SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Sade Sh Xasan Sh Adan “Waxey Noqotay Dowladdii Mid lagu hungoobay,

Sawirada Halkan ka daawo.....

Halkii laga filayay Inay soo celiso Qaranimadii Ummadda Soomaaliyeed, ayay dalkii waxey u soo horseeday Gumaysi cusub, taas oo dhaxalsiiyay Ummadii Soomaaliyeed Gumaad, Bur bur, barkac iyo sicir barar aan soo marin taariikhda Ummadda Soomaaliyeed”

Golaha Dhaqanka Beelaha Sade oo Cambareeyay falkii ay ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda KMG ah ku galeen Guriga Madxaweynihii hore ee Dr. C/qaasim.

Kulan baalaran oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid waxgaradka, culumaa’udiinka, siyaasiyiinta iyo dhalinyarada Beelaha Sade, waxaana Kulankaas ay ujeedadiisu ahayd sidii loo samayn Gole Cusub oo ay ku midaysan yihiin Beelaha Sade.

Kulankaas ayaa waxaa lagu casuumay waxgaradka Beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed, iyadoo halkaasi lagu magacaabay Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Sade oo loo doortay inuu noqdo Sheekh Xasan Sheekh Aadan Cabdule, iyadoo xubnaha Gulaha dhexe ay yihiin 33-Xubnood, iyadoo gudiga Fulinta golahaan uu ka kooban yahay 11-xubnood, wuxuuna golahaan leeyahay Dastuur lagu hogaaminaayo golahaasi.

Gudoomiyaha Golaha Beelaha Sade ayaa sheegay inuu si aad ah uga xun yahay in maamulka Puntlanad uu dad Soomaaliyeed u gacan geliyo Dowladda Itoobiya, wuxuuna carabka ku adkeeyay in golahooda ay si buuxda ay arrintaasi uga soo horjeedaan ayna cambaareynayaan.

Sidoo Golahaasi wuxuu si buuxda u cambaareeyay Falkii ay ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda KMG ah ku galeen Guriga Madxaweynihii hore ee Dr. C/qaasim Salaad Xasan, waxeyna sheegeen inuu falkaasi ahaa mid xadgudub ah.

“Waxey Noqotay Dowladdii Mid lagu hungoobay, halkii laga filayay Inay soo celiso Qaranimadii Ummadda Soomaaliyeed, ayay dalkii waxey u soo horseeday Gumaysi cusub, taas oo dhaxalsiiyay Ummadii Soomaaliyeed Gumaad, Bur bur, barkac iyo sicir barar aan soo marin taariikhda Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Gudoomiyaha Beelaha Sade Sheekh Xasan Sheekh Aadan Cabdule, oo sheegay in dhibaatooyinka Ummadda Soomaaliyeed ay hurinaayaan faragelinta Shisheeye oo Maraykanka iyo Itoobiyaanku kow ka yihiin.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Dhaqanka Beelaha Sade Sheekh Xasan Sheekh Aadan Cabdule, waxa uu ugu baaqay Ummadda Soomaaliyeed In ay Alle u Towbad keenaan, isna cafiyaan, islamarkaana ay u hogaansamaan waxa uu alle farayo oo ah in lagu dhaqmo shareecadda Islaamka.


Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS