SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mashruuc Biyo waraabin ah oo loo sameeyey dadka ka barakacay dagaalada Muqdisho.25-05-2008

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu Mashruuc Biyo dhaamin ah ka fuliyey Xeryaha dadka ka barakacay dagaalada ee lu nool Kaamka kala ah:- Tawfiiq2 iyo Ciinley ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Mashruucan Biyo dhaaminta ah oo dadku aad ugu baahanaayeen ayaa waxaa maalintiiba waxaa ka faa'iideysta dad gaaraya 400 Qoys oo u dhiganta 2,000 oo qof.

lacagta jaaliyadda aan kor ku xusnayi ay soo dirtay waraabintaas waxay ka qayb qaadaneysaa 15 Maalmood ( 15 x 400 = 6,000 Qoys).

Baaq & Mahad celin
Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed – mahad celinta Allaah ka dib - wuxuu mahad balaaran u celinayaa dhammaan walaalihii gacanta ka geystay deeqdan .

Sidoo kale Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan samafalayaasha Soomaaliyeed in ay u istaagaan caawinta walaalahooda dhibaatadu heysato.

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002525907666

Magaalooyinkii ay rabshaduhu ay ka dhceen Dalka K/africa oo maanta xasiloon

Waxaa gabi ahaanba dagan Goobihi ay rabshada ka dhacayn ee Magaaloyinka K/africa iyadona ay jirin wax shaqo ah oo ku Saabsan

Goobihii ay ka dhaceen Boobka iyo Barakicinta Maalooyinka Johansburg & Cape Town.
Ilaa Waqtigan ma jiraan cidka ka hadashay oo Ah Mauuliyiinta iyo Madaxda sare ee Dowlada K/africa Iyo U.Nka marki laga reebo Ururo

Islaami ah oo ayagu Saacidaad lama ilaabaan Ah u fidiyay Dadka Soomaaliyeed ee soo qaxay.
Dhanka Waxaa la filayaa in uu Caawa Shir jaraa,id uu Qabto Madax weynahan Wadankan K/africa Md.Thabo Mbeki,

Kaasoo uu kaga hadli Dhibaatooyinka ku habsaday Dadka ka soo haajiray Wadamadooda ee soo ma ciinbiday

Nolasha Dalkaan K/africa Ee Dhibaatadu Ka soo gaaraty.

Mana cadda Waxa kaa yeeli Doono M/weyne ,,Mbeki,, Mustaqbalka Dadka Qaxootiga ah ee Dhibaatadu la daristey oo aan Haysan wax Nolol ah Ama Daryeel ah waxaa si weyn ay Dadku ugu Dhagtaagayaan Shirkaas Jaraa,id Uu qaban doono caawa.
Haba ugu badnaadeen Soomaalida ku nool Wadankaan K/africa Gaar ahaan Magaalooyinka Cape Town & Johansburg,
Wixii war ah oo ku Soo kordha Waxaan ku soo Gobin doonaa Qormooyinkeena Danbe Insha allaah,,,,

C/QAADIR M. CALI ((BAAKAAY)) Cape town
Hilaacyare@hotmail.com

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS