Cali Diiriye Aloore” Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo waxaa duqeeyey Ciidamo ka
tirsan Dowlada Federaalka
Iyadoo Maalintii Shaley ahayd la duqeyey Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo ayna
ka dambeeyeen Kooxo Maleeshiyo ah oo ku sugnaa Dhinaca Koofurta Mgaalada
Gaalkacyo ka dib markii ay sheegeen in Garoonkaas ay leeedahay Maamul Goboleed
Gal Mudug waxaana Duqeyntaas Khasaaro ka soo gaartey Qaybtii Canshuuraha ee
garoonkaas markii uu Dab uu qabsadey , sidoo kale waxaa Garoonka ku dhaawacmey
Dhowr qafood oo ka mid aha Dadkii doonayey in ay ka dhoofayaan Garoonkaas
Hadaba Garoonkaas ayaa la sheegay in maalmahan uu muram ka taagnaa kaa soo la
xiriira Mushaarooyin ka maqnaa Ciidamada sidoo kale warar ayaa sheegaya in
Garoonka duqeyntiisa ay ka dambeysey Markii dhawaan Albaabada la iskugu dhuftey
Xafiis laga furey Dhinaca Koofureed kaasoo la sheegey in uu qaabilsanaa Maamul
Goboleedka Pundland
Afhayeen u Hadley Maamul Goboleedka Pumdland ayaa ugu baaqey Maamulka Galmudug
in ay Bixiyaan Magdhow , sidoo kale waxaa uu soo jeediyey in dib u dhisaan
Qaybtii ka gubatey Garoonkaas hadii kale ay ka dhalan doonto Cawaaqib xumo
Hase yeshee Cali Diiriye Aloore oo ka soo jeeda Dhinaca Koonfureed isla markaana
Taageesan Maamulka Pundland ayaa sheegey in Ciidamadii Duqeyey Garoonkaas ay
ahaayeen Ciidamao ka tirsdan Dowladda Federaalka oo uu sheegey in ay muddo ay
waayeen Lacagihii Mushaarooyinka isagoo sheegey in si dhaqsiya ah wax looga
qaban doono,
Wararka naga soo gaaraya Mgaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan in maalintii
shaley shaley ahayd aysan wax Diyaarado ah ka soo degin Magaalada Gaalkacyo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com