SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax, General: Abdullahi Axmed Jaamac oo Xaflad loogu Sameeyey Minneapolis...

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacdaymagaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, xafladaas oo ku saabsanaydsoo bandhigida musharaxa Genral: Abdullahi A. Jaamac (Ilko-Jiir) oo uistaagay in uu qabto jagada madaxweyne nimo ee Dowlada GoboleedkaPuntland.

Musharaxa oo degan wadanka Maraykanka ayaa waxa si fiican loogu soodhaweeyey gobolka Minnesota, halkaas oo ay degan yihiin dadka ugu badanee ka soo jeeda degaamada Puntland. Musharaxa oo runtii ay wajigiisa kamuuqato farxad ayaa waxa uu soo hor istaagay in ka badan shan boqol ooqofood oo isugu yimid xarunta weyn ee University Hall ee ku taalaMinneapolis, habeenimadii xalay.

Xafladaas oo ay ka dhex muuqdeen Siyaasiyiin, Hooyooyin, Culimo,Abwaano, Macalimiin, Dhaqtaro, Ciidamadii hore ee Soomaaliya, iyo Arday.Xafladaas oo runtii ku dheehneed shucuur iyo hididiilo siyaasadeed ayaawaxa laga tiriyay gabayo, heeso , buraanburo iyo qudbado isdaba joog ah,halkaas oo mararka qaarkood la is-dhaafsanayey kaftamo ay ka mid yihiinxaga da’da oo baryahan dadka degan qurbaha ay ka leexleexdaan.

Musharaxa ayaaa waxa uu soo bandhigay wax yaalaha ugu muhiimsan ee uuwax ka qaban doono, iyo sida uu ula shaqeyn doona dowladiisa. Waxana uuyiri waxa aan wax ka qabanayaa Nabadgalayada iyo Isu keenida dadka wadadegan, sidoo kale waxa uu ku dheeraaday xaga waxbarashada iyo sidii looabuuri lahaa shaqooyin.

Gebegabdii ayaa waxa xaflada soo xiray Madaxweynihii hore ee PuntlandMudane Maxamed Abdi Xaashi, oo ku tilmaamay dadka degan Puntland in ayyihiin dad bisil oo ogol in la xukumo una baahan dad caadil ah.

Fadlan halkan ka daawo xaflada sawiradeedii:

http://www.insideminnesota.org/images.html


Dhaqaatiirta Soomaalida ee Waqooyiga Amerika

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday gobalka Minnesota, magaalada Minneapolis, xafladaaas oo ay soo qaban qaabiyeen dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee degan waqooyiga America. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen dhaqaatiir badan, arday hada barata dhaqtarnimo, iyo kalkaaliyayaal isugu jiray kuwo arday ah iyo kuwo dhameeyey. Xafldaas ayaa waxa ay hayd sanadguuradii markii la aasaasay ururka weyn ee lagu magacaabo Somali Medical Association of North America. ee ay leeyihiin dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee degan waqooyiga America.

Madaxa urukaas Dr. Maxamed Afqarshe, oo hayay xilka ururka mudo labo sano ah ayaa hadana loo doortay in uu xilka sii hayo. Intii xaflada socotay ayaa halkaas waxa lagu soo bandhigay film laga soo duubay Soomaaliya oo ku saabsanaa baahida caafimaad ee ka jirta wadanka Soomaaliya, halkaas oo ay ku soo bandhigeen dhalinyaro iyagu tagay wadankii oo ka soo duubay barnaamijkaas, soona wareystay dhaqaatiir iyo bukaano ku jiray isbitaalada. Ururka soo bandhigay flimkaas ayaa waxa loogu yeeraa the African Futur, waxana ay ururka u sameeyeen sidii ay u caawimi lahaayeen isbitaalada ka jira Soomaaliya, iyagoo la kaashanaya taqaatiirta Soomaaliyeed ee degan waqooyiga America. Sanadkan gudihiisana wa xa ay ku laaban doonaan wadankii iyagoo ay raaci doonaan dhaqaatiir Soomaali ah oo degan gobalka Minnesota sida Dr. Fowsiyo Abraar.

Sidoo kale waxa halkaas la isku weydaarsaday aqoon kororsi ku saabsanaa dhinaca caafimaadka oo ay soo diyaariyeen labo dhaqtar oo ka kala hadlayey beerka iyo sid loo cabiro dhiiga.

Gebegabadii ayaa xaflada waxa lagu soo gunaanaday abaalmarino la siinayey dadkii ururka ugu firfircoonaa oo si habsami leh uga shaqeeyey. Abaalmarinadaas ayaa waxa la gudoonsiiyey Dr. Xaraare iyo Dr. Cusmaan Munye, oo runtii halkaas lagu soo bandhigay howlihii ay ururka u qabteen, sida Dr. Xaraare oo hirgaliyey in uu ururku yeesho xafiis, iyo Muunyi oo hirgaliyey in uu ururku yeesho website.

Fadlan halkan ka daawo sawiradii xaflada oo dhan:

http://www.insideminnesota.org/sports.html

Somali MediaAbdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS