Ref GDH&MBH0089 Date 24/5/2008
Warsaxaafadeed
Shir ay isugu yimaadeen Golaha Dhaqanka & Midnimada
Beelaha Hawiye maanta oo ay Taariikhdu tahay 24/05/2008
oo ay kaga hadlayeen arrimo badan oo ay ka mid yihiin
Falkii lagu Galay Guriga Madaxweynihii Hore Dr.C/Qaasim
Salaad Xasan, Weerarkii Suuqa Bakaaraha iyo Jabintii
Warshadii Hilibka ee Xaafadda Yaaqshiid.
Waxey Ciidamada Itoobiya iyo kuwa KMG ah fal danbiyeedyo
ka geysteen Gurigii Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Dr
C/Qaasim Salaad Xasan oo ay boob,dhac iyo jir dil kula
kaceen Ilaaladiisa, taas oo ay ka soo horjeedo
Qawaaniinta Dowliga ah in waxyeello loo geysto
Madaxweyne xil ka dagay, isla markaana aan baaritaan
lagu sameyn karin gurigiisa.
Sidoo kalena ay xabadeeyeen Dhaawacna u geysteen wiil
yar oo arday ah oo uu awoow u yahay General Maxamed
Ibraahim Liiq Liiqato.
Waxaa kaloo ay ciidamadaasi weerar ku soo qaadeen
Suuqa Bakaaraha oo maalmahan ka nastay Dhibaatooyinkii
ay ku hayeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa KMG ah,
iyadoona hoobiye iyo madaafiicba ku soo garaacay Suuqa
Bakaaraha dadkii ku ganacsanayayna qal qal galiyay.
Intaa ka dib waxey Ciidamada Itoobiya iyo kuwa KMG ah
galeen Warshadii hilibka ee ku taallay Xaafadda
Yaaqshiid, isla markaana ka qaateen agab badan.
Ugu danbeyntii waxuu Golaha Dhaqanka & Midnimada
Beelaha Hawiye ugu baaqayaa Beesha Caalamka Xasuuq,
barakicinta iyo boobka ay ku hayaan Ciidamada Itoobiya
iyo kuwa KMG ah Shacabka Soomaaliyeed in ay arrintaas
dhaawaceyso Hanaankii Dib U Heshiisiinta Ummada
Soomaaliyeed loogu yeerayo, isla markaan ay Beesha
Caalamka sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabato Xasuuq
ay wadaan Ciidamada Itoobiya.
Maxamed Xasan Xaad
Guddoomiyaha golaha dhaqanka & midnimada beelaha
Hawiye