SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


shir ay kasoo qayb galeen 8 wasiir oo dowlada south africa katirsan oo lagu lafa guray sidii dadkii soomaalida ahaa ee barakacay wax loogu qaban lahaa.

shirka ayaa kadhacay dugsi Sare oo kuyaala xaafada site B ee deegaanka Khaylitja oo kamid ahayd meelihii barakaca ugu badan kasoo gaadhay Somalida kunool gobalkan western cape waxaana soo xaadiray madaxweyna kuxigeenka dalka koonfur africa mrs.P.Nakuka ,Wasiirka hidaha iyo dhaqanka mr.polar Jordon, oo ah siyaasi rugcadaa ah oo saamayn weyn kuleh siyaasada xisbiga talada wadankan haya ee ANC iyo Badhasaabka gobalkan Ebrahin Rasool oo ah nin muslim ah si gar ahna uga gilgishay dhibaatada soo gaadhay dadka soomalida ah .

shirkan ooy sidoo kale ka qayb galeen xubna kasocda kooxda maaraynta masiibooyinka ee somaliyeed (somali disaster management team) ayaa waxa lagu lafa guray wixii dhacay iyo cida ka masuulka ahayd iyo waxa hada loobaahan yahay in laqabto waxayna xubnihii dowlda kasocday ka cadeeyeen goobta in ay somalidu ku leedahay abaal gaar ah dowlda south africa iyo dadkeedaba ayna ksoo qaybqaateen halgankii xorimo doonka ahaa ee ANC da waxayna su,aalo waydiiyeen dadkii daganaa meelihii boobku ka dhacay iyaga oo yidhi ma wax dhib ah ayad tabanaysaan somalida iyo dhaqankooda waxayna dhamaantood isku raaceen inayna haba yaaratee somalida u ahaynin wax ceeb ah ayna jecelyihiin kanasoo horjeedaan dhibkii dhacay kadibna xubnihi dowlada ayaa arinkaas soo dhaweeyay waxayna cadeeyeen in lasameeyay maxkamad gaar ah oo lala tiigsan doono dadkii ka danbeeyay falkii dhacay.

sidoo kale waxay sheegeen in loohayo qalalaasihii dhacay dad gaadhaya 800 oo qof lagana hor,istaagay dadkaas in damiin lagusiidaayo waxayna intas ku dareen in qabqabashadu socoto ilaa hada ,waxayna intaas ku dareen in dowldu diyaar u tahay in qorshe cusub ay dhaqan galiso oo lagula dagalamayo weerarada jinsiyad nacayb ka ah iyagoo sheegay in lasamaynayo gudi isku dhaf ah oo ka kooban: police ka ,dad ka deegaanka ,iyo soomalida ganacsiga kuleh meesha, ayna u kuur gali doonaan shirqolada la maleegayo jawaab dagdag ahna laga bixin doono hadii la helo warar danbi la xidhiidha .

mar laweydiiyay in wax magdhow ah lasiin doono dadkii la moora duugay ayay ku jawaabeen in uu jiro doona gacan loofidin doono dadkii hantidooda la baabi,iyay walow ay ka gaabsadeen gacantaasu waxa ay noqon doonto sida uu sheegay MAHAD CUMAR CABDI oo ku magac dheer LIBAAX oo ah arday jamaacada UNISA kadiyaarinaya shahaadada sare kana tirsan Somali disaster management Team oo isaga laftiisu ku barakacay deekaanka uu shirku ka dhacayay ee khaylistja waxaana argadii somalida ooga qaybgashay shirka ka mid ahaa MAXAMED CISMAN JAAMAC (DHEEREEYE) oo ah xubin firin fircoon oo katirsan madaxda somalida gobalkan western cape ,waxayna labadooduba ka muujiyeen rajo wanaagsan sidii qiirada lahayd ee madaxdii meesha timid uga hadleen arinta .

dhinnaca kale waxaa wali kusugan masaajida ,xaramuha dowlda hoose iyo xeryo milatriba kumaanaan soomaali iyo african kalaba isugu jira oo ku barakacay ququlatooyinkan ka aloosan dalka koonfur africa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafay waxaana dhibka ugu badan uu haystaa dadka kujira xerada lagu magacaabo Soet water (biyihii macanaa) oo kutaala meel xeeb ah oo u dhow meesha labada badood iska yimaadaan waxaana kajira halkaas qabow aad u daran waana xerada dadka ugu badan kujiraan ee aaga magaalada Cape Town waxaana la isdhexmarayaa in dadka xeradaa kujira ay ka dhur sugayaan in UNHCR ay u qaado wadamada dibada hase yeeshee mar aan khadka telefonka kula xidhiidhnay Mr APEL oo ah sargaal sare oo katirsan UNHCR ta oo fadhigiisu yahay Pretorea xarunta wadankan oon wax ka waydiinay in ay jiraan wax ay ugu tala galeen dadkan barakacay ayaa sheegay inayna jirin ilaa hada inta uu ogyahay Mr Gobta oo isna katirsan UNHCR ta ayaa raaciyay in haday Dowladu ka codsato in lagu caawiyo sidii dadka meelhii ay kaso barakaceen laagu celin lahaa ay diyaar u yihiin taas laakiin ayna suurta gal ahayn awoodna ayna u lahayn in dadkan lageeyo meelkale oo ka baxsan wadanka wuxuuna tibaaxay in wadankale dad u qaadistiiso ay tahay wax xadidan oo 0.5% aduunka digu udajin loosameeyo ayna qaadato sanado ayna ku xihantahay wadamaad ogalanshahooda iyo sida lo kala daran yahay.

dhicaca kale waxaa aad ugu howlan gargaarida dadka barakacay walaalaha muslimiinta wadankan u dhalatay oo wax walba oo dadku baahnaayeen diyaariyay sida hooyga ,Cuntada ,Gogasha ,iyo dharka waxayna aad ugu diyaar garoobayan waxna ka qaban qaabiyeen mudaharaadka laga cabanayo dhibaatooyinka loo gaysto dadka qaxootiga ah ee soomaaliyeed iyo kuwa african ah ba mudahaaradkan o ah mid nabadgaliyo kudhacaya sida loogu tala galay ayaa lagu wadaa in ay u dareeraan in ka badan 5000 oo qof maalinta isniinta ah ee soo socota bisha June ay tahay 2/06/2008 waxayna wax garadka soomaaliyeed ee ku dhaqan nawaaxiga magaalada Cape Town ka codsanyaan dadka soomalida ah in ay ka qaybqaataan mudaharaadkaas ilaaliyaana sharciga wadanka iyo anshax mudaharaadka isla markaana waxay uga digayaan in ay jiraan dad dana siyaasadeed ka dhexeeyaan dowlada south africa o isku dayaya in ay ka leexiyaan cabashada dhabihii saxda aha una isticmaalaan danahooda siyaasadeed saas darteedna ay muhiim tahay in dadka somaaliyeed iyaga oo gacmaha is haysta ka qayb qaataan banaan baxan iskana ilaaliyaan cidii dhibaato abuuraysa una hogaan samaan dadka maamulaya banaan baxan iyo Police ka wadanka oo iyaga 4 ta dhinacba kasocon doona dadka cidii isku dayda dhibna gacan bir ah ku qaban doona.

Xadiis Xaaji Aadan ,Cape Town, South Africa.

contacts: xadiis80@hotmail.com.

cell no, :27721980051

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS