SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


  • Xildhibaan Cismaan Caato Oo Ay Gacanta Ku Dhigeen Xoogaga Maxakiimta Islaamka Isagoo Kusoo Jeeda Muqdisho
  • Sh,Max,ud Ibr Suleey Oo Tilmaamay Inaysan Halganka Gudaha Shaqo Ku Lahayn Khilafka Masuliyiinta Sarsare
  • Golaha Amaanka Ee QM Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Isniinta Loo Codayn Doono In Xeebaha Soomaaliya La Keeno Ciidamo
  • Cunug Afar Habeen Jiray Oo Xalay Qabowga Roobku Ku Dilay Deegaanka Carbiska Ee Loo Barkacay

Xildhibaan Cismaan Caato Oo Ay Gacanta Ku Dhigeen Xoogaga Maxakiimta Islaamka Isagoo Kusoo Jeeda Muqdisho

Xilibaan Cismaan xasan Cali Caato ayaa isagoo ay Gelbinayaan Ciidamadiisa Ilaalada U ah islamarkaana kasoo Ambabaxay Magaalada Baydhabo oo Kusoo jeeda Magaalada caasimada Ee Muqdisho waxaa si lama Filaan ah U qabtay Xoogaga Ciidamada Golaha Maxaakiimta islaamka soomaaliyeed Iyadoo aysan Wax Dagaal ah ka dhicin Halkaasi kadibna Ula Ambabaxay Isaga Iyo Ciidankiisii Goob aan la cayimin .

Xilibaanka oo ahaa Xildhibaanada Sida weyn Uga soo Horjeeda Siyaasada Madaxwene C/laahi Yuusuf islamrkaana aan Taageerin Xoogaga Dowlada Kasoo Horjeeda ayaa Mudoba Ku sugnaa Magaalada Baydhabo oo uusan Meelna Uga Bixin Iyadoo Mudooinkii Horena ay Ciidamada Ethiopianku Baaritaano Ku sameeyeen Hoygiisa Ku yaala Magaalada MUqdisho islamrkaana Ku Eedeeyey Inay ka Biliqaysteen Hanti aad U fara badan

Sidoo kale Sida ay shabakada Afnugaal kasoo Xigaynayso masuuliyiin sar sare oo Golaha maxaakiimta kamid ah waxay sheegayaan inay Nabad qabaan Xildhibaan Cisman Caato iyo Ilaaladiisii islamrkaana Xiligan La sheegay Inuu Ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waloow aan la sheegin Meesha Uu kaga Sugan yahay .

Dhinaca kale Xiriir ay isku dayday shabakada afnugaal inay la samayso Xildhibaanka ayaysan U suurto Gelin mana Jiraan warar dheeraad ah oo kasoo Baxay arintan waloow Masuuliyiintani Kamidka ah Xoogaga Maxaakiimta ay u Xaqiijiyeen shabakada afnugaal In Lasii daayey xildhibaanka iyadoon waxba Loo gaysan.

Sh,Max,ud Ibr Suleey Oo Tilmaamay Inaysan Halganka Gudaha Shaqo Ku Lahayn Khilafka Masuliyiinta Sarsare

Afhayeenka Golaha Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed sh,Maxamuud Ibraahin Suuleey ayaa Shaaca ka qaaday Inaysan Marnaba khilaafka Masuuliyiinta Sar sare Ee Maxaakiimta aysan Wax saamayn Ah Ku Yeelan Doonin Halganka ay Gudaha ka wadaan islamrkaana ay wadi Doonaan Halganka ay Kula Jiraan Cadowga islaamka iyo Daba dhilfkooda waa siduu Hadalka U dhigaye .

Sh,maxamuud Ibraahin Suuleey oo Khadka Telefoonaadka Baaqan saaxaafada Uga sheegay ayaa sheegay in Loo Baahan yahay In la ilaaliyo Midnimada ,sharafta islaamka iyo Hadalada Xun Xun ee suuqyada laga leeyahay taasoo ay arintaasi U taalo keliya madaxda sar sare islamrkaana aysan saamayn ku yeelan Doonin Halganka Gudaha soomaaliya .

