SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
27 May 2008.


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Isbahaysiga Xoreynta Soomaaliya oo kala jabay

Iskuduwaha guud ee jaaliyadaha Ogadenya oo booqasho shaqo ku tagay Maraykanka.

Waraysigii Rayaale Xaamud Q2aad (Qolyaha weli gumaysiga wax ka sugaya waxaan leeyahay!)…….

======================


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Dhawrkii toddobaad ee u denbeeyay dagaallo badan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 74 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 60 askari, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

24/05/08 dagaal ka dhacay Xalaal-goo, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

23/05/08 magaalada Baabili dhexdeeda fal laga fuliyay waxaa lagu dilay sargaal Tigree ah oo ka tirsan ciidammada gumaysiga ee halkaas ku sugan.

22/05/08 dagaal qallafsan oo ka dhacay Far-madow, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 19 askari, 22 kalana waa lagaga dhaawacay inta la ogyahay.

Sidoo kale 22/05/08 Har-galool, oo Fiiq ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 5 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

19/05/08 Aw-roble, oo Fiiq ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 2 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

18/05/08 dagaal ka dhacay Gal-nuujis, oo ka tirsan degmada Garbo, waxaa ciidammada gumatyisga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 18/05/08 dagaal isaguna ka dhacay Huuraale, oo degmada Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 3 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale 18/05/08 dagaa ka dhacay Aloosane, oo Fiiq ka tirsan, waxaa gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/05/08 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray Maygaaga, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 20 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/05/08 weerar mir ah ayaa lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Awaare, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

12/05/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Dhagaxmadow, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la helin.

09/05/08 ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Gunagado waxaa lagu qaaday weerar mir ah, waxaana laga dilay dilay 3 askari, 3 kalana waa laga dhaawacay.

Isla 09/05/08 dagaal ka dhacay Ceel-dhiig, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 2 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

08/05/08 waxaa sidoo kale weerar mir ah lagu qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugan magaalada Xamaro, waxaana laga dilay 2 askari, 1 kalana waa laga dhaawacay.

07/05/08 meesha lagu magacaabo Garawo, oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur, waxaa weerar mir ah loogu gaystay ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal u tegay, waxaana laga dilay 2 askari, 2 kalana waa laga dhaawacay.

Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan oo dil iyo xidhay isugu jira u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Dhibaatooyinkani waxay u dheceen sidatan;

Dilal

21/05/08 Jeexdin waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin dhalinyaro ah oo Ina Maxamuud Gadaan naloogu sheegay, balse aanaan magaciisa helin.

11/05/08 waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysigu ku dileen meesha lagu magacaabo Mula, oo ka tirsan degmada Qabribayax, dadka kala ah;
1- Axmed Aw Muxumed
2- Ibraahim oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
3- Axmed Nuur
4- Faarax Bile
5- Aw Cumar Cismaan
6- Sh Mubaarak
7- Aamina Maxamed iyo
8- Sh Carte

09/05/08 waxay ciidammada gumaysigu dhaawac ugu gaysteen magaalada Dhagaxbuur dhexdeeda ninka lagu magacaabo Axmed Sahal.

03/05/08 magaalada Dhagaxbuur waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu dhaawac ugu gaysteen nin lagu magacaabo C/fataax oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin.

Xidhay

19/05/08 waxau ciidammada gumaysigu Galaalshe ku xidhxidheen 11 qof oo shacab ah, waxaana ka mid ah;
1- Maxamuud Cali Ibraahim
2- Haajir Xuseen Yuusuf
3- Cumar Axmed Taajir

18/05/08 magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad badan oo ka mid yihiin;
1- Ardo Cali Maxamuud
2- Xubi Ibraahim Tawal iyo
3- Khadar Cabdi Guud-cade

16/05/08 meesha lagu magacaabo Darroor waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen nin lagu magacaabo Cabdi Maxamed Gurxan.

15/05/08 magaalada Dhuxun waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen Nuur Cabdi-Dhaysi.

03/05/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Shaafi Cabdi-Madaxey
2- Axmed Sahal Nuur Cali iyo
3- Rabiic oo magaciisa oo buuxa aanaan haynin
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu isla xilligan magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen 6 Darawal oo aan magacyadooda ka hayno Xasan Faalug iyo Aayad Axmed Yaasiin.

28/04/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Khadra Mawliid
2- Maxamed C/llaahi
3- Sawda Ibraahim iyo
4- Nuuriye Khadar

Dhac

20/05/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu 6 qof oo kala duwan kaga boobeen hanti gaadhaysa 6000 oo Bir.

Isbahaysiga Xoreynta Soomaaliya oo kala jabay

Isbahaysiga Dib U-xoreynta Soomaaliya ayaa u muuqda inuu kala jabay qiyaastii sannad ka dib markii lagu asaasay magaalada Casmara ee dalka Eritereya.

Isbahaysiga Dib U-xoreynta Soomaaliya ayaa hadda ku jira qabanqaabada shir ay isugu yimaadaan masuuliyiinta Isbahaysigu oo maalmaha soo socda lagu qabto magaalasa Casmar. Isbahaysigu wuxuu qabanqaabada shirkan billaabay, ka dib markii khilaaf lixaad leh uu soo kala dhex galay madaxdiisa, oo qaar ka mid ah lagu eedeeyay inay ka baxeen siyaasadii Isbahaysiga u taallay ee ku aaddanayd dagaalka dib u-xoreynta iyo wadahadallada la xidhiidha dib u-heshiisiinta.

Maalintii axadda ahayd waxaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti shir jaraa’id ku qabtay guddoomiyaha guddiga fulinta ee Isbahaysiga Dib U-xoreynta Sh Shariif Sh Axmed, kaasoo si wayn u canbaareeyay dwolada Eritereya oo uu ku eedeeyay inay kala qaybinayso madaxda isbahaysiga, wuxuuna ugu baaqay inay arrintaas ka waantowdo.

Sh Shariif ayaa lagu eedeeyay inuu ka talabaxay siyaasadii Isbahaysiga, isla markaana uu dowlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya la billaabay wadahadallo aanay madaxda Isbahaysigu ka wada-tashanin.

Dowlada Eritereya ayaa aad ugu dadaashay sidii uu Isbahaysiga Dib U-xoreynta Soomaaliya taabba-gal u noqon lahaa, isla markaana u buuxin lahaa kaalinta laga sugayo eek u aaddana xoreynta dalka Soomaaliya, wuxuuna madaxwaynaha Eritereya Issiasi Afwerki hadda ka hor dhalliilay siyaasada Qaramada Midoobay eek u saabsan wadahadallada iyo doorka Isbahaysiga, isagoo tilmaamay in Qaramada Midoobay ay kala qaybinayso Isbahaysiga.

Iskuduwaha guud ee jaaliyadaha Ogadenya oo booqasho shaqo ku tagay Maraykanka.


Isku duwaha Jaaliyada Ogadenya Mudane Mohamed Macalim ayaa maalintii Jimcaha ahayd bishan May 23, 2008 ka soo dagay gagida diyaarada ee Gobolkan Minnesota (MPLS & St. Paul International Airport) mudanaha ayaa qorshaha socdaalkiisu ahaa socdaal shaqo, isaga oo kormeer kumarayay jaaliyada Ogadenya ee ka dhisan Wadankan Maraykanka qaar kamid ah, Minnesotana waxay kamid noqotay Jaaliyadii nasiibka u yeelatay inay la kulmaan Masuulkan sare ee katirsan masuuliyiinta howlwadeenada JWXO.

Mudane Mohamed Macalim oo ay jaaliyada Minnesota si wayn u sugaysay aadna looga dareemayay imaatinka massulkan sare ee JWXO goobaha ay isugu yimaadaan jaaliyada Ogadenya ee Minnesota ayaa isla maalintii Sabtida ahaydba bishan May 24, 2008, kulamo heersare ah la qaatay howlwadeenada Jaaliyada Ogadenya ee ka howlgala gobolkan Minnoesota oo isugu Jiray Xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO iyo Gudiga Fulinta Unugta Minnesota, shirkan oo ahaa shir lagaga wada xaajoonayay horumarka iyo labanlaabida dadaalka halgan ee Qurbaha ka socda ee lagu taageerayo Halganka muqadaska ah ee ay JWXO iyo shacabka Ogadenya ay ugu Jiraan aya katashiga umada Ogadenya iyo masiirka siyaasadeed ee Mustaqbalka dhow iyo mustaqbalka dheer ee Ogadenya.

Masuulakan JWXO oo si qoda dheer uga hadlay howlaha halganka Ogadenya iyo marxalada uu maanta marayo aya warbixin meelabadan taabanaysa la wadaagay saaxiibadiisa halganka ee gobolkan Minnesota ka wada halganka, Khudnbadan oo kicisay shucurtii howl wadeenadii Jaaliyada Ogadenya ee Minnesota ayaa aad ugu Qancay warbixinta waafiga ah ee uu Isku duwaha Jaaliyada Ogadenya siiyay xubnaha.

Dhinaca kale, wuxuu Mudane Maxamed Macalim soo Hordhigay howlwadeenada Jaaliyada Ogadenya ee Gobolkan Minnesota ka howlgala, qorshe shaqo oo rasmi ah, qorshahan oo markii uu mudanuhu sharaxay muhimada uu u leeyahay halaganka ay dhamaan howlwadeenadu ku qanceen una arkeen inuu yahay qorshe si cilmiyayasan loo soo diyaariyay oo lajaanqaadi kara geedi socodka Halganka hubaysan ee kasocda gudaha Ogadenya ee ay hormuudka u tahay JWXO oo kaashanaysa Rabi subxaanahuu watacaalaa iyo shacabka Ogadenya ee geesiyiinta ah oo si midaysan uga gilgishay falalaka guracan ee Gumaysiga Madow ee Abaasiiniya ku hayaan shacabka sharafta leh ee Ogadenya.

Waxaa kaloo shikan ka soo jeediyay khudbado dhaxal gal ah, Hogaanka Qorshaynta & Cilmi baadhista ee JWXO, mudame Moxamuud Nuur oo si aad ah ugu nuux nuuxsaday sida loogu baahanyahay in howlihii halgan ee gurbaha ka socdaay gaar ahaan Minnesota in lasii laban laabo maadaama uu halganku maalinba maalinta ka danbaysa sii balaadhanayo, haday noqoto dhinac ciidan amaba dhinaca siyaasada Ururka ee dibada, guuluhuna ay yihiin kuwo isdaba jog ah oo Rabi ku xoojiyay Ciidankaeena Qalabka sida iyo shacabka samirka iyo adkaysiga badan ee Ogadeny, isla mar ahaan taana ay jirto hididiila fiican iyo saxansoxo Gobanimo oo algu higsan karo.

Dhamaan xubnaha Howl wadenada Jaaliyada Ogadenya ee Gobolkan Minnesota ayaa fikiro iyo tala bixin badan oo halgan kasoo jeediyay kulankan, ayada oo ay dhamaan fikirada xubnuhu isku wada dhawaayeen isuguna wada biya shubanayeen horumarka halganka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay inay dhaamaan muwaadhiniinta Ogadenya ee ku nool gobolkan Minnesota oo waayahayn danbe aad ugu middoobay taageerida, la dagaalanka daba qoodhiga uu soo dirsaday cadowga oo laga dabar jaray Gobolkan Minnesota iyo u hiilinta halganka inay talaabooyin la jaanqaadi kara halganka xowliga ku socda muujiyaan.

Goaanadii kulankan ka soo baxay oo afara badnaa ayaan waxaa laga xusi karaa godobadan soo socda:-

Hirgalinta qorshayaasha shaqo ee uu Mudanuhu soo hordhigay howlwadeenada jaaliyaga Ogadenya ee Minnesota .
Abaabulka bulshada iyo sare u qaadida wacyiga halgan ee Muwaadhiniinta u dhalatay Ogadenya ee aan fahan ku filan ka haysanin Halganka Ogadenya.
Dhexgalida iyo fahansiinta qadiyada Ogadenya haayadaha beesha caakamka ee ka howl gala gobolkan Minnesota iyo meelaha kale caalamka ka mid ah.
La socod siinta siyaasiyiinta Laga soo doorto Gobolkan Minnesota falalka guracan ay Ethiopia ka gaysanayso Ogadenya.
U abuurid saaxiibo jog tah Qadiyada Ogadenya.

Kulankan oo la filayo inay goaanada ka soo baxay ay midha dhal noqondoonaan, halganka Ogadenyana waxa badan ku soo kordhindoona ayaa jawi aad u heer sareeya ku dhamaaday, ayada oo aad arkaysay inay farxad iyo rayn rayn badani ka muuqatay wajiyada howlwadeenadii Kulankan nasiibka u yeeshay inay ka soo qayb galaan.

27 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS