Soomaalida iyo Si xun u
Xisaabtanka
Marka hore mahad idilkeed
waxey u sugnaatay Allaah, naxariis iyo
nabadgelyana Rasuulkeenii suubanaa ayeey
korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan
akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma
salaanta qaaliga ah ee Islaamka ( A. C. W. W ).
Soomaalidu meel walboo ay
joogaanba, halkii ay shisheeye wax la qeybsan
lahaayeen, oo ay la xisaabtami lahayeen, ayaad
moodaa inay iyagu isku mashquulsan yihiin, oo
24ki saac aad maqleysaa annaga reer hebel, ayaa
magaalo hebla iska leh, reer hebel meeshaas ma
degaan, sidee ayeey reer hebel u heleen sadkaas,
annaga reer hebel ah ayaa waxaas ka mudan iyo
waxyaalo kale oo tira baddan, oo aan ku
wanaagsaneyn dhegaha dadka caafimaadka qabaa.
Waxaad maqleysaa hadalba hadalka uu ka liito iyo
weliba iyadoo la buun buuninayo nin liita, oo
aan waxba loo dirsadeen haddii xisaabtan jiro,
hadalkiisa.
Soomaaliyeey aynu
xisaabtanno, oo ku eegno indho caafimaad qabaa
dhulka intaas baaxad iska leh, oo uu Allaah
noogu maneystay, badda dhirirka baddan oo aynu
iska leenahay, Wabiyadda har iyo habeen iska
qulqulaya, dhul Beereedka baaxadda weyn iska
leh, Xoolaha nool, Beeyadda qaaliga ah,
kheyraadka badaheena ku hoos jira, iyo weliba
kheyraadka kale ee aan weli loo helin waqti ama
aqoon lagula soo baxo. Soomaaliyeey ma u heynaa
dad camira dhulka intaas la’eg, oo ka
faa’ideysta nimcooyinkaas. Xaqiiqdii, annaga
iska daayee xitaa haddii inteynu tiro la’egnahay
iyo in ka baddan oo dad ah waddankeena la keeno,
ma jiraan cid camiri karta.
Soomaaliyeey maxaa ina tusaya
walaalkeen ama walaasheen, Soomaali nala ah,
muslimnimo nala wadaagta, ehel iyo qaraabo inala
ah, in aynu ula xisaabtanno si cadawtinimo ah.
Soomaliyeey ma ii sheegi kartaan magaalo ay
degaan reer qura oo horumar sameysay.Sidoo kale
Soomaaliyeey ma ii sheegi kartaan reer
soomaaliyeed oo reerayowga kale ka maarma.
Xaqiiqdii waxaan qabaa in ay jawaabtu maya
tahay.
Adduunkan horumaray, waxa
maanta la qiimeeyaa dhaqaale iyo aqoon, qof
walboo lagu tuhmayo inuu aqoon ku soo kordhinayo
waddan ama dhaqaale, irdaha ayaa loo furaa, oo
waxaa deg deg lagu siiyaa shaqrci iyo aqoonsi.
Tusaale wanaagsan waxaa inoo ah magaaladan aan
hadda deganahay ee Leicester, qiimeyntii ugu
danbeysay ee looga hadlayey dadka ajaanibka ah
iyo waxa ay ku soo kordhiyeen magaalada
Leicester, waxaa leysla qiray in haddanay soo
dejin dadkii Hindida ahaa ee laga soo
barakiciyay Ugaanda, aysan Leicester macno
baddan yeelateen. Waxaa aad iyo aad loogu
amaanaa dadkaas in ay sameeyeen horumar aan
caadi aheyn, oo ay maanta sameeyeen dhaqaale aad
iyo aad u tiro baddan, aqoon aan caadi aheyn, ay
ka qeyb qaateen dhismaha casriga ah ee lagu soo
kordhiyay magaalada, inay leeyihiin Lowyarada
ugu baddan magaalada, taqaatiirta, injineerada
iyo weliba qeyb walboo la eegaba.
Mareykanku wuxuu isku dayaa
inuu soo iibsado qof walbuu ku tuhmayo aqoon iyo
xirfad, isagoo aan u eegayn halkuu ku dhashay
iyo reerkuu yahay, waxaa kaliya muhiimada la
siinaya mareykanka wax ma ku soo kordhin karaa.
Maanta dunidoo idil waxaa fadhiga looga
istaagaan ninba ama qofba qofku ka canshuur
bixis baddan yahay, iyadoo la eegayo qofkaas
daqliga uu ku soo kordhinayo waddankaas. Visahan
dunida la la’yahay qofku hadduu lacag ama
dhaqaale heysto, horaa loo siiyaa, iyadoo la
ogyahay inuu qofkaasi uu maalgelin ku sameynayo
waddanka.
Annaga Soomaali haddeynu is
eegno, waa leyska dilaa qofka aqoonta leh ama
dhaqaalaha leh. Waxyaalaha ugu naxdinta baddan
waxa weeye qof baa qof dilaya, waxaad maqleysaa
ninkan dilay wiilkeena ama qofkeena uma dhigmo
qofkeena, ee reer hebel aynu raadsano ninka laga
dilo, oo ugu aqoonta ama magaca ama dhaqaalaha
baddan. War arintaasi intee ayeeynu kasoo min
guurinay. Immisaa qof qiimo lahaa, sharaf lahaa,
aqoon lahaa, dhaqaale lahaa, caalim ahaa,
bulshadda qeyb weyn kaga jiray, oo loo dilay
kaliya Muxuu Allaah reer hebel kaaga dhigay. Yaa
isweydiiyay, oo yaala la xisaabtamay dadkii
falalka waxashnimada ah ka danbeeyay.
Soomaaliyeey aynu iska deyno,
annagaaa magaalo hebla iska leh, annaga degan
magaalo heble, reer hebel masoo degi karaan
magaalada, sidee reer fulaan u yeelan karaan
dhaqaale, aqoon ama mansab. Soomaaliyeey aynu ku
qiimeyno qof walba qiimihiisa shaqsiyadeed,
aqooneed, dadnimo iyo diineed, ee yeeynaan ku
qiimeyn waa reer hebel. Annigoo reer hebel ah
ayaan kaaga wanaagsanaan karaa mujrim reerkaaga
ka dhashay. Soomaaliyeey yeeynaan dabar go’in,
ee aynu is daba qabano. Wixii dhacay wey
dhaceen, oo masoo noqonayaan laakiin aynu isku
dayno inaynu asaageen la xisaabtanno, oo aynaan
ku mashquulsanaan sokeeye. Waxeynu nahay ul iyo
diirkeed, waxeynu nahay dad aan kala maamrmi
karin, sdoo kale meel aynu kala tegeyno ma jirto
illaa iyo qiyaamaha, ee aynu soo celino
derisnimadii wanaagsaneyd, marti soorkii lagu
yiqiin Soomaali, aynu u diir naxno caruuraheen
dhaqan rogmay, ku baa’baya xabsiyada adduunka,
dadkeena har iyo habeen lagu gumaadayo South
Africa iyo waddamada kale ee Dunida, oo cid u
hadleysaa aysan jirin. Maxaad u hortaagan tahay
walaalkaa ama walaashaa rabtay inay waddankeeda
u soo noqoto oo dadkeeda iyo dalkeeda wax u
qabato, Soomaaliyeey ma isweydiisaan, haddii
dadkeenii ay gabi ahaanba waddanka uga qaxaan,
ama loo laayo aano qabiil, yaa u haraya aakhirka
waddankeenii wanaagsanaa. Soomaaliyeey ma
lasocotaan in Afrikada kale ay la yaaban yihiin
anngoo tirada dakeenu ay aad u yar tahay haddan
inaynu heysano dhulka intaas baaxadda ah iska
leh. Soomaaliyeey caqliga ha shaqeeyo, oo ha is
raadsadaan inta caqliga u saaxiibka ah, oo reer
walba oo soomaaliyeed ka dhashay, hana loo soo
jeesto war dadkan iyo dalkan sidii loo badbaadin
lahaa.
Waxaan qoraalkeyga ku soo
gabagabeynayaa Soomaaliyeey aynu xusno ama
xusuus yar bal u yeelano muwaadiniintii
Soomaaliyeed ee isugu jiray Culumo, Aqoonyahano,
Isimo, Ganacsato, haween iyo ragba, oo loo dilay
ama u dhintay kaliya waa reer hebel ama fal ayan
shaqo ku laheyn oo uu geystay mujrim ay reer uun
wadaagaan. Waxaan leeyahay dadkaas Allaha u
naxariisto, oo janatul ferdowsa ka waraabiyo,
illeyn waxaa dishay gacmo ka xaq daran. Sidoo
kale Soomaalina waxaan leeyahay Allah u soo
celiyo walaaltinimadeedii iyo ehelnimadeedii, oo
ka saaro jahliga na dabar gooyay ee qabyaaladda.
Qoraalkeygii waa iga intaas,
wixii aan asiibay waxey ka sugnaatay Allaah,
wixii aan ku gefayna waa nafteyda iyo sheydaan,
Qalinkii: - Cabdixakiim
Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com