Sidoo kale Sh Suuleey ayaa Carabka Ku adkeeyey Midowga Maxaakiimta Ee Gudaha ka wada Dagaalada Iyo halganka HUbaysan ay ka siman Yihiin Midnimo islamrkaana aysan is khilaafsanayn tasoo uu Cadeeyey in Mowqifkoodu isku Mid yahay .

Dhinaca kale Sh,maxamuud ayaa ku Booriyey Bulshada Caalamka inay Ciidamada Ethiopia Dalka ka baxaan islamrkaana lala sii wado ayuu Yiri Hadalada lagu doonayo inay Ciidamada Ethiopia Dadaalka ay wadaan Maxaakiimta iyo UN-kana lasii Xoojiyo

Golaha Amaanka Ee QM Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Isniinta Loo Codayn Doono In Xeebaha Soomaaliya La Keeno Ciidamo

Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa Shaaca ka qaaday In Loo Codayn Doono Maalinta Isniinta ah Ee Fooda inagu soo haysa Sidii Ciidamo Caalami ah Loo Geyn Lahaa Xeebaha Soomaaliya Oo La dagaalama Burcab badeeda Caadaysatay Afduubka Maraakiibta iyadoo ay Hore Ugu sugnaayeen Maraakiibta dagaalka ee maraykanka iyo Yurub

Burcad badeeda ayaa dhowaanahanba kusoo badanaysay Xeebaha wadanka soomaaliya taasoo afduubyo badan ka gaystay Xeebaha islamrkaana Qaarkood iminka Ku haysta Xeebaha Puntland ee maamulka Puntland ee soomaaliya .

Golaha amaanka Ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in Hadii aan Laga Hortegein Burcada badaha ay Keeni karaan dhibatooyin Khal khal geliya Maraakiibta isaga kala Goosha Xeebaha Caalamka islamarkaana ay kusoo badanayaan burcad Badeeda Hubaysan xeebaha wadanka soomaaliya iyadoo ayay Yiraahdeen malinimadii shalay la afdubay labo markab oo marayey meel biyaha somaliya kabaxsan Ee xeebta Gacanka cadmeed iyo Xeebaha Gobolka Bari Meel U dhaxaysa .

Hadalkan kasoo Baxaya Qaramada Midoobay ayaa kusoo Beegmaya Xilia ay Jiraan marakiib Lagu haysto Xeebaha Soomaaliya kuwaasoo ay afduubteen Burcad badeed soomaaliyeed oo madax Furarsho Lacageed ka doonaya .

Cunug Afar Habeen Jiray Oo Xalay Qabowga Roobku Ku Dilay Deegaanka Carbiska Ee Loo Barkacay

Deegaanada Loo barakacay ee Duleedka Caasimada Muqdisho ayaa waxaa lasoo dersay Gabaad la,aan dhinaca Roobka ah oo aysan Qaarkood haysan meel ay Roobka ka galaan islamrkaana dhaxanta iyo Dhibicda Roobku ay u Noqdeen kuwo qaarkood ay Ku dhintaan .

Hooyo Muslimo oo ah Umul dhaanayd 4-habeen oo degan Deegaanka carbiska ee duleedka afgooye ayaa wayday meel ay Biyaha Roobka ka gasho kadib markii ay Gurigeedii u dhisnaa xiligaas oo ahaa Guri ka samaysn baco iyo Jawaan uu Biyihii ka celin waayey islamrkaana ay Cunugii ku dabooshay baco iyo Jawaan kadibna ay isku taagay Burunkiito Oo Uu halkaasi uu ku naf baxay

Sidoo kale dadka deegaanadaasi ayaa Roobka oo soconayey in ka badan 24-saac waxay qaarkood Hoy ka dhigteen Musqulaha ay u dhiseen hay,adaha maxaliga ah ee qaarkood ka Howlgala deegaanadasi oo aan wax sidaas ah U qaban dadkaasi.

Dadka ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku taxan deegaanada Duleedka Caasimada Muqdisho ayaa waxaa lasoo dersay Gabaad la,aan Hoy la,aaneed iyadoo ay Usii dheer tahay amaan darida ay markoodii Horeba kaga carareen Guryahoodii iyagoo qaakood saxaafada u sheegay inay u Dhaanto inay Guryahoodii u laabtaan intay dhaxan iyo Biyo Dili Lahaayeen

Yaasiin maxamed Faytin

Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 31, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS