Warsaxaafadeed ku wajahan Koonfur
Afrika....Warsaxaafadeed
Cambaarayn iyo Duco
Ururka waddaniga Soomaaliyeed (UWS).
iyagoo ka xun kana murugsan waxa lagu
hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan
dalka South Africa ayuu dawladda South
Africa ka codsanaya in ay eegto oo ay
baarto waxa lagu hayo shacabka
Soomaaliyeed ee nabadda u soo doontay
dalka South Africa iyagoo ka soo
baxsaday qalaalasaha iyo dagaallada
daba dheeraaday ee ka jira Somalia.
Haddii aynu nahay bahda ururka
waddaniga Soomaaliyeed (UWS) waxaan
canbaaraynaynaa silica iyo dilka iyo
boobka joogtada ah ee loo geesanayo
shacabkeena Soomaaliyeed ee ku sugan
dalka South Africa,waxaanu leenahay in
dawladda South Africa ay tallaabo degdeg
ah ka qaaddo kuwa falalkaasi kula kacayo
shacabkeena Soomaaliyeed, loona soo
celiyo walaalahayaga hantidooda dibna
loo dejiyo meelihii ay degganaayeen.
Waddanka South Africa waxaan u
haysanney inuu yahay waddankeennii
labaad, oo aan walaalahayn Afrikaanka ah
oo isku dhigga nahay aan kala kulmi
doono soo dhaweyn wacan dowlad iyo
shacab intaba. Laakiin dhibaatada maanta
halkaas ka dhacday waa mid Taariikhda
Africa baal mugdi ka geli doonto.
Ururka Waddaniga Soomaaliyeed (UWS)
Wuxuu dhammaan shacbiga Soomaaliyeed
xusuusinayaa arrinta ka dhacday South
Africa ay tahay mid bilow ah, lagana
yaabo inay ku sii fiddo waddamo kale oo
Afrikaan ah.
Sidaas darteed waxaan walaalaha
Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo
dibadda, ka codsanaynaa in ay gacmaha is
qabsadaan walaal kastana oo ku
dhibaataysan gudaha ama dibedda gurmad u
fidiyaan, waxaan caalamka iyo shacabka
Soomaaliyeed ee dunida dacaladeeda ku
nool si naxariis leh uga codsanaynaa in
waalaalaha ku dhibaataysan dalka iyo
dibedda wax loo qabto.
Dhammaan xubnaha UWS. Waxay tacsi
tiiraanyo leh halkaan uga dirayaan
Dhammaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku
geeriyooday dhibaatadii ka dhacday
waddanka Koonfur Afrika, waxay kaloo
taci taa la mid u dirayaan Dhammaan
dadka rayid ahaa ee ku geeriyooda maalin
walba gudaha Somalia. Waxayna ALLAH
(SWT) ugu beryayaan intii dhimatay inuu
naxariistiisa Janno ka waraabiyo.
Ehelladoodana samir iyo Iimaan ka siiyo.
“Aamiin”.
Xubnaha UWS. Waxay kaloo Allah (SWT)
duco uga beryayaan inuu caafimaad fiican
siiyo dhammaan shacbigii Soomaaliyeed ee
ku dhawaacmay waddanka Koonfur Afrika
iyo gudaha Soomaaliya intaba. “Aamiin”
Xubnaha UWS. Waxay kaloo Allah (SWT)
uga beryayaan shacbigii Soomaaliyeed ee
ku hanti beelay waddanka Koonfur Afrika
iyo gudaha Somalia intaba inuu ugu
beddelo wax khayr qaba. Insha’Allah
“Aamiin”
Xusuusnow Halku dhigga UWS.
- Sanadood Jug Jug Meesheeda
Joog Waddanigii Dhiig Lahow Kac
Abdullahi Jama Mohammed
AFhayeenka ururka waddaniga
Soomaaliyeed (UWS).
Toronto, Canada
soomaalibaanahay@hotmail.com