Ma haboon tahay in xiligaan
Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya
labo garab uu kala noqdo?Qore:
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@gmail.com
Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ee
lagu soo dhisay magaalo madaxda dalka
Eritareeya ee Casmara ayaa moodaa inuu
sii kala fogaanaayo kadib markii khilaaf
xoogan soo kala dhaxgalay madaxda sare
ururka iyo xubno tiro yar oo ka tirsan
Isbahaysiga.
Khilaafkaas oo noqday mid soo shaac baxa
kadib markii ay ku qanci waayeen
shaqsiyaad ka tirsan isla Isbaheysigaas,
kuwaas oo ka biyo diiday qaabka ay
labada Gudoomiye ee Isbaheysiga Dib u
xoreynta Soomaaliya ula hadlayaan beesha
caalamka iyo wadahadaladii Nairobi ee u
dhaxeeyay Isbaheysiga iyo United
Nation-ka, iyagoo ku eedeyey inay
heshiis hoose la soo galeen beesha
caalamka isla markaana ayna rabin inay
shaaciyaan, waa sida ay hadalka u
dhigeen.
Labada gudoomiye iyo wafdigii la aaday
Nairobi ayaa ku qanacsan in laga qayb
galo shirka Jabuuti lagana wadahadlo
sidii ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya
looga saari lahaa, iyagoo ka duulaya
qodabo ku xusan axdiga ururka oo qeexaya
in loo mari karo qaab kasta sidii dalka
Soomaaliya looga xoreyn lahaa Ethopia
iyo kuwa ay ku adeegato.
Dadka Soomaaliyeed ee taageera
mabaadiidka gobanimo doonka ayaa ka
muujiyey walaac hadalada ay ka maqleen
qaar ka tirsan ururka oo si cad u
sheegay inaysan u hogaansamaynin
mowqifka ay qaateen madaxda ururka iyo
inta badan xubnaha labada gole ee ururka
ee hada ku sugan dalka Jabuuti.
Hadaba waxaan qoraal ku eegayaa maxaa la
isku haystaa kadib markii aan labada
dhinac dad ka mid ah kala hadlay arimaha
lagu jahwareeriyey shacabka Soomaaliyeed
ee ay walaacana ka keeneen inta badan.
Labada Gudoomiye iyo xubnaha inta
badan oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa
aaminsan inay sax tahay in lagala
wadahadlo beesha caalamka in Ethopia
ciidamadeeda dalka Soomaaliya laga saaro
kadibna ciidamo ka socda beesha caalamka
oo United Nation-ka maamusha lageeyo
Soomaaliya oo dhan, kadibna ummadda
Soomaaliyeed wadahadal ku dhamaysato
arimaheeda faragalin shisheeye la’aan,
si ay u dhistaan dowlad sax ah oo
shacabka kalsooni ka haysata.
Masiirka ummadda Soomaaliyeedna aysan ka
ogalanaynin in cidi u yeeriso sidaas
darteedna Jabuuti ka dhigan doonaan
xaruun cusub.
Waxaana iyana Casmara ku sugan koox lagu
qiyaasay ilaa 14 qof oo ka tirsan
isbaheysiga laakinse ka soo horjeestey
shirka ka socda Jabuuti iyo aragtida ay
qaateen labada gudoomiye iyo inta badan
xubnaha Isbaheysiga.
Hadaa eegto xubnahaan ayaa dhaxdooda
isku aragti wada aheyn dadka
Soomaaliyeedna waa ay wada yaqaanin
taariikhdooda laakinse waxay ka midaysan
yihiin in la khilaafo shirka ka socda
Jabuuti, dadka Soomaaliyeedna loo aqriyo
waxaan jirin oo ay ka mid tahay.
· Labada Shariif waxay soo galeen
heshiis qarsoodi ah.· lacag dhan 7milyan
ayay soo qaateen si ay ururka u kala
jabiyaan.· khiyaano qaran ayay galeen oo
axdiga ayay ka talaabsadee,.· TFG-da
ayay ku biirayaan.
· Musfin ayay kula kulmayaan Sanca iwm
ah.
Balse xaqiiqda aanu hayno way ka duwan
tahay taas iyo waxay aqrinayaan tusaale
ahaan waxay si toos ah uga war qaatan
ama ku shaqeeyaan talada sirdoonka
dowlada Eriteriya iyo awaamiirta ay soo
farto, qaar ka mid ah rag ku jira
Isbaheysiga iyagoo jooga dalka dibadiisa
ayaaa waxaa la soo hadley wasiir ka
tirsan dalkaas oo la yiraahdo Abdow,
kadibna ticketyo u soo direy kana
dhaadhiciyey inay Casmara yimaadan si
looga taqaluuso madaxda Isbaheysiga Dib
u Xoreynta Soomaaliya ee diiday inay ku
shaqeeyaan ama fuliyaan danaha
dowladooda ee ku aadan Soomaaliya.
Hadaa dib u eegto kuli mid mid waxaa ku
soo baxaya inaysan isku aragti wada
ahaan Karin, waayo qaar waxay aaminsan
yihiin in dalka Soomaaliya lagu xukumo
diinta Islaamka laakinse cida wax
xukumaysana ay iyaga ahaadaan shaqsiyan,
wax wadahadalna aan lala galin beesha
caalamka dagaalkana uu iska socdo ilaa
uu Washington ka gaarayo.
Waxaa kale oo jira kuwa aaminsan
dantooda gaarka ah loona yaqaan Qado ku
nool hadba meshii ay ka heli karaan
xogaa lacag ah ama darajo isla markiiba
iska xaadariya, waxayna si toos ah mar
kasta ula shaqaystaan shisheeyaha mana
kala jecla Ethopian, Eritarean ama
Kenyan waana la wada yaqaan.
Eritarea iyo diidmada shirka Jabuuti.
Waxay ka leedahay arimaha Soomaaliya
dano iyada u gaar ah, madaama Ethopia
dagaal kala dhaxeeyo ayey rabtaa in
dagaalka ka socda gudaha Soomaaliya inuu
sii socdo madaama culayska ciidamada
Ethopia looga hayo Soomaaliya aysan u
suurtagaleynin inay Ethopia dagaal ku
soo qaado Eritareeya.
Sababtaas ayay uga soo horjeeda in lala
hadlo beesha caalamka lagana hadlo in
Ethopia ciidamadeeda dalka Soomaaliya
laga saaro,iyadoo ka duulaysa
rabitaankeeda ayay kala qaybin ku
biloowday Isbaheysigii lagu soo dhisay
dalkeeda taas oo ay ku kaliftey inay
dowlada walaalaha aynu nahay ee Jabuuti
inay dhul ka qabsato ama soo dhoobto
xadka labada dal ciidamo si ay culeys
ugu saarto dowlada Jabuuti in wadankeeda
shir lagu qabanin.
Waxaa yaab ah hadii kuwa Xamar ama
Baydhabo jooga lagu yaqaan inay
dabadhilif u yihiin Ethopia oo lagu
caayo, hadii Isbaheysiga uu isna uu
dabadhilif ay ku adeegtaan noqdo oo ay
saas yeelaan labada Gudoomiye maxay
dadka Soomaaliyeed qadiyadoodii
noqoneysaa madaama loo shaqaynaayo dalal
dano naga wada leh oo aan danteena u soo
jeedin?
Shacabka Soomaaliyeed waa inay gartaan
waxa la isku hayo oo runta ah hadii ay
ahaan laheyd arimaha Soomaaliya iyo
arimaha Isbaheysiga dib u xoreynta
Soomaaliya.
Qoraalkeygiina waxaan ku soo
gunaanadayaa way haboon tahay in la kala
baxo oo loona kala baxo mabaadiida runta
ah waayo dad aaminsan qabiil,dan
shaqsiyaaseed, u adeegid shisheeye iyo
kuwo wadaniyad aaminsan rabana in uu u
madax banaanaado dalkiisa, diintiisa iyo
dadkiisa ma wada socon karaan.
Waana muhiim in si run ah, runta la
iskugu sheego qolo walbana ay la aragti
ahaato, kuwa la fikirka ah waayo Ethopia
oo wadanka qabsatey dadkoo dhan uguma
wada soo horjeedaan ee waxaa jira dad
badan oo ugu jira siyaabo kala duwan,
tusaale kuwa ayaa ka xanaaqsan xilal ay
soo waayeen, qaar baa aaminsan
isbaaradii reerkooda oo la qaadey, qaar
baa aaminsan gaaladaan la dirireynaa
aduunkana dhana waan xoreynaynaa, marka
qoomaamkaas oo dhan hal markab ma wada
qaadi karo waana muhiim la kala baxo
intii isku dan ahna is wada raacdo inta
lagu jiro halganka, si shacabka ugu kala
cadaato meesha ay taageeri lahaayeen
waayo Isbaheysiga magaca u wato iyo
dadka kuwada jira waxaa ku wareeray
dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ee u
oomaan nabad iyo nolol.
Waxaana guulaysan doono kuwa aaminsan
Wadaniyad ku dheehan Soomaalinimo, hadii
Ethopia naga baxdo waa guul kadibna aan
meel uga soo wada horjeesano kuwa
qabiilka caabuda iyo u shaqaynta
shiisheeyaha ha ahaadeen wadaad ku
sheega iyo calooshiis u shaqaystayaasha.
Waxaa fiican inaa misaantan dibna u
eegtaan taariikhda dadka is haya kadibna
ku qanacdaa waxaa la isku hayo iyo cida
saxda ah,waxaan la yabaa Sheikh Sharif
ayaa wax khiyaamaya halka Xuseen
Caydiidna wadani Soomaaliyeed yahay oo
Ethopia iyo TFG-da ka soo horjeeda,
waxaa iyana taas ka sii yaab badan halka
Jeneraal Yusuf Indhocade Janannimada ku
qaatey iyo cida siisay.
Waxaan u hambalyeynayaa dowlada Jabuuti
oo qaadatey mowqif wanaagsan soona
dhawaysay dadka Soomaalinamada dhabta ka
tahay ee diiday inay u noqdaan camiilo
ama kuwa ay ku shaqeystaan Ethopia iyo
Eritareeya.
Qore: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@gmail.com