SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


  • Waraaqo lagu daadiyay Magaalada Baydhabo oo walaac ka muujiyeen Dadka Baydhabo
  • Qaraxyo ka dhacay Degmada Nageyle (Kililka 5aad)
  • Siminaar kafurmay magaalda marka oo soo qaban qaabisay WHO

Waraaqo lagu daadiyay Magaalada Baydhabo oo walaac ka muujiyeen Dadka Baydhabo

Wararka naga soo gaaray Baydhabo waxay sheegayaan in magaaladaas lagu daadiyay warqado shacabka looga digayo inaysan u dhawaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda.

Waraaqahaan waxaa kaloo ku qornaa inaan waxba laga iibin Karin ciidamada Itoobiya iyo waxa ay ugu yeereen dabadhilifka u adeega, waxaana warqadahaas ku saxiixnaa Jabhad la magacbaxday Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed oo maalmahaan ka mid noqotay jabhadaha kusoo biiray kooxaha dagaalama Somalia.

Warqadahan ayaa waxaa ku sawirnaa bambo iyo bastoolado; waxaana walaac ka muujiyay shacabka ku nool Magaalada Baydhabo oo waayadaan la daalaadhacayay dagaallo iyo qaraxyo, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan.

Daadista warqadahaan ayaa waxay kusoo beegantay xilli maantoo kale ciidamada Itoobiya ay dhaansadaan biyaha, waxaana xirma waddooyinka, socodka gaadiidka iyo goobaha ganacsiga.

Xilli taasi ay jirto ayaa hadana, kooxaha ka horjeeda Dowladda federaalka waxay gacanta ku hayaan 5-degmo oo ka tirsan Gobolka Bay, waxaana haatan dowladda federaalka gacanta ugu jira magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah Baarlamaanka.

Sidoo kale, waxaa iyadana xirmay isku socodka gaadiidka ee Baydhabo iyo Muqdisho, waxaana walaac ka muujiyay xubnaha baarlamanaka oo Dowladda Nuur Cadde ku eedeeyay inaysan waxba ka qaban nabadgalayada waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo mararka qaarkood ay dhacaan in xubnaha baarlamaanka iyo xukuumaddaba marka ay tagayaan Baydhabo ay ku gaaraan gaadiidka cirka.

Qaraxyo ka dhacay Degmada Nageyle (Kililka 5aad)

Sadex qarax oo waaweyn ayaa ka dhacay degmada Nagayle ee Ismaamulka Somalida (ee loo yaqaan kililka 5aad), waxaana qaraxyadaas lala beegsaday dhowr goobood oo ay ka socotay xaflad sannadkiiba mar la qabto taasoo ay kasoo qaybgalaan xubno ka socda Dowladda Itoobiya iyo maamulka Killilka shanaad.

Qaraxyada ayaa waxaa durbadiiba sheegtay Jabhadda Islaamiga, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay inay qaraxyadaas yihiin kuwo looga aargudanayo Dowladda Itoobiya oo uu sheegay inay xasuuq ka waddo Somalia.

Afhayeenku, wuxuu sheegay inay dhowr ruux halkaas ku dhinteen, waana markii ugu horreysay oo qarax noocaan oo kale ah uu ka dhaco degmada Nagayle, waxaana walaac ka muujiyay bulshada degmadaas oo aan u baran qaraxyada noocaas oo kale ah.

Dalka Itoobiya waxaa maalmahaan kusoo kordhaya qaraxyada iyadoo toddobaadkii hore ay magaalada Addis Ababa uu ka dhacay qarax weyn, kaasoo ku dhawaa wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya waxaana ku dhintay saddex ruux, iyadoo dadka u kuurgala siyaasadda Itoobiya ay sheegeen in gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Somalia ay saaameyn ku yeelatay gudaha dalka Itoobiya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Koonfur Afrika: Dadka shisheeyaha ah oo noloshoodu halis ku jirto...

Soomaali ku tukanaya meel kaam Qaxooti Talaada May 27, 2008 oo Pretoria kaddib markii ay ka soo carareen meelihii ay deganaayeen ee magaalooyinka Koonfur Afrika oo lagu laynayo dadka aan Koonfur Afrika u dhalan.

Soomaali ka so cararay guryihii ay deganaayeen oo meel kaam ah isugu yimid, Pretoria May 27, 2008. Sawirada: AP

Dad ka kooban Soomaali iyo qaxooti kale oo saf ugu jira cunto meel xero qaxooti oo ay kaga gabanayaan halista kaga timid reer K/Afrika oo lagu laynayo shisheeyaha. Magaaladu waa Scarborough, May 27, 2008. Sawirka: AP

Carruur Soomaaliyeed oo fadhiya kaam ama xero gabaad qaxooti ee K/Afrika, May 27, 2008. Sawirka: AP


Siminaar kafurmay magaalda marka oo soo qaban qaabisay WHO

siminaar socon doona muda afar maal mood ah ayaa kafurmay howlka tabarada ee marxuum /ISTARLIIN CABDI CARUUSH /oo ku yaala gudaha isbitaalka guud ee magaalda marko xarunta gobolka shabeelaha hoose

siminaarkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay laanta caafimaadka u qaabilsan Q ,midoobay narka lasoo gaabiyo loo yaqaan W H O waxaan gacan kageystay hayada cosv oo gacanta ku haysa isbitaalka dagmada marko iyo wasarad caafimaadka DF Somalia

siminaarkaan ayaa waxaa ka qeybgalay 47ruux oo ah kalkaaliyaal caafimaad oo ayaga ka kalyimid xarumaha caafimaadka sida MCHyada xarumaha caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahy iyo waliba isbitaalda gobolka oo dhan

siminaarkaan ayaa waxaa lagu baranaayaa hore u ogaanshaha iyo kajawaabida cudurada guud /early warning and response system/ waxaan muuqatay iney daruusta bixinaayeen qabiiro caafimaad oo udhashay dalalka masar siirilanka iyo soomaalia

munaasabad furitaan ah ooloo sameeyay siminaarkaas ayaa waxaa ka hadlay mas uu liyiin kasocota hayada WHO iyo waliba maamulka gobolka ugu horeyntii waxaa halakaa kahadlay DR maxamed cali fuje iyo DR shiikh xasan maxamud oo ah wakiilkaWHO g/shabeelaha hoose oo sheegay in loobahan yahay inlahormariyo aqoonta tayada caafimaad ee kalkaaliyaasha kahowgala xarumaha caafimaad maadaama buuyiri in eey gobolda dalka eysanna kajirin kuliyad caafimaad marka laga rrebo caasimada soomaalia ee muqdisha ayagoo kula dardaar may kaqeybgalayaasha aqoonta ay kakororsadeen ayakula tacaalaan bulshad soomaliyeed oo ey musiibado haleeshay

munaasabadaas furitaanka gabagabsii waxaa kahadlay gudomiya Gobolkashbelha hoose DR cabduqaadir sh, maxamed nuur oo sheegay in dhaqaatiirta iyo kalkaali yaha caafimaad eey utafaxeytaan hormarinka caafimaadka oo ey bulshado baahi weyn uqabaan asagoo sheegay inuu rabi ka abaalmarin doono maalinta xisaabta asgoo carabka ku dhuftay in dhinaca nabad galyada ay kaqeyba khaadan doonaan siloo fuliyo adeegyada bulshada ubaahan yihiin asagoo mahad gaar ah ujeediyay qabiirada daruusta baxinaa iyo hayada WHO isla markaan sheegay inuu siminaarka furan yahay

W/D Cismaan Axmed Salaad ( Cismaan Ameerika )
Degmada Marka

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS