland State of Somalia waa state cusub oo lagaaasaasay dibada, lana rabo in si dhaqsaha uga hirgalo gudaha wadankaSoomaaliya. Northland State of Somalia, waxa uu ka kooban yahaygoboladan kala ah: Togdheer, Sool, Sanaag, iyo Ceyn. Northland State ofSomalia waxa uu aamisan yahay in wadanka Somalia uu yahay hal mid ooqudha, waxana Northland State of Somalia uu hoos tagaa dowladafederalka. Northland State of Somalia, waxa uu ka madax banaan yahaymaamul goboleedka Puntland iyo Somaliland.

Kulankii axada ayaa waxa ka soo qayb galay dad badan oo u dhashayjaaliyada Northland State of Somalia. Halkaas oo lagu soo bandhigaybarnaamijka Northland State of Somalia uu ku shaqeyn lahaa iyo sidiidadka dibada degan ay qayb wayn uga qaadan lahaayeen. Dadkii halkaasisugu yimid ayaa waxa ay muujiyeen in ay muhiim tahay in la’aasaasoNorthland State of Somalia, waayo marxalada hada lagu jiro Somalia waxaay u baahan tahay in la badbaadiyo shacabka dhibta ku habsatay in kabadan 17 sano. Dadkii halkaas isugu yimid oo ay wajigooda ka muuqdeenshucuur wadanimo iyo qiiro ay u qabaan in ay helaan dowlad goboleed ay umadax banaan yihiin.

Gebogebadii ayaa dhamaan wax la isku raacay in la soo abaabulo shirweyn oo ay isigu yimaadaan dhamaan jaaliyada ka soo jeeda NorthlandState of Somalia ee degan wadankan Mareykanka. Hadalkaas oo ay soodhaweeyeen aqoon yahanada ka soo jeeda Northland State of Somalia iyosidii dhaqso loo soo daabici lahaa macluumaadka Northland State ofSomalia, si loogu gudbiyo dowlad goboleedyada aan jaarka nahay iyoSomali weyn.

Qore: Abdimalik Askar


Kulankii Madaxweynaha iyo Aqoonyahanada Northland Sate of Soomaaliya

April 22, 2008

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Abdullahi Yusuf Axmed oo la kulmay aqoon yahano dhalin yara ah oo ka yimid gobalka Minnesota una waday madaxweynaha fikir cusub oo lagu doonayey in lagu dhiso maamul goboleed cusub.

Madaxweynha oo isagu u yimid arimo la xiriira dhinaca United Nation-ka ayaa hadana waxa uu la shirayey jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan wadanka dibadiisa. Shirarkaas oo u dhacayey kuwa gaargaar ah iyo kuwo guud: kuwa guud ayaa waxa ka mid ahaa shirkii ka dhacay Washington DC oo ay isugu yimaadeen in ka badan boqolaal Soomaali ah, halkaas oo uu madaxweynuhu ka jeediyey qudbad qiimo leh.

Shirarka gaarka ah ayaa Madaweynuhu kula kulmayey jaaliyada qolkiisa hotelka, halkaas oo ay isku weydaarsanayeen aragtidooda. Aqoon yahanada dhalinyarada ah ayaa iyagoo raadinayey in dhawayd fikir cusub oo lagu soo dabaalo siyaasada Soomaaliya. Aqoon yahanadan ayaa waxa ay soo bandhigeen arin xal ah oo lagu xalin karo qilaafka ka taagan gobolada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo in dhawayd ka jirtey colaad iyo sheegasho marba qolada kale ay sheeganayeen.

Aqoon yahanada ayaa waxa ay fikirkoodii u soo bandhigeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Abdullahi Yusuf Axmed ,fikirkaas oo xambaarsanaa sidii loogu sameyn lahaa maamul cusub gobolad Sool, Sanaag, iyo Cayn, Madaxweynahuna waa soo dhaweeye arinkaas, waxana uu yiri wax kasta oo lagu badnbaadinayo shacabka Soomaaliya waan taageerayaa. Ugudambeyntii, ayaa waxa ay aqoon yahanadu yiraahdeen waxa aanu kula noqoneynaa fikarkayagii aqoon yahanada degan gobalka Minnesota sidii loo soo saari lahaa baaq muhiim ah oo waxtar u leh umada degan gobolada Sool, Sanaag, iyo Ceyn.

Fadlan Halkan ka daawo xafladii Soo Dhaweynta Madaxweynaha DFKMG

Qore: Abdimalik Askar


Dowlad Goboleed Cusub oo lagaga dhawaaqay Soomaaliya (Northland State of Somalia)

April 14, 2008

Ka dib markii shirar isdaba joog ah ay baryahan ka socdeen gobalka Minnesota oo lagaga wada hadlayey sidii loo aasaasi lahaa dowlad goboleed hoos timaada dowlada Federaalka Soomaaliya uu madaxda ka yahay Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed.



Shirarkaas ayaa waxa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay dowlad goboleedkan iyo sida ay muhiim u tahay in loo sameeyo si dhaqsa ah. Shirarkaas oo ay ka soo qayb galeen odayo, cuqaal, isimo, aqoonyahano, arday, culimo, iyo hooyooyin.

Shirarkaas oo lagu soo bandhigay baadhitaano qoto dheer iyo wareysiyo muhiim ah oo ka hadlayey marxalada Soomaaliya iyo gaar ahaan marxalada gobolada hada la doonayo in maamul loo sameeyo.



Gebegabadii ayaa waxa lagu guuleystey in la lagu dhawaaqo Dowlad Gobaleed ka talisa gobolada Sool, Sanaag, Ceyn, iyo Togdheer. Dowlad gobaleedkaas oo loo bixiyey Northland State of Somalia.

Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com
April 4, 2008

Faafin: SomaliTalk.com | Updated: May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS