Shirka Jabuuti
Muxuu Soo kordhin Karaa?
Cabdixakiim
Jaamac Jooje
Social
Development Adviser
Leicester UK.
saicentadv@yahoo.com
Marka hore mahad
idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis
iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey
korkiisa ahaatay, kadiban waxaan
salaanta Islaamka halkan uga gudbinayaa
dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar
ahaana akhristayaasha sharafta iyo
maamuuskaba iska leh.
Sida aynu ka
warqabno, dowladdii dhexe ee Soomaaliya
waxa ay bur burtay dhamaadkii 1990ki,
waxaan gacantii xukunka uu ku wareegay
kooxo ay hogaaminayaan dagaal oogayaal,
aan innaba u danqaneyn, una diirnaxeyn
Soomaali iyo waddan toona. Kooxahaasi oo
dagaalo sokeeye oo fara baddan dalka ka
oogay, una kala saaray shicibka
walaalaha ahaa, qabiil qabiil, isugu
diray daris daris iyo weliba iyagoo
dadkii kal faquuqay. Intii ay dagaaladi
sokeeye socdeen waxaa ku nafwaayay dad
boqolaal kun kor udhaafaya, waxaa ku
burburay waxey Soomaali hanti laheyd,
dad aad iyo aad u tiro baddan oo
malaayiin gaaraya ayaa dalkii isaga
baxay, oo dalal shisheeye Qaxootinimo u
galay, waxaa intaas noo sii dheereyd
dadkii la oran karay waa maskaxdii ama
indheergaradkii ummadda oo waddanki
isaga baxay. Intay dagaalada sokeeye
socdeen waxaa ku curyaamay, oo ku
naafoobay dad aad iyo aad u tiro baddan.
Waxey kaloo dagaaladaas sokeeye
horseedeen, in ay ku dhamaadaan dad
baddan oo Soomaali aha, badaha iyagoo
doonayey inay raadsadaan nolol ka
wanaagsan tan ka jirta waddanka ama ay
ka helaan meel ay nabadi jirto. Waxa
arimahaasoo dhan ka daran dalkeenii oo
iska noqday wado halac mareen ah, oo cid
walba ay iska soo gasho, ku duugto sun,
qofkey rabto ka kaxeysato, oo dantey
rabto ka fushato, badaheenaya si sharci
darro ah uga kalluumeysta.
Dhibaatooyinka aan
kor kusoo xusay waxaa nala wadaagay, oo
iyagana ay ka dhaceen dagaalo sokeeye
waddamo baddan oo dunida ah, haba ugu
badnaadeenee waddamada Afrika. Laakiin
waddan walba oo uu ka dhacay dagaal
sokeeye, waxa u kacay dadkoodii
indheergaradka ahaa, oo isku dayey
markiiba inay nabad dhex dhigan dadka ay
dirirtu dhexmartay. Qaababka ay
dhibaatooyinkaas u xalinayaan, haba ku
kala duwanaadaan, oo ha noqoto qaab
daneysi ku dhisan ama aragti
Siyaasadeed, diineed ama mabaadii’
kaleba. Mar walba dadkaasi waxey geed
dheer iyo mid gaabanba u koraan sidii ay
dhibaatada waddankooda ka dhacday usoo
afjari lahaayeen. Waxaa kaloo ay
waddamadaas ay na dheer yihiin iyagoo
kala dhaqan duwn, diin duwan, luqad
duwan, haddana leysku dayayay sidii
danta guud loogu midoobi lahaa.
Annaga Soomaali
ahaan, innagoo isku diin ah, dhaqan ah,
af ah, oo aynaan maanta sawiri karin wax
kala duwnaasho ah, oo labada qof ee
Soomaaliga ah ay ku kala duwn yihiin, oo
aan ka aheyn kaliya labada aabe ay kal
sheegtaan mooyee, ayaa haddana dunidu ay
nala yaaban tahay waxa aynu u heshiin
la’nahay. Dagaal wuu dhex mari karaa
ummadda, xitaa iyagoo isku diin ah,
laakiin dagaal waxaa mar walba daba
yaala heshiis. Heshiis wuxuu imaan karaa
markey diyaar u yihiin labada dhinac
ama jaanib ee ishaya. Soomaalidu waxey
tiraahdaa { Gari laba qofood kama wada
Qosliso }, tiiyo ay jirto qofku waa inay
garna gashaa , kana baxdaa. Waa in uu
jiraa isu tanaasul ka yimaada jaanibyada
is haya. Hadduu qofku ku soo xisaabtamo,
illa waa illaa adiga gar leh, ee waa in
aad garta heshaa, runtii waa ayaandaro,
oo wax natiijo ah oo la gaarayo marna ma
jireyso.
