SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


TAGEERO MOWQIFKA SHIIKH SHARIIF

Somali dhibkan waxa ay kusooo jirtay mudo badan waxaase baryihii danbe soo baxay isbadal dhinac kasta ah, kasoo badalay jawiga siyaasada dalka iyo indhaha beesha caalamka. caalamka uu Mareekan isu waynisiiyo waxa uu kujiray marxalad ah sug oo eeg, wixii kadaneeyay 9/11 marxaladaas waa is badashay. umada somaliyeed oonlahayn awood siyaasadeed iyo wacyi calami ah oo kufilan,aragti yarida iyo af lánta waxa ay ku qasabtay danbi aysan lahayn in madaxa loogaga istaago.

Umadan markii horaba dhibaato laciiraysay waxaa ugu darsamay dulaamo gobol iyo calamiba leh,maamuladii dalka soo maray iyo hormuudka bulshadaba waxa ay kuu guul daresteen in ay indha besha calamka si wanaagsan isutusaan una soo jitaan,nasiib darro madax iyo aqoonyahano ayaa sawir qaldan ku shabadeeyay quluubta caalamka iyago eganaya dano gaara.

Kadib eegmada qaldan ee calamka,hormuudka umada waxa ay ku guuldaresteen fahanka cayaarta rasmiga ah iyo dabaasha maraxladaha adag,hogaamiye kasta waxaa umuuqda tariikh uu isagu unkay iyo awoodiisa yar,tasoo kentay isbadal la’aan joogto ah.

wanaag kasta ood ku tagantahay qasab maaha in fagaaraha lagaaga yaqano wanaag,ado saxsana mararka qaar aad qalad dusha uridato ado kala dooranaya maraxalado kala daran.

Waxaa maalamahan soo baxayay xan aad ubadan iyo hadalo kasoo baxayay madax ku abtirsada ururka Asmara dagan,xantaas waxa ay meel geesa ku rixeen Shiikh Shariif iyo inta sida uu wax u arko ladhacsan. Hadad dhab u eegto hadaladas iyo suxufi sixun wax usuntaha ah (six un wax usheeg sixirow kadaran) waxa kusoo baxaya hadal jeceyl aan wax mabda ah ku dhisnayn.

Shiikha waa uu hadlay waana ku faraxnay hankolkii iyo ceejidii nalgu hayay waan ka baxnay hadana waxaan helnay waxaan isku difaacno hadaan nahay dhalinyrada ladhacsan xikmada shiiq shariif.

Umada waxaa isaga qasan hadalka carada xanbaarsan iyo kan caadiga ah hadana isku mel ujeda inaysan waxba ku kala duwanayn,umada hada waxay caado kadhigteen inay wanaag dhan uqiraan qofka kubeer laxawsada “ aniga ayaa wanaagsan hebel ayaa qaldan anaa etoobiya aad uneceb”.shiikha hadaladiisa kama duwana kuwa ay ku hadlaan kuwa sheegta ad adeega fog, hadalka nuxurkiisa waa isku mid lakiin laxanka uun ayu kukala gadisanyahay.

sadar kasta oo kamida hadalada Shiikha waxa ay xanabarsanyihiin xigmada dhaqan galkoodu ubahan yahay geesinimo,tanaasul iyo dareenka shacabka oo maanka lagu hayo.

Waxaad is tirhaado hadaad idaacadaha latagto waxba masoo kordhinaysid hadii aadan dareenka shacabka maanka ku hayn.

Hadalkiisii kadib waxaa umada lagaliyay walaac meel soke jooga waxaa umada loo shegay shalay dowladii magan galyada siisay ayuu manta edayn ku riyday.

Shiika horta dowladaas muusan edayn ee wixiisu waa cabasho, xaq ayuuna uleeyahay inuu dantiisa ilaashado waxii qalada ee laga galana uu cid kasta kula xisaabtamo,waxa uu hogamiyuhu kasoo horjeda in ururkiisu noqdo kuwa kahoos shaqeeya dowlada dalka kusoo dushay,Etobiya. Hadalkaas oo ah mid qaaliya,halkii ladhihi lahaa geesi xaqiisa donaya aya hadana loo daba dhigay edeeyn,walle ninkii hadalkan eed kakenoow waxaad daba gal ku smayso ayaa weeysay.

Shiikh Shariif, aad ayaana kuula dhacsanahay waxaana fahmaynaa xikmadaha qaaliga ah iyo wanaaga aad umada uhayso.

Si kasta oo wax laguula fahmi waayo waxaad isku daydaa inadan cidna katagin ood kaxeeyso kaan wax fahamyn oo ay umuuqdaan caadifado kale.

Waxaad tahay nin ay kamuuqato fahanka dareenka shacabka,waxaan oganahay in madaxda badanaa hadalkooda idacadaha ay u isticmlaan weerar shaqsiyaded ama koxeed,majirto cid soo hadal qaada rabitaanka shacabka, Waxaan kuu rajeenayaa inaad ka adkaato kuwa kula safan iyo kuwa kasoo horjeedaba.

Waxaan ugu baqayaa xanlayashaa cadeestay inay umada ushegaan waxa ay donayaan inay ilaaliyaan dhaqan wanaaga saxaafada iyo inay daremaan wax ay u adeegayaan inay yihiin shacab dhibataysan ee ubahan in bogtoda ladhayo oo aysan ubahnayn in bogta laga damqiyo.

Shacabkase waa inay ogadaan Shiikha inaysan waxba iska badalin hadalkii looga bartana uu ku taganyahay ilaa cadaymo dhaba laga helna aysan ku dag dagin hadal sarajooga laga riday.

Shiikha waa ninkii halganki maxaakimta nafta kusii hayay intii ay jireen,waa ninkii muqawada ku dhawaqay, waa ninkii inta Asmara joogta udub dhexaadka u ahaa, waana ninka shacabka intiisa badan ku aminsanyihiin ujeedada uu ugu soo biiray saaxada siyasada oo ah dan guud (xasuuso Shiikha maalinta uu shaqadiisa macalinimada hayay iyo waxa uu lakulmay) waxa kale oo umada ku amintaa in inta uu shaqada kujiray uusan la imaan wax qalad ama qiyaamo keeni kara.

Waa nadiif ee sawirkiisa yaan lawasaqayn.

Umaday hadii adan kiin wanaagsan gacan qaban waxaad noqonaysaan dad aan waxba ahayn, waxaad waydisaan waxa aqoonyahanku wax uga qaban laýahay waxa dalka kajira, waxay kushegayaan in umad lo adegaa aysan meesha joogin, umad qasab in lagu wado ubaahan miyaa xal iyo maslax fahmaysa.

Umad yaheey kina wanaagsan garab istaaga si marxaladaha qalafsan ee tiro dhaafay looga baxo.

Ilahay kabaqa oo ilaaliya sharafta dadka dartiin halis badan ugalaya.

W/Q: mohamed haji
India
sharaf040@yahoo.co.uk


SHEEKH SHARIIF SIYAASIGA QARNIGA

Ilaah baamahada leh waxaan marka hore hanbalyo iyo bogaadin udirayaa sheekh shariif iyo xubnaha isbahaysigiisa ee dadaalaka ugu jira sidii umada soomaaliyeed loosamatabinlahaa

Waxaana usoojeedinaya kuwa aanan fahmin shirqoolka uu cadowgu umaleeyo umada soomaaliyeed ee isku arka in ay saxsanyihiin laakiin xaqiiqadii si dadban ugu shaqaynaya cadowga umada soomaaliyeed marwalbana hadalka kadhigtey cidna lama hadlayno ilaa ciidamada itoobiya wadanka lagasaaro umada soomaliyeed badbaado ayey ubaahantahay itoobaya waxaa dan ugu jirtaa in aad heshiiska diidan si ay caalamka uga dhaadhiciso in aydaan nabad rabin ameenkedana aad Qatar kutihiin iyada oo kusii xalaalaysanaysa laynta iyo baabi inta shacabka soo maaliyeed iyo in ay dhaqaale kuhesho

waxaan ladagaalamayaa argagaxiso sidoo kale eliteriya iyana waxa ay danaynaysaa in soomaaliya xaaladeeda aysan soo afjarmin ilaa inta ay itoobiya colaad kala dhaxayso

Marka fursadan nabdeed ee hada beesha caalamku wado waa fursad qaali ah oo mudan in laga faaiidaysto sida uu sheikh shariif sheegayna itoobiya oo kaliya maahan cadwga umada soomaaliyeed ladagaalamaya qadiyadaa in lafahmaa waa muhiim

Wuxuu mudnaa sheekhu in lagu garab istaagu oo loogu duceeyohowsha dhibka badan eeku gudajiro laakiin mamudnayn in laga abaaldhaco oo caay iyo afxumo loogu badalo dadkana laga dhaadhiciyo in uu qiyaano wado qolooyinka arintaa faafinaya waxaan usoo jeedinayaa in ay shesha aflagaadada kadaayaan oo ilaah kabaqaan umada soomaaliyeed ee dhibaataysana ay xurmeeyaan oo hadala niyad jabka ay faafinayaan kadaayaan

alaa mahaleh

ismail said osman
ismaaciil_saki2002@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS