Labada Korneel, Xabashi Bixideeda Waa U Shar, Shikh Shariifna Waa U Sharaf.

Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Shirka Jabuuti muxuu kaga duwan yahay kulamadi horay loogu dhigay ummadda
Soomaaliyeed si xal loogu helo arrimaha murugsan ee dalkooda ka jiray tan iyo
inti afka dhulka loo daray rejiimki uu horkacayay Gen Maxamed Siyaad Bare, Allha
ha u naxaiista.
Waa su'aal jawaabteeda ay aad ugu adkaatay ummadda Soomaaliyeed laakin marki aan
hadalka ka laalno meel si u sahlan, waxaa isweydiin Mudan shirkan ma yahay mid u
dhaxeeyo Soomaali, misa waa mid u dhaxeeyo DFKM,Xabashi iyo waxa loogu yeero
Beesha Caalamka oo dhinac ah iyo Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliyeed iyo
beesha Caalamka oo dhinac ah.
Inta aanan ku dheeraan hordhaca gogol dhiga aragtidayda ,waxaa hubaal ah in
shirkan uu kaga duwanyahay shirarki hore oo iyaga geddigood looga hadli jiray
sidi loo wada unki lahaa dowlad raali la isaga yahay dhamaan, halka shirkan uu
dhinacyada is haayo mid ka mid ah(Isbahysiga) ku doodayo, waddankeena marki ay
xabashi isaga baxdo oo kaliye ayaan ka hadlaynaa, sidi ummadda Soomaliyeed loogu
heli lahaa dowlad ay ummadda oo dhan raali ku wada yihiin ,halka uu dhinaca
kalana(DFKM) doodiisa tahay, Xabashi waddanka kama baxayso ,annagaana u yeeranay
ee ma ka wada hadalnaa sidi aad u joojin lahaydeen dagaalka aad ku haysaan DFKM
,waxna aan idinkaga siin lahayn kackada aan ka qadinay kuwi 18 Sano Soomaali ka
hortaagnaa in ay helaan dowlad u adeegto danaha ummaddeeda.waxaa iyagana shirkan
goob joog ka ah,iyagana gogosha dhigay Beesha Caalamka oo iyada markaan aad ugu
howlan in ay meel dhaxdhaxaad ah isugu keento kooxahan, si isugu diidan
joogitaanka xabashida ee wadankeena, sina ugu hardamayo gacan ku sareynta gacan
ku dhigida halbowlaha maamul shaqeeyo oo uu yeesho waddanka Soomaaliyeed.
Shirkan in guul laga gaaro waa mid ay si aad ah isugu howleen Beesha Caalamka
,waxaana uu gun-dhigiisa ka soo bilowday Shirweynihi dib-u-heshiisiinta
Soomaliyeed ee lagu qabtay xerada Hore ee Gaadiidka Booliska ee magaalada
Muqdisho, Shirkaas wuxuu ahaa mid aan laysku waafaqsanayn in ay kasoo
qeyb-galkiisa Soomali ku dhamayd ,laakin haddana waxaa Shirkaas ka soo baxay
qaraaro fara badan ,buuga qaraaradaas lagu qorayna waxaa lagu soo saxiixay
waddanka Sacuudi carabiya ,waxaana bilowgi howl gelinta buugaas uu la kacay
Wasiirka koowaad ee DFKM Prf Geedi ,waxaana ku yimid Col Nuur Cade wasiirka
koowaad ee haddeer,waxaana la filayaa dhamaystirka buugaas in uu hogamiyayaal
kale shubaakada kala bixi doono. Buugaa waxaa kale oo ku qornaa qabashada Shirka
Jabuuti haddeer ka socdo ,walow aanan buuga lagu cayimin makaanka shirka lagu
qabanayo ,haddana buuga waxaa ku qornaa in shir dib-u-heshiineed loo qabto
kooxaha isku haayo ka arriminta waddanka Soomaaliyeed ,dastuur cusub in la unko,
tirakoob in la sameeyo,in Soomaali doorasho loo qabto 2009 iyo waxyaaba badan oo
kale.
Labada dhinac ee la doonayo in ay Shirkaan isa soo hor fadhiistaan, dhinac walba
waa ku kala qeybsan yahay ajandaha ay doonayaan in ay la soo shir tagaan Shirka
Jabuuti . Kooxda Asmara ma ogola wada hadal lala galo DFKM inta ay xabashi
joogto waddankeena ,hadalkaan waa mid aynan ku kala qeybsanayn kooxdan, hadaba
maxaa ka caraysiiyay Col Shikh Xasan Aweys iyo jameecada ku fikira ah oo iyaga
ka biya diiday ka qayb-galka shirkaas ee kooxdooda kol haddii uunan Shikh
Shariif kaga ra'yi duwanayn in ay Xabashi isaga baxdo waddankeena, ka hor wada
hadal lala galo kooxaha ay ku adeegato iyada. jawaabta Runta ah oo aynan
korneelka iyo jameecadiisaba cadayn Karin waa in aynan doonayn in Shirka jabuuti
lagu gudoomiya ciidan caalamiya oo lagu bedelo Xabashida, Ilayn taa waxay ka
hor-imaanaysaa in waddankeena uu ka taliyo Diktatoore ku habar kacsado qabiil in
uu horkaco Dowlad Soomaaliyeed oo gogashaas ka soo if baxdo.Col Shikh Xasan
Aweysna ma'ahan nin ku maqan dan Soomaaliyeed ee waa nin ku howlan gaarista dana
guracan iyo in ay waddankeena hogaankiisa ka arrimiyeen qabiil kaliye oo iyada
ah waxay soomaali kaga gadootay rejiimka Maxamed Siyaad Bare Allah ha u
naxariistee.