Waxaa Soomaali loo
qabtay dhowr iyo toban shir iyo weliba
in ka baddan, oo loogu magac daray
shirka dib u heshiisiinta Soomaalida,
waxaa dhammaantood lagu wada qabtay
waddanka dibaddiisa. Wey dhici kartay in
lagu soo dhiso dowlado, laakiin aan
raali laga wada aheyn ama qof walba
markuu muraayadda iska dhex arki waayo
uu yiraahdo shirka looma dhameyn.
Shirarkaas loo qabtay Soomaalida
waxyaalaha ugu waaweyn ee fashiliya
waxaa ugu muhiimsan arimaha soo socda:-
-
Waddaniyad la’aan
-
Qabyaalad
-
Reer walba oo ay hogaaminayaan
intoodii ugu sharka badneyd.
-
Libinta oon leysu ogoleyn
-
Daneysi gaar ahaaneed
-
Tanaasul la’aan.
-
Fara gelin shisheeye, oo ay nagu
kor loolamayaan dowlado fara baddan,
oo mid walba ay danteeda gaarka ah
ugu jirto arinta Soomaaliya.
-
Dadki Soomaali inay hor kacaan
ama xalkeeda hayey oon shirarka lagu
casumin ama looba ogoleyn.
-
Nimankii Soomaaliya dhibkeeda
asalka u ahaa, oo weli iyagii la
dhex dhexaadinayo, ama matalaya
Dowladda.
-
Caam ahaan shicibka, oon kala
garaneyn waxey dantooda ku jirto, oo
mar walba mujrim ay isku qolo yihiin
isaga sacab tumaya..
-
Dhammaan shirarkaas oo lagu
qabtay waddanka dibaddiisa.
Haddaba iyadoo ay
arimahaas oo idil ay u ahaayeen saldhiga
bur burkii ku yimid shirarkii loo qabtay
Soomaali, ayaa haddana waxaad moodaa in
weli jidkii lagu sii socdo, oo inta
Jabuuti isagu tegaysaa ay intii uun
yihiin, dowladihii hor boodi jireyna ay
weli sdiii noo hor socdaan, Inkastoo
hadda la oran karo nimankii Maxkamadaha,
oon iyagu shirarkii hore u dhacay aanan
ka qeyb qaadan ayaa kan ku jira, haddana
jidku waa isla jidkii, oo haddaan wax
baddan la xisaabtamin, oon inta aan
meesha madasha shirka la fariisan, ayan
koox walba garnaqsan, xaalku wuu adag
yahay.
Waxaan Hadalkeyga
kusoo gunaanadayaa, Soomaaliyeey taas oo
jirto haddana marna lagama quusto
naxariista Allaah, oo Allaah ayeey talo
oo dhan ku xiran tahay, oo Allaah aynu
ka rajeyno inuu Nimankaas towfiiqda
waafajiyo, oo dantooda garadsiiyo.
Dhammaan shicibka Soomaaliyeed waxaan ka
codsanyaa inay u duceeyaan, oo Allaah uu
shirkaas nooga soo saaro jidkii ay
Soomaali isugu iman laheyd, waa hadduu
kheyrka noogu jiro. Soomaaliyeey weynu
daalnay, dagaal sokeeye weynu wada
aragnay dhibtu noo geystay, ee aynu
niyada kheyr ka raadino, Allah
quraankiisa wuxuu noogu sheegay, oo ah
micnaha ugu dhaw { Waxaa dhacda inaad
shey karaahsaneysaan, oo uu kheyrka
idinkuugu jiro, sidoo kale waxaa dhacda
inaad shey jecleysanaysaan, oo shar
idiin yahay, Allaah baase garanaya, oo
dinku ma garaneysaan .}.
Intaas ayaan
maqaalkeygii kusoo koobayaa, oo wixii
aan xaqa ku asiibay waxey u sugnaadeen
Allaah, wixii aan ku gafeyna waa
nafteyda iyo sheydaan.
Wabillaahi Towfiiq
Qalinkii:-
Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com