SIDEE LOO DOORIN KARAA CAADOOYINKA
XUN?! .

MAQAALKII: C/LAAHI KUTUB
Email:-
kutubyare@hotmail.com
Gogoldhig:
Waxaan shakki ku jirin qof kasto oo
ibni aadam ah inuu leeyahay dhowr dhaqan
oo uu aaminsanyahay ineysan aheyn kuwo
suuban.
Sideedaba ibni aadamkana eebe wuxuu
ku abuuray rabitaanka isbadalka si uu
ula jaanqaado bulshada ku xeeran.
Sidaas darteed ceeb ma aha inay
jiraan dhowr arimood oo aad is leedahay
alleylahay waa inaad badashaa waayo wax
adiga kaligaa kugu kooban ma aha ee
dadka dhan ayaa kula wadaago.
Markastoo ruuxa uu la kulmo cawaaqib
xumo ay u horseedeen caadoyinkaas wuxuu
waqti badan galiyaa inuu ka fakaro sidii
uu u doorin lahaa.
Maqaalkan waxaan ku soo bandhigi
doonnaa caadoyinkaas sidii looga talaabi
lahaa loona daaweyn lahaa iyo dhowr talo
oo na wada anfaci doonto haduu alle
yiraah.
Hadaba Intaas aan uga gudubno
gogoldhiga qormada oo aan u tallaabsano
dulucdeeda.
Si aad u dooriso dhaqan aan
wanaagsaneyn waxaa lagama maarmaan ah
inaad ku dhaqaaqdo talaabooyinkaan hoos
ku xusan:-
- Dib u milicso cajaladda
noloshaada.
Waxaad dib u eegtaa noloshaada
tan iyo intii aad garaadka laheyd
waxaadna isku daydaa inaad si
feejigan ugu fiirsato qaab
nololeedkaadii, halkaas waxaa kaaga
soo baxaya caado walba oo kuu
horseeday habsaan ama qal qal
galisay shaqadaada, xiriirka
ahalkaada iyo asxaabtaada aad
wadaagtaan, caafimaadkaada iyo
waliba Eebe- subxaanahu wa
tacaalaa-xiriirka aad la leedahay.
- Wacad ku mar inaad dabar
goyso caadooyinkaas
Markii aad ogaato caadooyinkaas,
naftaada balan iyo axdi kula qaado
inaad joojiso dhaqamadaas waliba
sida ugu dhaqsiyaha badan.
Hadii aadan talaabadaan horey ka
fulin, mustaqbalkana ma fulin
doontid.
Nafta iyo sheydaanka waxa ay
kuugu sheekeynayaan oo ah inaad dib
u dhigato talaabadaan ama waqtiga uu
munaasab aheyn ama dhaqankaan aadan
badali karin waayo mudo dheer ayaad
soo wadday iyo wixii la mid ah dhag
jalaq ha u siin hana u joojin oo
howl aad qaban karto maanta beri ha
u dib dhigan.
Tusaale ahaan, hadii uu
saaxiibkaa khilaaf idinka dhexeeyo,
telifoonka qabo, numberkiisa soo
saar kadibna isla xaaladaas wac, oo
la heshii.
- Wax badan ka ogow oo
baaritaan ku samey khatarta
caadooyinka xun.
Waxaad isku taxalujisaa inaad
baaritaan dheer ku sameyso, wax
badanna ka ogaato dhibaatooyinka
iyo sahmeynta ay leeyihiin
caadooyinka aan suubaneyn ee aad
leedahay.
Waxaad aqrisaa cilmi baarisyada
laga sameeyay, buugaagta laga qoray
iyo maqaalada laga baafiyay
caadooyinkaas taas waxay kaa
saacideysaa in aad sii adkeyso
go’aankaadii ahaa inaad joojiso
caadooyinkaas.
Tusaale:- baaritaanka khatarta
sigaarka uu u leeyahay caafimaadka
waxay kugu kaalmeyneysaa joojinta
cabitaaankiisa, sidoo kale
cuquubadda taariku salaadka iyo
dambigiisa inta uu baaxad dhanyahay
hadii aad garwaaqsato alle ayaad u
soo laabaneysaa oo waad toobad
keeneysaa-idam alle-.
- Si xikmadeysan u billow
dhaqan gelinta go’aankaada
Caado aad ku soo bar baartay ama
in mudo ah ku soo dhaqmi jirtay si
fudud inaad u dooriso way
adagtahay.
Aqoonyahannada arimaahaan ka
faallooda waxay sheegaan dadka
isbadalka buuxa sida deg degta ah ku
sameeyo inay sahlantahay in ay ku
soo laabtaan caadooyinkii horey ay u
joojiyeen.
Sidaas darteed waxaa aad muhiim u
ah inaad ku afbillowdo dhaqan
gelinta go’aankaada tallaabooyin
miisaaman oo xikmadeysan adigoo ku
xisaabtamaya hadba tamarta iyo
awooda aad u leedahay la qabsiga
xaaladda cusub.
- Guntiga u xiro ka mira
dhalinta rabitaankaada iyo
ujeedadaada.
“ Qofka isbadal ma sameyn karo,
gocasho iyo xanuun la’aan”.
Caadadaadii hore inaad iska deyso
tan cusubna dhaqan galiso way dhib
badantahay muddo yar markii aad
joogtabada tii hore ayaa isi soo
bandhigeyso , tusaale ahaan markii
aad joojiso cabidda sigaarka muddo
kadib waxad arkeysaa adigoo ku
sheekeysanaya ayaantaan sigaar afka
ma aadan saarine bal hal xabo shido.
Marka isku day inaad tunka u dhigato
rabitaanada noocaas ah oo aad ka
biyo diido si aad uga run sheegto
rabitaankaadii iyo ujeedadaadiiba .
Ugu dambeyn:- hadii aad
talaabooyinkaas si miisaaman u fuliso
ilaahayna talada saarato waad ku
guuleysaneysaa inaad ka takhalusto
caadoyinka aan wanaaganeyn waliba si
fudud ilaah idamkiis.
Talo iyo tusaale
- Baaritaan ku samey nafsadaada
iskuna day inaad kala barato meelaha
aad ku liidato iyo kuwa aad ku
fiicantahay , kadibna sii adkey
dhanka aad ku wanaagsantahay kan aad
ku liidatana u howl gal sidii aad u
kobcin laheyd.
- Hadii aadan is badal sameynin
aqoontaada iyo garaadkaadana sare u
qaadin, horumar iyo horay u
talaabsasho inaad sameyso waxay la
mid tahay calaacasha oo tin ka soo
baxdo oo kale, qofkii aan
maskaxdiisa iyo habka uu u fakaro
aan badalinna wax uu badali karaahi
ma jiraan.
- Ugu dambeyn, Eebe wax walbo ayuu
ku siiyay, caafimaad ayuu kugu
maneystay, caqli taam ah iyo garaad
ayuu kugu hibaystay, waxaad niyada
ku heysidna waad heleysaa iska daa
tashaa’umka wixii tagay way tageen
waxaad tiigsataa mustaqbalka mar
walbo kheyr iyo wanaag rajey, waxaad
damacsantahay waad gaareysaa
waxaadna ka mid noqoneysaa kuwa
liibaana aduun iyo aakhiraba idam
alle.
Waxaa diyaariyay:
C/laahi Xasan C/qaadir Kutub
Khartoum- Sudan
kutubyare@hotmail.com
Tix raac:- Qormadan qeyb ka mid ah
iyo kuwo la mid ah waxaad ka heli kartaa
buuga la yiraahdo Control Your Self ee
uu qoray Dr. ibrahim El-fiki.