SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
24 May 2008.


JWXO oo beenisay borobagaandhada Meles Zenawi.

Qawlaysatada Jigjiga oo dil ku xukumay muwaadiniin reer Ogaadeenya ah.

Shir Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Toronto – Canada.

Rayaale Xaamud oo kazoo baxsaday itoobiya oo aan waraysi la yeelanay(Q1aad)

K/Afrika oo ay kasocdaan boob lagu hayo dukaamada dadka ka ganacsada wadankaas.


======================

JWXO oo beenisay borobagaandhada Meles Zenawi

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa bayaan ay jimcihii soo saartay waxay ku beenisay borobogaandho laga soo tabiyay keligii taliye Meles Zenawi ee ku saabsan in ciidammada Itoobiya ay baabi’iyeen 95% ka mid ah CWXO, ka dib markii ay olole millatari ku qaadeen.

Keligii taliye Meles Zenawi ayaa arbacadii isku dayay inuu baarlamaan ku sheeggiisa ka dhaadhiciyo riyo uu xaqiijinteeda si wayn ugu guul darraystay, taasoo ah in ciidammadiisa kar-karka ahi ay ku guulaysteen ololihii waxshinimada ahaa ee ay sannad ka hor ka billaabeen dalka Ogaadeena, wuxuuna xubnaha baarlamaan ku sheegga u sheegay in awooddii CWXO la burburiyay 95%, inta ka hadhayna mid-mid loo ugaadhsanayo.

Been abuurkaas ayay JWXO ku beenisay bayaan ay jimcihii soo saartay, waxayna sheegashada aan salka iyo raadka lahayn ee Zenawi ku tilmantay inay ka turjumayso sida maamulkiisu uu ugu guul darraystay wax ka qabashada xaqiiqada ka jirta Ogaadeenya, isla markaana uu si naf la-caarinimo ah isugu dayayo inuu u majara-habaabiyo ra’yul caamka shacabkiisa.

Ujeddada kaliya ee ka denbaysay been abuurka Meles waa sidii uu bulshada caalamka uga maldihi lahaa dareenkeeda la xidhiidha xaaladda ka sii daraysa ee ka jirta Itoobiya iyo abaaraha raafeeyay shacabkiisa ee xukuumaddiisu ku guul darraysatay inay wax ka qabato. Wuxuu sidoo kale ku qarinaya sida ciidankiisu ugu guul darraystay u babac-dhigidda JWXO, sidaas waxaa lagu sheegay bayaanka JWXO.

Meles Zenawi wuxuu kaloo borobogaandhadan uga jeedaa inuu weerarro kale oo waxshinmo ah ku qaado dadwaynaha Ogaadeenya, iyadoo maamulka dhiigya cabka ah ee Zenawi ay caado u noqotay inuu sannad walba ololayaal kuwii hore ka sii bahalsan ku qaado dadwaynaha Ogaadeenya, hase yeeshee wuxuu nasiib wanaag ilaa iyo hadda ku guulaysan la’yahay inuu dadwaynaha Ogaadeenya ku sandulleeyo siyaasadiisa addoonsiga ah, waxaana maalinba maalinta ka denbaysa sii kordhaya caabiga kaga imanaya dhinaca shacabka Ogaadeenya.

Qawlaysatada Jigjiga oo dil ku xukumay muwaadiniin reer Ogaadeenya ah

Qawlaysatada uu ku adeegto gumaysiga Itoobiya ee ka hawlgala magaalada Jigjiga ayaa daboolka ka qaaday inay dil ku xukumeen siddeed qof oo u dhashay dalak Ogaadeenya oo lagu eedeeyay inay ka denbeeyeen qarixii kal hore ka dhacay magaalada Jigjiga mar ay adeegayaasha gumaysigu u dabbaal dagayeen markii uu Meles xukunka qabsaday.

Qaraxan waxaa ku dhintay ugu yaraan 11 qof oo intooda badan ay dileen boolis ku sheegga qawlaysatada Jigjiga oo markii qaraxu dhacay rasaas huwiyay dadkii maxfalka joogay iyo kuwii ka ag-dhawaaba.

Kama jirto Itoobiya iyo Ogaadeenya midna maxkamad madaxbannaan oo si cadaalad ah u dhawri karta kaysaska loo soo gudbiyo, balse waxaa ka jira calooshood u-shaqaystayaal garsoorayaal lagu sheego oo ku dhawaaqa marba xukunka uu talisku ka dalbo in lagu rido qofka la shirqoolayo.

Toddobaad ka hor isla qowlaysatadani waxay xabsiyo dhaadheer ku xukumeen odayaal u dhashay Ogaadeenya. Odayaashaas waxaa ka mid ahaa Suldaan Fawsi Maxamed Cali, oo ah oday dhaqameed si wayn looga qaddiriyo dalka Ogaadeenya oo dhan, kaasoo lagu xukumay 22 sano, ka dib markii lagu eedeeyay inuu yahay maskaxdii ka denbaysay labo qarax oo 28 May 2007 ka kala dhacay magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagaxbuur iyo inuu xidhiidh la lahaa JWXO.

Shir Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Toronto – Canada.

Magaalada Toronto ee dalka Kanada waxaa toddobaadkan lagu qabtay shir ballaadhan oo lagaga doodayay kor u qaadista hawlaha halganka ee aaggaas, kaasoo ay ka soo qayb galeen xubnaha Jaaliyadda Ogaadeenya ee Toronto iyo nawaaxigeeda. Waxaa sidoo kale shirkan ka qayb galay Isu Duwaha Jaaliyadaha Ogaadeenya mudane Maxamed Macalin, oo warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa shirka ka soo jeediyay.

Isu Duwuhu wuxuu xubnaha uga warbixiyay xaaladda guud ee halganka iyo arrimaha ku soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa xidhiidhka la leh Halganka Ogaadeenya, wuxuuna tilmaamay in Halganka Ogaadeenya uu galay marxalado gabagabo ah, loona baahan yahay in dadaal dheeri ah la muujiyo, si la isu daba-raaciyo.

Gabagabadii shirka waxaa maamul cusub loo sameeyay Unugta JWXO ee Toronto iyo nawaaxigeeda, kaasoo baddalay maamulkii horay u waday hawlaha halganka ee aaggaas oo xilligiisii dhammaaday, isla markaana si wayn loogu ammaanay sidii hufnaydee ay hawsha u soo wadeen.

Itoobiya oo jabisay xayiraada hubka ee Soomaaliya

Guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u xilsaaran u kuur-galidda xayiraada hubka ee Qaramada Midoobay saartay dalka Soomaaliya ayaa khamiistii daboolka ka qaaday in Itoobiya ay ku tumatay qaraarkii hubka lagaga xayiray dalka Soomaaliya, isla markaana ay hub ku daabusho waddanka Soomaaliya, taasoo horseeday in xaaladda nabadgelyo ee dalka Soomaaliya ay ka sii darto.

Mdaxa guddigan, oo ah safiirka Koonfur Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Dumisani Kumalo, ayaa warbixin uu khamiistii siiyay xubnaha Golaha Ammaanka, wuxuu ku sheegay in rasaasta laga isticmaalo dalka Soomaaliya ay bixiyaan ciidammada Itoobiya, taasoo sii xoojisay dhibaatadii ammaan darrada ahayd ee Soomaaliya ak jirtay.

Kumalo wuxuu kaloo warbixintiisa ku sheegay in xukuumadda Itoobiya ay 25 diyaaradood oo hub ah keentay dalka Soomaaliya, isla markaana ay ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya joogaa qalab millatari siiyeen qabaa’ilka xulufada la ah.

Wuxuu kaloo warbixintiisa ku sheegay in ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xukuumadda ku meelgaadhka ahi ay ka qayb qaataan hubka Soomaaliya lagu daabulayo, arrintaasoo si wayn u wiiqday dadaalkii nabadeed ee Soomaaliya laga waday.
Danjire Kumalo wuxuu kaloo warbixintiisa ku sheegay in guddiga uu madaxda ka yahay uu rumaysan yahay in joogitaanka ciidammada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ay ka soo horjeedo oo meel ka-dhac ku tahay qaraarka hubka lagaga xayiray dalka Soomaaliya.

24 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS