BAAQ KU WAJAHAN SHACABKA SOOMAALIYEED
Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waa urur Siyaasi ah oo nabadeed oo la
dhisay in
uu fagaarayaasha caalamiga ah ku metelo bulshadda Soomaaliyeed, isla markaana
Beesha Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Soomaaliyeed ee dulman.
Ujeeddooyinka Isbahaysiga waxaa ka mid ah ka shaqeynta sidii ciidanka
Ethiopia
waddanka looga saari lahaa dariiq kasta oo suurto gal ah, sida ku cad xeerka
Isbahaysiga
qodobadiisa 6,7,8. Dariiqooyinkaas waxaa ka mid ah in Beesha Caalamka laga
fahamsiiyo aragtida Isbahaysiga ee ku aaddan xal u helidda mushkiladda
Soomaaliya.
Waxaan Shacabka Soomaaliyeed uga cudur daaranaynaa kana raali gelinaynaa
hadallada
aan munaasibka ahayn oo aan lagu farxi karin oo kasoo yeeraya xubno ka tirsan
Isbahaysiga, waxaanna u ballan qaadaynaa in aan la harayn wixii dadaal ah ee
arrinkaasi
lagu xallin karo.
Sheikh Sharif Sh. Axmed |
Waxaan ugu baaqaynaa xubnaha Isbahaysiga ee ka muujiyey dareenkan filan waaga
ah
wada xaajoodka ka socda dalka Djibouti in ay dhowraan nidaamka iyo kala
dambeynta,
isla markaana ilaaliyaan xeerka Isbahaysiga, una turaan dareenka iyo damiirka
Shacabka
Soomaaliyeed oo ay daashadeen khilaaf iyo is qabqabsi an dhamaad lahayn.
Wixii talo ama dhaliil ah oo Isbahaysiga dhexdiisa ah waxaa lagu saxayaa
qaabka iyo
nidaamka u degsan Isbahaysiga, waxaana ka codsaday Guddoomiyaha Golaha Dhexe
inuu si degdeg ah isugu yeero xubnihii Golaha Dhexe laguna qabto kalfadhigii
2aad ee
Golaha Dhexe dalka Djibouti.
Dowladda iyo Shacabka Eritrea waxaan uga mahad celineynaa sidii geesinnimada
lahayd
oo ay u garab istaageen qaddiyadda Soomaaliya xilli ay dunida oo dhami irdaha ka
xiratay, sidoo kale waxaan abaal weyn uga haynaa gogoshii ay u fidiyeen
Soomaalida si
ay u qabsadaan Shirweyne ay ugu tashanayaan aayohooda iyo hoyga ay siiyeen
xubnaha
Isbahaysiga.
Waxaa nasiib darro ah oo aan aad uga xunnahay in ay dawladda Eritrea ku
dhaqaaqday
wax aan laga filayn kadib markii ay isku dayday in ay fara geliso muujisayna
rabitaankeeda iyadoo ka shaqaysay qaybinta iyo iska hor keenka madaxda iyo
xubnaha
Isbahaysiga meeshii ay ka shaqayn lahayd wanaaga iyo midnimada xubnaha
Isbahaysiga.
Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya waxaa loo dhisay in uu dalka ka xoreeyo
gumeystaha kusoo duulay iyadoo la adeegsanayo maskax xor ah oo ka turjumaysa
rabitaanka iyo danaha Shacabka Soomaaliyeed, waana soo dhoweyneynaa cid kasta oo
wax taraysa qadiyadda Soomaaliyeed cidna kama oggolaanayno in ay marin
habaabiyaan
habsami u socodka howlaha Isbahaysiga.
Dowladda Eritrea waxaan nahay saaxiib waxayna nagu leedahay abaal aan la
illoobi
karin, hase yeeshee talada waxaa iska leh Soomaalida, waxaana ka codsanaynaa in
ay dib
uga fiirsato mowqifka aan wanaagsanayn oo ay qaadatay, Isbahaysigana ay kala
xiriirto
madaxdiisa, hana ogaato in aysan wax dan ahi ugu jirin iyada iyo annagaba
burburka iyo
kala taga Isbahaysiga dalkeeda lagu dhisay.
Waxaa noo muuqata fursad wanaagsan oo looga faa’iideyn karo Ummadda
Soomaaliyeed
haddii loo fekero si haboon oo ka fog caadifad iyo danaysi.
Waxaan u aragnaa tallaabada beesha caalamku ay haatan isugu soo taagtay una
garawsatay in Ethiopia ay tahay caqabadda ugu weyn ee hor taagan xalka arrinta
Soomaaliya loona baahanyahay in Soomaaliya laga saaro, in ay tahay tallaabo loo
qaaday
xagga wanaagga, ayna haboon tahay in la meel mariyo.
Waxaan Beesha Caalamka u caddayneynaa in ay Ethiopia leedahay rabitaan weyn
oo ah
in ay haysato dalka Soomaaliya aysanna doonayn in ay ciidamadeeda kala baxdo
dalka
Soomaaliya, taasina waxay ku caddahay warkii uu ku hadlay Melles Zenawi 22 May
2008 oo uu ku sheegay in uusan ciidamadiisa kala baxayn dalka Soomaaliya.
Arrinkaasna
wuxuu caqabad ku yahay hindisaha nabad raadinta ee uu wado Wakiilka Qaramada
Midoobey Mudane Axmed weld Cabdalla.
Waxaan si weyn u soo dhoweyneynaa warbixintii guddiga qaabilsan la socodka
cuna
qabateynta hubka ee Soomaaliya uu ka jeediyey Golaha Ammaanka, taas oo si cad u
qeexeysay xad gudubyada ay geysanayaan Gumeysiga Ethiopia iyo meleesiyaadka
TFGda. Sidoo kale waxaan taageereynaa tala soo jeedintii guddiga ee ahayd in la
magacaabo guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara dembiyada dagaalaka, iyo in
joogitaanka ciidamada Ethiopia uu xadgudub ku yahay go’aanka Golaha Ammaanka ee
cunaqabataynta hubka Soomaaliya, taas oo ay caadeysteen in ay jebiyaan dhowr iyo
tobankii sano ee la soo dhaafay.
Waxaa lagama maarman ah in ay Ethiopia dalkeenna isaga baxdo, Soomaaliduna
aayaheeda u tashato lana soo celiyo madax bannaanida iyo qarannimada Ummadda
Soomaaliyeed. Beesha caalamkuna waa in ay tix geliyaan rabitaanka shacabka
Soomaaliyeed una soo jeestaan wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya.
Isbahaysiga waxaa ka go’an inuu ka fekero kala doorashadda laba sharood; taas
oo ay
siyaasadda sharciga ah iyo waaqaca siyaasiga ahba ay keenayaan. Sheekh Ibnu
Taymiya
ayaa yiri “ Ruuxa Caaqilka ahi wuu kala gartaa khayrka iyo sharka, laakiin
Xakiimku waa ruuxa laba shar kala dooran kara”.
Waxaan aamin sannahay in ay nasaaran tahay masuuliyad weyn oo u baahan in si
aad ah
looga fekero, si xilkasnimo lehna wax la isugu miisaamo. Isbahaysigu isagoo taa
ka
duulaya ayuu go’aansaday inuu wadahadal ka galo wax kasta oo Ethiopia dalka
looga
saari karo.
Waxaa kaloo muhiim ah in aan hoosta ka xariiqno in midnimadda,
madaxbanaanidda iyo
qaranimadda Soomaaliya ay halis ku jirto, sidaas darteedna ay waajib tahay in la
badbaadiyo, taasina ay tahay baahidii keentay in la go’aansado halganka iyo
muqaawamada, waxaana naga go’an in halgankaas uu sii socdo inta laga xaqiijinayo
baahidii keentay.
Waxaan maanta halkan Ummadda uga Caddaynaynaa in aan dooranay jidka
wadahadalka
iyo muqaawamadda oo wada socda, qaadanayna wixii dhibaatada Soomaaliya lagu
dhamayn karo ama lagu soo celin karo madaxbanaanidii, sharafteedii iyo
qarannimadeedii Soomaaliya.
Waxaan rejeyneynaa in uu guuleysto shirka dib u heshiisiinta, kana ka soo
baxaan natiijo
wanaagsan oo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan ugu baaqaynaa Beesha Caalamka:
- 1- In ay xoogga saaraan sidii dalka Soomaaliya loga saari lahaa
ciidamada Ethiopia.
- 2- In Shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan degdeg loo gaarsiiyo kaalmo
banii
aadanimo.
- 3- In laga shaqeeyo sidii shacabka Soomaaliyeed ee laga qixiyey
guryahooda dib
loogu soo celin lahaa.
Waxaan si aad uga mahad celineynaa Dowladda iyo Shacabka reer Djibouti sida
wanaagsan ee had iyo jeer u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee
walaalahood
ah uguna howlan yihiin xal u helidda mushkiladooda.
Ugu dambayntii waxaa hubaal ah oo aan si aad ah ugu kalsoonnahay in uu
shacabka
Soomaaliyeed guusha leeyahay Inshallah uuna beegsanayo hal ku dheggeenna ah:
XORNIMO, NABAD, MIDNIMO.
Sheikh Sharif Sheikh Axmed
Guddoomiyaha Isbahaysiga
Djibouti,
May 25th , 2008