SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Golaha midowga maxaakiimta islaamka soomaaliyeed oo war cad ka soo saray mowqiifkooda ku aadan ismaandhafka soo kala dhex galay qaar ka mid ah xubnaha golaha

Iyada oo ay soo baxayeen warar sheegayey in u jiro ismaandhaaf soo kala dhex galay golaha ay ku mideeysan yihiin xoogaga midowga maxaakiimta islaamka somaliyeed ayaa waxaa xafiiskeena soo gaaray nuqul ka mid ah bayaan 8 qodob ka kooban oo ay soo saareen golaha maxaakiimta islaamka somaliyeed oo uu ku saxiixan yahay afhayeenka golahaasi Sh: Maxamuud Sh: ibraahin Suulay sidoo kale qoraalkaan ayaa waxaa saxaafada u aqriyey isla afhayeenka golahaasi Sh: Maxamuud Sh: ibraahin Suulay

Qoraalka ayaa u qoraa sidaan

Mowqiifka Hogaanka gudaha ee ku aadan ismaandhaafka xubnaha isbaheysiga

Hogaanka gudaha ee muqaawimada markuu arkay ismaandhafka aan loo baahneyn ee soo kala dhex galay xubnaha isbaheysiga ,iyo sida aan mas.uuliyada ku dhisneyn ee loo adeegsaday warbaahinta ,taas oo qas iyo jahwareer ka ku ridday dhamaan shacbiga somaliyeed meel walbo oo uu joogo ayaa hogaanka gudaha ee jihadka iyo muqaawimada isaga oo tixgalinaya :
  • Mowqiifkooda islaamka ee ku adan khilaafka iyo kala tagga.
  • Daruufaha adage e amniga iyo nolosha ee shacabku ku sugan yahay
  • Xaalada gumeysi ee dalkuku jiro
  • Sida bulshada somaliyeed ee gudaha iyo dibada uga xunyihiin khilaadfka soo kala dhexgalay xubnaha isbaheysiga .

Sidaas darted waxaan shacabka somaliyeed meel walbo uu joogo u sheegaynaa qodobada hoos ku qoran

  1. in hogaanka muqaawimada gudaha ey ku taagan yihiin midnimadii lagu ogaa ,ayna ugu baaqayaan mas.uuliyiinta ismaandhafku soo kala dhex galay in ay dhowraan midnimada xaliyaana khilaafkooda
  2. in ay joogiyaan mas.uuliyiintu wararka khilaafka ee warbaahinta loo adeegsanayo
  3. in khilaafkaan wax saameyn ah uusan ku yeelan jihaadka iyo halganka hubeysan ee gudaha ka socda oo wiiqay Ethiopia iyo dabadhilifyadeeda .
  4. in la saaro gudi culumo ah oo khilafkaan u bandhiga shareecada islaamka ,soona saara xukun sharci ah oo kala cadeeya waxa khaldan iyo waxa saxsan .
  5. waxaan aragnay in ay socdaan wada hadalada UN ka lala wado oo ku saabsan sidii Ethiopia dalka looga sari lahaa .
  6. in maxkamad caalami ah la soo taago ciidamada Ethiopia iyo dagaal oogayaasha dowladnimad asheeganaya ee xasuuqa baaxada weyn iyo barakicinta u geystay shacabka somaliyeed
  7. mushkilada somaliyeed xaalkeedu ma ahan keenista ciidamo shisheeye ,maxaa yeelay horey ayaa loo keenay hadana waa joogaan wax aan dhib aheyna ma soo kordhin .
  8. waxaan soo dhaweyneynaa dib u heshiisiin dhab ah oo loo qabto qeybaha kala duwan ee bulshada ,kanaa madax banaan fara galin shisheeye .

ugu danbeyntii waxaan shacbiga somaliyeed ugu baqeynaa in ay alle u towbad kenaan , badiyaana beryaha alle si uu uga dulqaado gumeysiga ,abaarta, sicirbararka iyo khilaafka ,halgankana laban laabaan inta wadanku ka xoroobayo ,shareecada islaamkana loogu xakumo .

Afahayeenka golaha Maxaakiimta islaamiga soomaaliyeed Sh: Maxamuud Sh: ibraahin Suulay


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666


Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS