SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

KU: Ummadda Soomaaliyeed
KU: Guurtidda Ama Golaha Dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed
KU: Waxgaradka Soomaaliyeed
KU: Ganacsatada Soomaaliyeed
KU: Dhalinyaradda Soomaaliyeed
KU: Ururada Samafalka Soomaaliyeed
KU: Intii Ay Quseeyso Arrimaha Soomaaliya

Tix: 05/05/sifl-i/08 Taariikhda:

UJeeddo: Waddankeena Aan Xoraysanno, Iina Doorta Madaxwayne Sharciga Islaamka Idinku Xukuma

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ogeysiinayaa inaynan marnaba u soo laabanaynin madaxbannaanidii iyo haybaddii ay ku lahaayeen dalkooda haddii aynan iska ka takhalusin siyaasadda ku dhsian afaaro-qabiilka iyo sumcad-xummada taasoo kaliftay inay isku soo adeegsadaan takar bad raadinaysa oo caddaysay inaynan ka bixi doonin Soomaaliya waayo waxay rabaan inay Soomaaliya oo dal Islaam ah la hoos geeyo si loo niyad-jabiyo qoomiyadaha Ogaden iyo Oromia kuwaasoo ah Islaam uguna badan Islaamka Itoobiya.

Itoobiya waxay ka dhex sammaynayso Soomaaliya waa wax cad oo adduunku arko hase ahaatee waxba kama qaban karaan maxaayeelay sharciga adduunka u daganaa waxaa si qayaxan u jabiyey kuwii ugu tallagalay inay ku kala badbaadaan!!!

Soomaaliyeey ma waxaad u burburiseen dowladdihii dalka soo maray inay Itoobiyaan ku fuulaan ilmaheena, xaasaskeen, nagu dilaa masaajidka dhexdiisa ama nagu amraan soo qaqabashada madaxda jabhadaha xornima doonka ee ka soo horjeeda gumaysiga lagu hayo!

Waxaan aad iyo aad uga sii xummaaday markii la weeraray guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan meeshaas oo laga xaday alaabo badan oo qaali ah iyo waxyaabo taariikh ah uu u hayey qaranka!!!

Waxaan madaxweynaha ugu mahad celinayaa geesinimada iyo waddaninimada uu tusay burcadda weerartay hoygiisa iyo carrurtiisa kuwaasoo aanan aqoon u lahayn nidaamka baaris iyo ilaalinta sharciyada amniga qaranka.

Madaxweynaha waxuu ummadda Soomaaliyeed ku baraarujinayaa inay xaalmariyaan madaxweynahooda ay ku sababeen inuu gooryaamo ula dhaqmaan sidaas.foosha xun ee loo weeraray ilmihiisa iyo hoygiisa!!!

Machadka Baritaanka Afafka Shisheeye waxuu idiin sheegayaa in dowladda hadda jirta aynan haysan kalsooni iyo dhaqaalo sidaas awgeedna ay awoodi waysay inay Itoobiya ku dhahdo ka daaya madaafiicda meelaha ay shacabka degaan ama joogaan.

Machadka Baritaanka Afafka Shisheeye waxuu kale oo uu u mahadnaqayaa dulqaadkii ay muujiyeen jabhadaha gobbanima doonka ah ee ha soo horjeeda lulumada haraadsan ee Itoobiya.

Machadka Baritaanka Afafka Shisheeye waxuu u digayaa ismaamulada caadaystay ka ganacsiga shacabka Ogaden inay ka waantoowaan isla-markaasna ay ka toobadkeenaan gafafkii ka dhacay ee lagula kacay shacabka kasoo soo jeeda Ogaden taasoo si sharci darro ah ay u xukumto Itoobiya!!!


Machadka Baritaanka Afafka Shisheeye waxuu ka codsanayaa madaxda maxkamadaha Islaamk inay xalliyaan khilaafaadka u dhexeeya ayaga iyo dowladda haddii kale ogaada dad badan oo masaakiin ah ayaad dabbin iyo dil u sii horseedaysaan maxaayeelay Itoobiya iyo dowladdo kale waxay ku marmarsiyoodaa inay meesha ka ciribtirayaan mintidiinta mayalka adage ee loo yaqaanno “Al Qaaciida” balse ay wataan halwo gaar u ah!!!


Amb. Dr. Badal Kariye BA, MA, & PhD
Madina Jid Ba'aad Street 12 South # 2001
Mogadishu, Somalia
Telephone: 2525-424640
amb.dr.badal@sifll.org
sifll@hotmail.com
www.sifll.org
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS