SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Dagaalladii Sokeeye ee Dalka iyo Siyaasadda Cakiran ee Soomaaliya.

Dunida ayaa inteeda badani waxay soo martay waxa loo yaqaan (Civil War ) ama dagaal sokeeye kasoo ay dad fara badani ku la'deen ,Waddamo fara badan oo dunida ka mid ah oo qaarkood maanta ay yihiin kuwa ugu horeeya dunida dhinacyada horumarka iyo wax soo saarka ,dadyowgaasi qaarkood waxay ahaayeen kuwa kala dhaqan ,Af, iyo diinba kala duwan ,xaaladaha Waddamadooduna ay ahayd mid aad u adag oo Dabeecadu iyo Xillayadu ay mar waliba marka kale ay ka adag tahay nolosha bani'aadanka ama qabow ama kulayl ha ahaato dadku waxay ku heshiiyeen inay Waddamadooda Nabadeeyaan kuna heshiiyaan.

Waddamada dunida ugu waaweyn ayaa waxay soo mareen Dagaal Sokeeye hase ahaatee uusan ahayn sida kan ka jira Soomaaliya ,Maraykanka ayaa wuxuu ka bilowday dagaalkii Sokeeye 1861kii wuxuuna dhammaaday 1865kii fahamka dadka ayaa wuxuu ahaa mid ka yimi inuu socdo muddo gaaban ,sidoo kale Midowgii Sovieti ama Dhulka loo yaqaan Rushka ayaa sidoo kale waxaa ka jiray Dagaal Sokeeye oo aad loo hoobtay 1920kii ilaa iyo 1963 oo qaarkood Gobolo ka mid ahaa ay kala burbureen ilaa iyo haddana uu qaar ka socdo ,hase ahaatee uusan ahayn kan ka jira Afrika meelo ka mid ah ama Soomaaliya oo aad u Xun.

Su'aasha lays weydiinayo ayaa waxay tahay maxaa wacay ee uu u dhammaan la'yahay Dagaalka Sokeeye ee ka socda Dalka Soomaaliya ?Su'aashani jawaabteedu way sahlan tahay Shacabka Soomaaliyeed waa dad isku Diin,isku Af,isku Dhaqan ah Gumeystayaasha ree Galbeedkuna waxay doonayaan inay Soomaalida ay kala qaybiyaan kuna beertaan Dhulalkooda si loo waayo Shacab ku Duuban oo hal mowqif ah leh ,dadaalka ay ka sameeyeen ayaad waxaad aragtaa Shir waliba oo ay Soomaali isugu timaado waxaa ka jira khilaaf ay abuurayaan Dad u adeegaya Gumeystayaasha reer Galbeedka iyo Itoobiya.

Beesha Caalamku Siyaasadda Cakiran ee Dalka Soomaaliya maxay ka qabatay? waxba kama aysan qaban haddii ay doonayso inay wax ka qabato marka hore Dalka ayey ka saari lahaayeen Gumeystaha Xoogga ku haysta ,kaddibna Ummadda Soomaaliyeed iyagaa aayahooda ka tashan lahaa , Shacabka Soomaaliyeed lagama weynin Kaadir aqoon leh Diin iyo Cilmi wax ku Xukuma, laakiin Itoobiya ayaa hor boodaysa Madaxda Sare ee Dalka oo dana gaar ahi ka wadata Geeska Afrika kaddib markii ay weysay Dekeda Wayn ee Asmara

Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka Soomaaliya aragtidiisa ku wajahan Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Dalka Soomaaliya ayaa waxay tahay mid ay ku saxsan yihiin in Ciidamada Shisheeye gebi ahaanba laga saaro Dalka Soomaaliya ,si deg deg ah loo Dhiso Dhallanyaro Soomaaliyeed oo ay dhab ka tahay Dhisidda Dowlad loo dhan yahay oo Dalka nabadii iyo kala dambeyntii ku soo Celisa ,kuwaas oo laga soo xulayo dhammaan Gobolada uu ka kooban yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo gaaro maslaxad caam ah oo wanaagsan.

Haddaba , Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka maxaa la gudboon? runtii talladan iyo tuxaan bixintani waa mid dhab ah Dib u Heshiisiin haddii ay jirto waa inay isku mowqif ka yihiin
1.Qodobada iyo Ajandayaasha laga hadlayo inay marka hore intaysan shirka aadin ay gacanta ku haystaan Mowqifkooduna uu u dhan yahay.
2. in Ergada Shirka uga qaybgalaysaa ay yihiin Dad ay ku kalsoon yihiin Aqoon iyo Diinba.
3. in Ergadoodu aysan ka hadllin haddii ay Saxaafadahu warasi ka la yeeshaan arimaha Shirka looga hadlayo iyo Mowqifkooduba.
4. inaysan u gudbin arimaha Isbahaysiga qof kale oo Ehel u ah ama ay saaxiib wadaagaan.
5. inay isku kalsoonaadaan hal mabda'na ay kawada qaataan Shir walba oo ay la galayaan Dowladda ama Dunida Caalmka Hay'adaha ka socda .
6. Mar waliba inay dib u eegaan Maslaxadda Guud ee Shacabka Soomaaliyeed ee ay kalsoonida ka haystaan noqdaana kuwa kaga horeeya Dhinaca ka soo horjeeda.
7. waa inay ergooyin u dirsadaan Waddamada ay Soomaaliya Xiriirka leeyihiin si ay u tusaan Xaqiiqada dhabta ah ee Dalka ka jirta.
8. inay Magacaabaan Guddi kormeer iyo Baaris oo Dabagal ku sameeya Tallaabooyinka laga doonayo Mustaqbalka inay Isbahaysgu qabtaan , si ay u noqadaan kuwa meel mara.
9. Waa inuu jiraa Ixtiraam ka dhaxeeya Dhammaan Guddiga Sare ee Isbahaysiga .
10. Waa inaysan Diidin wixii Xaqiiqada u dhow ee Heshiis ah si loo soo Afjaro Dagaalkaa Daba dheeraaday ee ay Shacabku ku Hoobteen iyo Gumeystaha Dalka Xoogga ku haysta.

Haddaba, DFKMG ahi maxaa dan u ah? Dowladdu runtii Xilligeedii waxay ku dhammaysatay inay Xasuuq,barakicin,Qax u geysato Dad maati ah oo aan waxba galabsan Waddankiina ku Dhex haysato Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay u adeegsanayso inay Dhib u geystaan Maatidaa ku dhex nool ,Waxaase dan u ah inay ku bedesho Wanaag iyo Cafis isla markaana ay si deg deg ah uga saarto Ciidamada Itoobiya Dalka oo dhan kuna baaqdo nabad Waarta oo Dalka oo dhammi u baahda ,si ay ugu faa'idaysato Mustaqbalka iyo Doorashooyinka dambe

Gabagabadii iyo Maqaalkani Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay nabad sidii loo gaari lahaana way adag tahay inta ay Dalka ku sugan yihiin Ciidamo Sheeye oo weli ah kuwii ay Soomaali weligayd la Colaysanayd ,haddaba waa in la helaa Maslaxad Caam ah oo ay Shacabku ku helaan kalsooni ay Dhulkooda Hooyo ugu soo noqdaan ,maadaama ay u kala carareen dhammaan dunida daafaheeda,rajadu ma foga haddii ay si dhab ahi u heshiiyaan Madaxda Isbahaysiga Dib u Xoraynta Dalka iyo Madaxda DFKMG ah .


Eng.Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 30, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.