DFKM iyadana waa ku kala qeybsan tahay qaabka ay beesha Caalamka u dhaqayaan
habsami u socodka shirkaas ,Wasiirka koowaad waa Col Nuur Cadee , ma diidano in
xabashi wadanka laga saaro kol haddii lagu bedalayo ciidan Caalami ah ama mid
Afrikaan ah, halka Col Cabdulahi Yusuf Madaxweynaha DFKM uu kasoo horjeedo in
laga hadlo Bixida Xabashida ,xabashi oo waddanka laga saaro warkeeda iskaba
daaye,waxaa isagana taa ku qasbayo, korna uunan u dhihi Karin in ay si cad ugu
muuqato haddii xabashi waddanka laga saaro ,laguna bedalo Ciidan caalamiya in uu
weynayo kursiga Madaxweyninimo dhowr arrimood dartood
1) isaga oo howl gab ah jir(Jasad) ahaan iyo da' ahaanba ,
2) isaga oo og in aynan ciidamada caalamiga ah ku imaan hashiis hoosaad uu isaga
la galay, sidaana uu ciidan walba u xaglin doono halka ay ku jirto danaha
waddankiisa ka leeyahay waddanka Soomaaliyeed.
3) Col Cabdullaahi oo aad uga dheragsan in beesha caalamka ka dambeyso in isaga
lagu qodqoda Chanalka Afraad ee Ingriiska si loogula gorgotamo in uu si nabada
uga dego kursiga uu ku fadhiyo,iyagana aynan wax denbi ah ku soo oogayn.
4) In ay soo afjarmayso riyadi uu ku kiciyay jameecada sidiisa ku habar kacsado
reer hebel haddii nahay iyo waddanka Soomaaliyeed oo gacanta u galo rejiim ka
talo qaato qabiil kaliye ,taasoo iyadana ah waxay soomali kaga gadootay Rejiimki
Maxamed Siyad bare Allah ha u naxariistee.
Shirki Jabuuti wuxuu kashifay arrima badan oo aanan kor loo sheegi Karin ,wuxuu
kashifay in ay labada Korneel shirkaas ka doonayn in uu noqdo mid laga mira
dhaliyo, Soomaalina guul u noqdo.waxaadna moodaa in uu shirkaas yahay dhamaadka
Daadki Dayrta ee Cabdulaahi Yusuf ugu Ribeeyay mucaaradkiisa ,balsa daadkaas
wuxuu noqday mid aan Soomaaliya kaga tegen nin xun oo dhan oo ay ugu Horeeyaan
Col Cabdulahi Yusuf iyo Col Shikh Xasan Daahir.
Dad badan waxay iska wediinayaan ,waddankeena haddii xabashi laga saaro ,ciidan
caalami ahna la keeno, sidee Al-Shabaab looga sare kori karaa. Al Shabaab ma
ahan dad sahlan ,laakin dad badan oo kale waxay qabaan in xooga shabaab uu ku
jiro in ay waddankeena ka jirto nabad daro baahdo oo kaliye, sida nabad darada
ay waddankeena ka abuureen Col Cabdullahi Yusuf iyo Xabashada oo iskaashanayo.
Xabashi bixideeda ma'ahan in ay soomali isticmaar kaga baxayso laakin waa
nasasho iyo Qatar xoog leh oo laga gudbay iyo in isticmaarka bedelay Xabashi uu
bixintiisa ka sahlan yahay isticmaarka Xabashida.
Shirka Jabuuti haddii uu hergalo qorshaha laga leeyahay waa shaar ka dhigida Col
Cabdullahi Yusuf,waa shahaada siinta Shikh Shariif ,waa shaabadaynta Shikh
Aweys. Kulankaas waa mid ay Soomalida intaooda badan ka doonayaan in xabashi
waddankeena lagaga saaro Ilahey idinkiis iyo in Xabashidaas lagu bedelo Ciidama
Caalamiya oo dib u soo nooleeyo dowlad ka madax-banaan kooxa gaar ah
,qab-qablayaal dagaal ,qabiil xume doonayo in uu Soomalida inteeda kale kaga sad
bursado gacan ku haynta halbowlaha dhaqaale ee maamul uu yeesho dalkeena.
31/05/2008
Labada Korneel, Xabashi Bixideeda waa u Shar,Shikh Shariifna waa u Sharaf,
Soomaalina waa u Shifo,Xabashi iyo Aritreena waa u shido.
Abdallah Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008