SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ugandha iyo Itoobiya oo dafiray in Ciidamadooda ay hub ka iibiyaan Kooxaha Mucaaradka.

Dowladaha Ugandha iyo Itoobiya ayaa iska fogeeyay Warbixin ay Sabtigii soo saareen Quburo ka tirsan Qaramada Midoobay oo sheegeysay in Ciidamada Labadaasi Dowladood ay hub ka iibiyaan Dagaalyahanada Mucaaradka ee kazoo Horjeeda Siyaasada Dowlada iyo Wwaliba Itoobiya in ay joogto Soomaaliya.

Kormeerayaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Todobaadkaan ku eedeeyay Saraakiisha Ciidamada Ugandha ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwo Itoobiya iyo Dowlada Soomaaliya in ay hub ka iibiyaan kooxo ay Qaramada Midoobay siisay Magaca dagaalyahano Islaami ah oo Dowlada kazoo horjeeda,taas oo ay sidoo kale ku tilmaameyn ku tumashada Xayiraada hubka ee Soomaaliya lagu soo rogay sanadkii 1992.

"Taasi ma noqon karto Run, ma siin kareyno hub dad inaka na tooganaya," sidaas waxaa Wakaalada Wararka ee AFP u sheegay Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika Captain Paddy Ankunda.

"Tani waa mid la yaab leh, uma maleynayo in aan isku dayi karno hub siinta kuwo nala dagaalamaya, laakiin waxa aan rajeyneynaa in Qaramada Midoobay ay baaris ku sameyndoonto Warbixintan islamarkaasna ay keenidoonaan runta," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka.

Wasaarada Arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa sidoo kale beenisay eedeymaha loo soo jeediyay, waxa ayna sheegtay in Ciidamadooda daboyaaqadii 2006 ay soomaali ugu direyn si ay meesha uga saaraan Islaamiyiinta Islamarkaasna ay u taageeraan Ddowlada taagta daran, si ay ugu caawiyaan Dowlada in ay awoodyeelato.

"eedeymaha sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay qalab dagaal ka iibiyaan Kooxda Al-shabaab waa war aan galeynin Maskaxda caafimaadka qabta," ayey Wasaaradu ku sheegtay Warsaxaafadeed ay kasoo saartay Magaalada Adis Ababa.

"Ciidamada Itoobiya xaqiiqdii waxa ay door shariif leh ka qaadanayeen ka hortagista xadista hubka iyo rasaasta muddo bilooyin ah" ayaa sidoo kale lagu sheegay Warsaxaafadeedka.

" waa mid la yaab leh in Itoobiya loo soo jeediyo in ay hub si qarsoodi ah u siiso Al-Shabaab, mana jirto cadeymo adag oo loo hayo Warbixintan." Ayey Itoobiya ku celcelisay.

Warbixintan ayaa loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay Khamiistii, iyada oo ay gudbiyeen gudiga qaabilsan dabogalka Cunuqabateyntii Qaramada Midoobay ay Soomaaliya kusoo rogtay 1992.

Khuburada warbixintan gudbiyay ayaa sheegay in ay jiraan Suuqyo hubka looga iibiyo Kooxaha dagaalka wada ee soomaaliya jooga.

Ilaa iyo 1992, kooxo Soomaali ah ayaa waxa ay ku jireen khilaaf dhexdooda ah, taas oo ka hortagtay shaqeynta Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya la saaray.

Golaha amaanka ayaa diiday codsi madaxweynaha Soomaaliya uga yimid ee ahaa in la qafiifiyo Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saran.

Ciidamada Dowlada iyo Isbaheysigooda Itoobiya oo ay wheel u yihiin kuwo nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa bartilmaameyd cad u noqday weerarada ay soo qaadaan kooxaha mucaaradka, taas oo sii xumeysay amaanka iyo sii socoshada howlaha aadaninimo ee laga wado wadanka.

Ciidamada Wadareed ee Itoobiya iyo kuwo Dowlada ayaa eryay awoodii maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka talinayay in kabadan Lix bil, iyada oo lagu eedeeyay xariir ay la leeyihiin Kooxaha Mareykanku ku sheego mayal adag.

Muxyadiin Axmed Rooble (Saadaat)

Nairobi- Kenya

E-mail:saadaam_7@hotmail.com

Mobile:+254728003737

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS