Gen. C/laahi Jaamac Ilka Jiir oo isu Shaxaya Jagada
Madaxweynaha DGPL, kulana la yeelanaya Jaaliyada
Minnesota
Generaal Cabdulaahi Jaamac Ilka Jiir
Minneapolis:- Generaal Cabdulaahi Jaamac Ilka Jiir oo
ah Jeneraaladii qaranka Soomaaliya waqtigii
bari-samaadkii ayaa shaaca ka qaadey in uu isu sharixi
doono jagada Madaxweyne ee dowlad goboleedka Puntland,
taasoo ah codsi ka yimi dadweynaha reer Puntland ee ku
dhaqan gobolada woqooyiga Mareykanka. Hadaba jaaliyada
Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota gaar ahaan jaaliyada
reer Puntland ayaa waxay Generaalku u fidisay xaflad uu
shaaca kaga qaadi doono musharaxnimadiisa. Xafladu waxay
ka dhici doontaa:
Magaalada Minneapolis:
Goobta: 2630 University Avenue SE. Minneapolis, MN
55414
Goorta: May 26, 2008 Saacada: 5:00 pm ---- 10:00pm
Waa hoolka weyn ee loo yaqaan University hool. Fadlan
kasoo qeyb gal.
Waxaa diyaariyey
Saalax N. Saalax