SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
31 May 2008.

Saraakiil Itoobiyaan oo ku dhintay qarax ka dhacay Nagayle
Budhcad badeed soomaali ah oo labo markab afduubay arbacadii
Xildhibaan Maraykan ah oo ku dhawaaqay in Ogadenya ay xaq uleedahay aaya katalis.

Gudoomiye K/xigeenka 1aad ee jwxo oo waraysi muhiim ah siiyey Qorahay Online.

Ururada dhalinyarada Ogadenya ee qaarada yurub oo uu shir uga furmay Sweden.

======================

Saraakiil Itoobiyaan oo ku dhintay qarax ka dhacay Nagayle

Maalintii arbacada ahayd waxaa magaalada Nagayle qarax ka dhacay ku dhintay saraakiil ka tirsan ciidammada gumaysiga Itoobiya oo ilaa iyo toban lagu qiyaasay, kuwaasoo ka qayb qaadanayay xaflad lagu xusuyay sannad guuradii 17aad ee ka soo wareegtay xilligii uu Ururka TPLF qabsaday xukunka Itoobya.

Ugu yaraan labo qarax oo kala duwan ayaa ka djacay Hudheel ku yaalla magaalada Nagayle oo xafladdaasi ka dhacaysay. Wararka halkaas ka imanaya qaarkood ayaa sheegaya in saraakiisha qaraxaas ku dhimatay ay yihiin seddex, shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan waxaa sheegtay inay ka denbeeyeey mid ka mid ah kooxaha Soomaaliya ka dagaallama ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidammada Itoobiya ay joogaan dalka Soomaaliya.

Xaflad middanoo kale oo sannadkii hore lagu qabtay magaalada Jigjiga oo loogu dabbaal dagayay xilligii uu TPLF Itoobiya qabsaday ayaa iyadana lala beegsaday qaraxyo, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa iyo 11 qof, qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen.

Markii ay bisha May 20ka ahayd waxaa magaalada Addis Ababa, gaar ahaan agagaarka xarunta wasaarada arrimaha dibada lagu qarxiyay bas yar oo ay ku dhinteen 6 qof oo uu ku jiray barfasoor dhalashadiisu Maraykan tahay.

Xukuumadda gumaysatada Itoobiya ayaa qaraxan ku eedaysay ururka Oromada ee OLF iyo dalka ay deriska yihiin ee Eritereya, hase yeeshee ururka OLF ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay eedda uu taliska Addis Ababa u soo jeediyay ee qaraxaas la xidhiidha.

Sidoo kale April 14keedii qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa waxaa ku dhintay 3 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa iyo 18 qof.

Budhcad badeed soomaali ah oo labo markab afduubay arbacadii

Budhcad badeed soomaali ah ayaa la sheegay inay maalintii arbacada ahayd xeebaha Soomaaliya ku afduubeen labo markab, kuwaasoo la sheegay in la geeyay meesha lagu magacaabo Raas Bina oo ku taalla xeebaha Woqooyi Bari ee dalka Soomaaliya, halkaasoo lagu sii haystay markab kale oo laga leeyahay dalka Hollannd.

Wali macluumaad badan lagama hayo labadan markab ee arbacadii la afduubtay, lamina garanayo dalalka ay ka diiwan gashan yihiin, hase yeeshee wararka afduubkan laga helayo ayaa sheegaya in budhcad badeedkani ay wateen labo Doomood oo kuwa dheereeya ah, isla markaana ay gantaalo ku weerareen maraakiibtan markii ay afduubayeen.

Budhcad badeedka soomaalida ayaa beryahan denbe caadaystay inay afduubaan maraakiibta adeegsanaya agagaarka xeebaha Soomaaliya, isla markaana lacago madaxfurasho ah dalbada, iyadoo in ka badan 1 milyan oo Doollar ay dhawaan ka qaateen markab laga leeyahay waddanka Spain.

Budhcad badeedka soomaalida ahi waxay inta badan ka hawlgalaan xeebaha Woqooyi Bari ee dalka Soomaaliya, halkaasoo maamulka Puntland uu sheegto inuu ka taliyo. Wasiir ka tirsan maamulkaas ayaa toddobaadkan sheegay in booliska Puntland uu la shaqeeyo budhcad badeedka afduuba maraakiibta ajnabiga ah.
31 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS