SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Todobaadkan oo noqdey Todobaadkii ugu weerarada badnaa Ciidamada Itoobiya

Ciidamada Itoobiya ayaa maalmahan dagaalo kala kulmayay kooxaha ka soo horjeeda, waxaana u dambeysay dagaal saakay ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee Baastada, waxaana la xaqiijiyey in ay Afar Askari oo Itoobiyaan ah ay ku geeriyoodeen dagaalkaasi, sidoo kale waxaa iyana weeraro hoobiyaal ah lagu qaaday xarumo ay deganaayeen ciidamada Itoobiya kuwaas oo kala ah Garoonka Stadium Muqdisho, Warshadda Baastada, Xayle Bariise iyo gobo kale.

Dagaalkii ugu cuslaa waxa uu ka dhacay xaruntii hore ee Ciidamada Asluubta, waxa uuna ahaa weerarkii ugu horeeyey ee lagu qaaday xaruntaasi, waxaana laga soo weeraray ilaa iyo saddex jaho, taas oo filanwaa ku noqotay ciidamada itoobiya, waxaana dagaalkaani sheegtay Xarakada Shabaab, waxa uuna Afhayeenkoodu sheegay Abuu Mansuur in ay khasaare ba’an u gaysteen ciidamadaasi, waxaa kale oo uu sheegay in dhowr gaari ay halkaasi ku gubeen.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyana waxay weerar markii labaad ah ku qaadeen Jid-gooyada Siinka Dheer waxayna halkaasi ku dileen shan askari, waxay kaloo halkaasi ka qaateen Malaayiin Shillin Soomaali ah oo laga qaaday Gawaarida halkaasi ka gudubta, sidoo kale qaraxyo ayaa lala beegsaday ciidamada Itoobiya kuwaas oo damcay in ay raashin gaarsiiyaan ciidamadooda kale ee ku sugan xarumo ku yaala Magaalada Mluqdisho, iyadoo todobaadkaan uu ahaa todobaadkii ugu weerada badnaa.

Dhanka kale Qaraxyo miino ayaa loo dhigay Ciidamada Uganda oo ku soo socday Isgoyska Nambar Afar, waxaana halkaasi la sheegay in ay ku geeriyoodeen afar askari, waxayna wararku sheegayaan in gaariga oo Gaari Gaashaan uu gebi ahaantiisba burburay, sidoo kale Ciidamada itoobiya ayaa iyana khasaarooyin waxay ka soo gaareen miinooyin loo dhigay inta u dhexleysa Beli-Doogle iyo Walaweyn, waxayna haatan wadadaasi u muuqataa mid kala go’day, iyadoo Dowladda Federaalka aysan isaga gudbin Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Afhayeenka Shabaab waxa uu u soo jeediyay ciidamadiisa in aygeed walba u galaan ciidamada Itoobiya ee ku soo jeeda Magaalada Muqdisho, waxa uuna hadalkaani ku soo beegmaa in xili lagu soo waramayo in ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ku soo jeedaan Magaalada Muqdisho, iyadoo qaarkood haatanba la sheegay in ay soo dhaafeen Magaalada Buur-Hakaba

Machadka Kalkaaliyaasha caafimaadka oo lagu soo gebagabeeyey siminaar ku…….

Waxaa Machadka Kalkaaliyaasha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho maalmahan ka socday simaar ku saabsan cudurka Aids-ka, waxaana siminaarkaasi soo qabanqaabiyay Hay’adda OSPAD oo gacan ka heleysa Hay’adaha Global Fund iyo UNICEF, waxaana ka qaybgalayaashu ay isugu jireen kalkaaliyaal Caafimaad, Saxaafadda, Culuma’udiin, Umulo dhaqameed iyo Dhallinyaro, waxaana cashiro ku saabsan ka hortaga cudurkaasi ka bixinayay Macaliin Cumar Hani oo isagu si aad ah ugu dheeraaday qaababka looga hortago iyo waxa dhaliya cudurkaasi.

Hay’adda OSPAD oo inta badan looga bartay siminaaro wacyigelin ah siiso dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa guddoomiyaha Hay’addaasi Cabdi Nuur Cusmaan Weheliye mar uu ka hadlayey xafladda Gebagabada waxa uu sheegay in mudo ay soo wadeen Siminaarada noocaan oo kale ah ayna ka faa’iideysteen dad aad u fara badan, waxaa kale oo uu sheegay in xitaa gobolada ay ka hirgeliyeen siminaaro ku saabsan cudurka Aids-ka ka kaa soo wax badan ka taray kor u qaadista aqoonta ay dadku u leeyihiin cudurka AIDS-ka.

Siminaarkaan ayaa gebagabadiisii waxaa kaloo ka hadlay C/llaahi Xaashi oo ka socday Hay’adda SCAC, waxa uuna u mahadceliyay intii isku soo dubaridday siminaarkaasi, wsaxa uuna kula dardaarmay ka qaybgalayaashii Siminaarkaasi in ay uga faa’iideeyaan dadka kale ee aan helin fursadda ka qaybgalka siminaarkaasi, waxaa kale oo ka hadlay gebagabadii siminaarkaasi Cali Sheekh Yaasiin (Cali fadhaa) oo ka socday Hay’adda Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha, waxa uuna u mahadceliyey intii isku soo dubariday siminaarkaasi.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS