SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qisadii Maxamed Maxamuud Saciid ee uu baahiyey Shabakadda AljazeeraTalk....

Maxamed Maxamuud Saciid waa qaxooti soomaaliyeed, waa nin dhalinyaro ah. Maxamed wuu ka duwanyahay in badan oo ka mid ah qaxootiga soomaaliyeed sababo dhowr ah awgood.

ugu horeyntii Maxamed wuxuu ku dhashay galbeedka Soomaaliya 1975. Maxamed markuu da' jiray 5 sano ayay ciidama gumeestaha Ethiopia hortiisa ku dileen aabahiis, Maxamed iyo walaahiiba waxaa soo barbaariyay hooyadood oo iyadu dhexda u xeratay kobcinta ubadkeeda agoonta ah. Maxamed wuxuu ka qalinjbaiyay dugsi sare kadibna wuxuu waxbarashadiisa jaamacadeed ku dhameestirtay Jaamacada Al-faatix ee wadanka Liibiya. Maxamed wuxuu bartay dhaqaalaha iyo culuumta siyaasada.

Maxamed ayaa si ka duwan in badan ardayda soomaaliyeed ee ayagu dibada wax kusoo barta markuu waxbarashadiisa dhameestirtay u laabtay wadankiisa Soomaaliya, si uu qeyb uga noqdo hor umarinta dadkiisa iyo dalkiisa. nasiib daro geedi socodkii Maxamed wuxuu soo afjarmay 12/2006 kadib markii duqeyeen loo goystay goob ay ciidama Ethiopianka ku tuhusanaayeen in ay ku jiraan wadaado Soomaaliyed Galbeedka Soomaaliya. sadex ruux oo rayid ah ayaa isla goobta ku nafwaayay halka Maxamedna uu si mucjiso leh ku bad baaday. Maxmaed ayaa duqeyntaas ka soo gaaray dhaawac duuka kala barkiisa ah inta u dhaxeysa qeybaha sideedaad iyo sagaalaad ee laf dhabarta.

Maxamed iyo mid ka mid dadkii goobta ku sugnaa oo isna dhaawac halis ah soo gaaray ayaa loo qaaday aqal meesha ka dhowaa si loogu daaweeyo; dhiig bax fara badan kadib ninkii kale waa uu geeriyooday. Maxamed waxaa badbaadiyay ilaahay kadib nin isagau in mudo ah dabiibi jiray dadka dhibaatada kasoo gaarto duqeynta noocaan oo kale ah ee maata dooxda Ethiopia u geysato dadka rayidka ah. nasiib wanaag waa lagu guuleeystay in Maxamed laga bixiyo firikii dhabarka kaga jiray hase yeeshee Maxamed waxaa soo gaaray dhibaato kale oo dhinac socota(side effetcs) qalabkii lagu daweeyay oo ka koobnaa caleemo, dhir iyo biro aanan nadaafad lahayn. Maxamed oo ka cabanaya dhabar xanuun iyo fahidga iyo sarajooga oo aad ugu adag ayaa go'aansaday in uu ka baxo dalka maadaama uusan heysanin waxtar caafimaad oo tayo leh. illeyn horay ayaa loo yiri: naftu orod ayay kugu aamintaaye Maxamed wuxuu naf ka jiriyay in uu galo Ethiopia si uu dawo tayo leh u helo. nasiib daro Maxamed waxaa lagu qabtay tuulo ku taala xuduuda Somaliya iyo Ethiopia; halkaas aayaana lagu xeray dhowr maalmood. markii ay siidaayeen booliska Ethiopia Maxamed wuu soo laabtay laakin markaan wuxuu jihada ka dhigtay dhankaa iyo Suudan, dhowr cisho kadib Maxamed wuxuu gaaray xuduuda suudaan isaga oo daal iyo daciifnimo ka muuqato, maalmo ayuu ku jiray kaam qaxootiga Soomalida ay ku xareysanyihiin wadanka suudaan. Maxamed waxaa lasiiyay oglaansho qaxootinimo iyo in lagu daweeyo isbitaal ku yaala Magaalada khartuum oo iyadu ah caasimada. Xafiiska Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa kafaala qaaday daweynta Maxamed gaari raaciisa iyo waliba dagaankiisa isagoo loo gudbiyay xafiiska Khartuum. nasiib daro markii uu gaaray Khartuum ma uusan helin cid daneyneysa ama u diir naxeysa dhibta uu ku jiro. Xafiiska Qaxootiga Khartuum ayaa gabi ahaanba iska indha tiray dhibaatada Maxamed iyo qaxooti fara badan oo xaalad adag ku jira. waa qariib waa ceyr waa dhaawac cid u maqan ama u diir naxeysaayi ma jirto Maxamed wuxuu jiifsan jiray masaajidada maadaama ay ahaayeen masaajidadu meesha kali ah ee joogitaankiisa laga ogolyahay!.

Nasiib ayaad leedahay maadaama aad lugahaaga ku timid Xafiiska, waxaa jira dad aad u dan daran oo istaahila in la caawiyo, sidaa waxaa igu yiri shaqaalaha xafiiska ayuu yiri Maxamed; isagoo raaciyay waan ogsoonahay in ay jiraan dad iga dan daran oo aad u tabaaleysan oo indhahayga ayaanba ku arkay taas oo waa marqaati ma doonto, balse cid isku taagtay oo gar gaar u fidisay ama mas'uuliyad iska saartay ma jirto, waa mar marsiiyo aan meel lahayn oo ay sameesteen qolada shaqalaha ah; ayuu yiir Maxamed oo murugu iyo ciil indhahiisa ka muuqata.

Hada waxaan la noolahay sadex wiil oo dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan hal qol wada deganahay noloshana aad ayay u adagtahay; ayuu yiiri Maxamed. Ma jirto Jimciyad ama Hay'ad sama fal oo aan codsi u gudbin. Fasaxa daweynta waxaa la i siiyay taariikhda markay aheed 18-02-2008 illa iyo hadana cid daneyneysa ma arko ayuu yiri Maxamed; isagoo dhaliilaya wax qabadka Xafiiska Qaxootiga, xanuunkeyga wuu siyadayaa awoodeyduna way yaraaneysaa, gabi ahaan xaaladeyda way darsaneysaa ayuu yiri Maxamed, waxaan tabayaa waxyaabah asaasiga ah ee qofka bani'aadamka ah u baahanyahay ayuu yiri Maxamed isagoo hadalkiisa kusoo af ajray waxan haystaa cadeymo, cabasho iyo codsiyo fara badan oo ku jeeda ama ka dhan ah xafiiska qaxootiga, hase yeeshee cid aan u gudbiyay ma jirto oo illaa io hadda boorsadeyda ay ku jiraan waayo waan ogahay ayagaan ka dacwoonya isla ayaga ayana u dacwoonyaa ayuu yiri Maxamed.

Maalin dhoweyd ayaa Maxamed isbitaaal loo qaaday si deg deg ah, kadib markii uu la joogi waayay xanuun feeraha iyo duudka ah isla markaana neef qaadashada ay ku adakaatay. nasiib daro Maxamed waxaa laga soo sheegay xanuun horle oo murqaha wadnaha ah, iyo isgaoo u baahan in laf dhabrta laga daweeyo, sidaas ayayna dhibaatada Maxamed baaxadeeda usii fogaaneysaa maalinba maalinta xigta, waxaa intaas u sii dheer isagoo nasfiyadiisa aad u xuntahay maadaama uu niyad jab weyn ka qaaday guud ahaan xaalada uu ku suganyahay iyo isagoo xaaskiisa iyo caruurtisa aan meel ku ogeyn oo ay markii ugu dambeysay joogeen kaam ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia . waxaa xusid mudan in xaalada Maxamed ay ka tarjumeyso guud ahaan dhibaatada ay ku jiraan Soomaalida ku dhaqan Gobolada Galbeedka Soomaaliya iyo gaar ahaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku kala daadsan dacalada aduunka, ha ugu darnaadeen kuwa ku dhaqan xeryaha qaxotiga ee Afrika.

Waxaa hubaal ah in guushu u dambeyndoonto dadka dulman, ereyo la macno ereyadaas ayuu Maxamed carabka ku hayaa had iyo jeer.

Xigasho Aljazeera talk.

Mohamed Ahmed.
Cairo-Egypt.
m-h-m-d@live.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS