SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Kaalmo lacageed ay iska soo ruriyeen qaar ka mid ah jaaliyada somalayeed ee ku dhaqan dalka ingiriiska oo la gaarsiiyey xeryo ay dagan yihiin dad aad u jilicsan iyo ispitaalka banadir bukaano  jiifa oo caafimaadkooda laga dayrinayo

Sawiro naxdin leh eeg halkan.....

Dhibaatooyinka dalka ka dhacay mudadii uu ahaa dowlad la.aanta waxaa hoos u sii dhacayey dhaqaalaha dad badan oo uu saameyn ku yeesheen dagaalada dabada dheeraaday ,isdilka , iyo qalalaasaha aan dhamaadka laheyn ee soo foodsaray umada somaliyeed meel kasta oo ay jooganba ,

Arintaa ayaa sababa u ah in dad badan ay ku kacaan waxaan laga fileynin oo ay nafta ku qancinayaan walow aysan qaarkood aqoon durugsan u laheyn sida shaxaadka ama tuugsashada oo aad wadooyinka qaarkood aad ku arkeysdid shaqsiyaad ka xishoonaya in ay wax ku weydistaan kuuna sheegayo in aysan weligood tuursan ,

Hadaba waqtiga lagu jiro owgeed ayaa qaar ka mid ah jaaliyadaha dalka dibadiisa ku nool waxay bilaabeen in ay lacago deeqo ah ku tabarucaan dadka ku jira ispitaalada iyo xeryaha lagu barakacay waana wadada lagu liibaanayo aduun iyo aakhiro ,

Intaa ka dib jaaliyada somaliyeed eek u dhaqan dalka ingiriiska gaar ahaa south holle ayaa gabdho somaliyeed iska soo uruuriyeen deeq lacageed tiradeeda aheyd $2138 doolar ayaa gargaar lacageed manta gaarsiisay laba xero oo ay ku jiraan dad la sheegay qaarkood in ay baahi darted u cuneen maqaar ka xoolaha waxayna gaarayaan 120 qoys waxaana manta loo qeybiyey lacag dhan $1000 doolar oo ay u soo wakiisheen qeybinteeda Marwo Caasha Cusman Ugaas ( Caasha Shaacuur ) oo iyadu gacanteeda ku qeybisay ,

sidoo kale waxaa la geeyey ispitaalka hooyada iyo dhalaanka ee banadir qeyb ka mid ah lacagtaan oo gaareysay $500 doolar bukaanadaan oo aan ku aragnay xaalad nololeed aad u liidata ayaa waxay qabeen cuduro kala duwan oo qaarkood ay ahaayeen kuwo halis ah oo aan dalka gudihiisa wax looga qaban Karin sida nin lagu magacaabo Rooble Yarrow Muumin oo qaba cudurka juudaanka isaga iyo 4 caruur ah oo uu dhalay balse wuxuu shegay in xaaskiisa ay ka badqadto cudurka oo isaga ka bilowday ka dibna ku fiday qoyskiisa wuxuuna ka codsaday bulshada caalamka iyo intii wax tari karta in ay ka caawinaan cudurka haayo isaga iyo qeyskiisa mudada 4 ta sano ah ,


sidoo kale waxaa ka mid ahayd bukaanadii adka u liitay haweeney lagu magacaabo Caasha Cali Maxamed oo iyadu aan seexan Karin ,fadhisan Karin ,istaagi Karin , sida ay sheegtayna hurdada ayaa ku yar mudo waxaana sidaa u galay nabar hoosta kaga yaal oo dhaqtardu sheegeen in aan dalka gudihiisa wax looga qaban Karin ,

ispitaalka ayaa manta waxaa jifay qeybta dhalmada 20 haween umula ah oo intooda badan qaliin lagu sameeyey waxaana ilmihii ka geeriyodeen 12 ka mid ah halka ay ilmahoodii oo nool ay heystaan 8 kaliye waxaana ka mid ah ahaa kuwa ay ku dhacday waxa lagu sheegay iskalamasiya oo ku dhaco haweenka marka ay umulaan waana cudur u eg qalalaka


sidoo kale waxaa ka mid ahaa bukaandii uu la tacaalayey isbitaalku Maxamed Cabdisamad geedi oo afka uu kaga dhacay cudur markii hore ka bilowday infagshin sida u ii sheegay isaga oo joogo qoryooley waxaana soo xasuusta gabadhi binti jeylaani aheyd oo afkiisa lagu soo xasuusanayo qoftii binti jeylani horey u aragtay waxaana isleeyahay ti binti ayaa rooneyd oo wiilkaan indhah looma dhameystiri karo walow aan binti jeylaani markii ugu horeysay ahaa qofkii sawirka ka qaaday inyada oo cabsi weyni ka muuqatay

sidoo kael waxaa ka mid ahaa bukaanadii manta ispitalka hooyada iyo dhalaanka lagu baxnaaninayey oo aan la kulanay wiil yar oo magaciisa lagu sheegay cabdulaahi oo afka ay uga taal buro qarisay ilkihiisa iyo wejigiisa kaas oo aan si quman loo eegi Karin oo aad ka naxayso waxaana la sheegay in aan dalka gudihiisa wax looga qaban Karin sida ay taqaatiirtu sheegeen wiilkaan qoyska uu ka dhashay ayaa u muuqday kuwo aan heysan dhaqaale ku filan mana jiraan bukaanadaan cid u maqan oo ay sugayaan marka laga reebo qaar ka mid ah jaaliyadaha dibadaha oo mar mar wax so garsiiya

deeqda manta la garsiiyey isbitaalak hoyada iyo dhalaanka ee banadir ayaa aheyd mid aan ku filneyn marka la fiiryo baahida bukaanda ,

deeqdaan lacageed ayaa qeyb ka ah lacago ay jaaliyadaha ku dhaqan dalka ingiriiska ay gaarsiinayeen dadka walaalahooda ah eek u dhibaateysan dalka gudhiisa waxaana ka mid ahaa dadkii manta ka faaiidasytay barakacayaal dagan tuulo lagu magacaabo burdheere oo u dhaxayso dagmooyinka balcad ,afgooye iyo muqdisho ay dagan yihiin ilaa 120 qeys oo aan heynsan wax dhaqaalo ah ,dadkaani xoolo malaha ,beero malaha waana dad aan shaqeysan horeyna uma lahayn dhaqaalo ku filan ayaa la garsiiyey kaalmo lacageed dhan $600 doolar iyaga oo sheegay in ay si aad ah ugu farxeen ay dabooli donto meel weyn iyaga oo u duceeyey dadkii iska so uruuriyey iyo kuwi soo gaarsiiyey

dadka dagan tuuladaan waxay aad uga cabanayeen biyo la.aan sababo ay ku sheegeen in aysan jirin ceel ay ka cabaan iyo wax ay dhaansadaan sidoo kale waxay sheegeen in aysan heysan rashin ku filan musqulo iyo daryeel caafimad intaba

dhamaan dadkii manta lo qeybiyey lacagaha ayaa ka kobnaa bulshada qeybaheeda kala duwan sida dhalaanka yaryar ,haween caruur heysta ,dad waayeelo ah kuwo ay hayaan cuduro , caruur agomo ah kuwo cuuryaamiin ah


lacagahaan ma aha kuwo kaafin kara baahida ay qabaan dadka ku jira xeryaha mana jiraan meel kale oo ay wax ka helayaan dalka somaliya manta malaha meelo loo shaqo tago iyo cid lo shaqeeyo waxaana halis ku jirta cid kasta oo ku nool dalka gudihiisa

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS