SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shir Beleed ka dhacay Qardho ee Gobolka Karkaar ee Puntland

(May 27, 2008) Shirkaan oo ay iskugu yimadeen Odayaal,Culumo Awdiin, isimo, Siyaasiin ka tirsan Beesha Maheri ismaciil Jabarti ( Carab Salax) Abaarihii Sagaalkii Aroor nimo jawigana uu aha amid dagan kana dhacay Magalada Qardo ee Gobal ka Bari balse dhawaan loobaxshay Gobolka Karkaar Puntland, Sideeda Jifi ee Beesha oo aan lugu aqoon jirin in ay Sameystaan Kulumo kano kale ah walow ay jirtay Laba bil ka kor in lugu soo gaba gabeeyey Shirweene sidaan oo kale ah Caasumada Puntland ee Garawe, Shirkaan oo uu ka hadlay Siyaasi ka dirsan Beesha oo lugu magacaabo Mowlid Ali ayaa sheegay in ay hada soo dhamaatay Qilaafkii soo jiitamayey Sanadihii ugu dabeyey balse loo baahan yahay hormar iyo wada tashi wax kastana lugu saleyo midnimada Beesha iyo walaaltinimada sidoo kale waxa uu ku daray in laxaq dhooro dad ka walaalaha ay yihiin ay wada dagaan,

Farax yare oo ah Siyaasi ka yimid Dibada degaan ahaana Dagan Canada ayaa ku tilmaamay Maamulka Puntland in uu indha iska tiray Xaqa aan ku leenahnay Maamulka madaba aan dagno Maamulka Goboladiisa oo dhan waxa uu ku sheegay in Golaha Deegaanka uu yahay 66 balse aanu ku leenahnay 3 kaliya sidoo kale Golaha Wasiirada oo ah 17 Sawiir in aysan Beesha ay ku laheyn wax wasiir ah taasna uu ku tilmaamay in Labadii Maamul ee ee Puntland soo maray kii hore oo lugu udub taagay Maamulka Puntland Sanadii 1998 lugu doortay Madexweynihii ugu horeyey ee Puntland Col.Cabdullahi Yusuf, xukumadaas wax wasiiro ah aanu ka helnay majiraan tan hada dhisana waa sidaas oo kale, hadii aan nahnay Beesha Maheri ismaciil waxan had iyo jeer Dowlada lagarabtaagana Ciidan iyo Calaf balse waxan ka rabnay xaqa aan leenahnay in aan helna, siyaasigaan ayaa ku sii daray maxa sababay in beelo anaga naga yar ay helaan Wasiiro anagana aanu u heli weynay, hada waxan Fartiin u dirayna kuwa ku jira Maamulka Puntland hadii ee ku abtirsada Beesha waa in ay la xisaabtamaan Maamulka hadii kalena ay xilka iska qaadaan intaa kadib waxaa ka hadlo kale Dr. Cabdiraxmaan Maxamud Awcise ahna Agaasima Guud ee Caafimadka Gobolada Bari oo sheegay in Maamulku hada uu galayo Doorasho loona Baahan yahay in Beesha ay iska soo sharaxaan ciddi u Gali laheyd Doorashada Madexweynanimo kana tashadaan kuwa hada ogu jira Golaha Degaanka siday ugu badali lahayeen Rag kala oo Aqoon yahano ah

Nabadoon Ali Warsame ayaa oo degaan ahaan Dagana Qardo ahna isku dabaridihii shirkaas ayaa sheegay in bishaan nugu soo food leh ay shirweyne iskugu imaanayaan wax garadka Beesha kana kala imaanayaan Dibadaha iyo Gudaha, shirkaan ayaa ku soo afmeermay is afgarad qodobada la taaban karo oo ka soo baxay shirkaan ayaa ahaa in Beesha ay sameysato Degaano ay dagaan ayagoo ku dhuftay Degaan u dhow Bursalax iyo Degaan u dhow Qardo oo ay Calamadeysteen, Shirka soo socda ayaa looga hadlayaa Dhaqaalaha ku bixi doona Dismayaasha Degaan kaas

Shieh Mohamed Hirsi oo qodbadiisa dhereed ayaa laga taban karaa mar uu ka hadlayey Dhalinyarada ku jirta Ciidamada Dowlada Federal ka ah ee ku sugan Mogadisho in ay yihin kuwa ku dagaalamaya Baadal nimo ugu na baaqay in ay iskaga soo baxaan waxa uu ku tilmaamay hada waxaa ku sugan halkaan dhalinyaro dhaawac ah dhibtoodana anaga ayeey notaala kuwana wey ku dhinteen mesh ay ku dabeen doonaana garan mayo ee iskaga soo baxa isagoo kur u hadlayey, waxa ku dhimanaya Mogadisho waa dad Soomaaliyeed hadii iidan ku walaalihiin caawineen dhalinyarada iyo madexda ku jirta oo ah sarakiisha beesha war waa baadal nimo ogaada

Shirkaan oo maantay ka dhacay Magalada Qardho oo aan goob joog ka ahaa waxa halkaas ka muuqatay jawi dagan

Suxufi Mohamud Ali Mohamud
Qardo Puntland Somaliya

mohamedsuxufi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS