SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nabad ilaaliyaasha Midowga Afrika oo lagu eedeeyay in ay hub ka iibiyaan Mucaaradka

Kormeerayaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ka socda ee ku sugan Muqdisho in ay hub ka iibiyaan kooxaha kasoo horjeeda Dowlada Soomaaliya iyo Waliba Ciidamada Itoobiya.

Kormeerayaashaan ka socda Qaramada Midoobay ayaa eedeyntaas si gooni ah dusha uga tuuray Ciidamada Ugandha ee jooga Muqdisho, waxa ayna eedeyntaan dabo sooctaa dagaal lagu dilay Shan qof, saddex kalena lagu dhaawacay oo Jimcihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warbixinta Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ay soo saareyn ayaa loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa maalintii Khamiista aheyd, waxa uuna warkan imaanayaa waqti Hogaamiye Shiikh xasan Daahir Aweys uu balan qaaday in si xoog ah ay wadanka uga saarayaan Ciidamada Itoobiya islamarkaasna ay abuurayaan Jamhuuriyad Islaami ah.

Mr Aweys waxa uu wadahadalada ay wado Qaramada Midoobay ee dhawaan ka furmay Djabouti ku sheegay kuwo aan lagu farxidoonin ilaa Itoobiya ay ka baxdo Soomaaliya.

"Qaramada Midoobay ma ahan Dhexdhexaad.ma dooneyno wadahadalo Nabadeed oo ay mugdi ku jiraan," ayuu yiri Shiikh Aweys.
"Qorshaheynu waxa ay tahay in aynu sii wadno halganka, waa muhiim in aan dalkeena kasaarno Cadowga" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Isaga oo sii hadlaya ayuu mar kale dhahay "ma dooneyno in aan u dagaalo dhimasho, ma dooneyno in aan dilno dhamaan Itoobiyaanka, waxa aynu dooneynaa in aan badbaadino, waxa aynu dooneynaa inay naga tagaan."

Dagaal yahanada raacsan Mr Aweys ayaa sababta ay u dagaalamayaan ku sheegay in ay tahay in ay doonayaan in Askarta Itoobiya oo idil ay ka baxaan Ddalka.

Saraakiisha ku lugta Leh

Kooxda Kormeerayaasha ah ee Qaramada Midoobay ayaa yiri in hubka laga iibiyay Dagaalyahana ay siiyeen Magaca Islaamiyiinta ay ku lugleeyihiin Saraakiil caan ah oo ka wada tirsan Dowlada Soomaaliya, itoobiya iyo kuwo Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.

Quburadaan waxa ay sheegeyn in hub badan oo ka yimid Ciidamada Dowlada ay Nabad ilaaliyaasha Uuganda ka iibiyeen kooxaha kasoo horjeeda.

Ciidamada Amison ee hadda jooga Soomaaliya ayaa gaaraya 2,500 oo ka socda Uganda iyo Burundi, taas oo ah tiro yar oo ka mid ah 8-kun oo Mmidwoga afrika u qoondeeyay in Soomaaliya ay ka howlgalaan, iyaga oo caawinaya Dowlada Soomaaliya.

"marka loo iigo Ganacsiga hubka, saanada ugu badan ee rasaasta taal Suuqyada ayaa laga helay taliyaasha Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowlada, kuwaas oo si rasmi ah sanduuqyo hub ah ugu diray Kooxaha kasoo horjeeda si ay ugu dagaalamaan," ayaa lagu yiri Warbixinta.
Kooxda Warbixintan soo saartay ayaa ku eedeeyay Wadamada Dariska la ah Soomaaliya ee Itoobiya, Yeman iyo Eritrea in si joogta ah ay u jabiyeen cunaqabateynta hubka ee la saaray Soomaaliya, iyada oo hubka si aan joogsi laheyn u galiya Soomaaliya.

Sidoo kale, Maamulada Soomaaliland iyo putland ayaa ka mid ah goobaha hubka la galiyo.

'Wadiiqooyinka Sirta'

Cadeynta qulqulka hubka dhiigu ku daatay, ayaa Warbixinta Qaramada Midoobay lagu yiri , waxaa jira wadooyin badan oo la soo xogwareestay, iyadoo hubka Soomaaliya uu kusoo galo qaabab kala duwan haddii ay ahaan laheyd mid kasuu gaara Doonyo yar yar ama kuwo Gawaari looga soo gudbiyo xaduudaha.
"Ciidamada Booliska ee Soomaalida ma ahan kuso si adag uga hortagi karo kooxhaan hubka soo galiya,inkastoo ay xaqiiqdu tahay in qaar badan oo ka mid ah ay haleyn tababaro ku aadan arrintan."
Warbixintan waxa ay sidoo kale muujisay walaaca ku aadan in Deeqbixiyayaasha ay ka welwelsan yihiin qaababka loo bixiyo Deeqaha la siiyo Dowlada
"qaar ka mdi ah Deeqbixiyayaasha ayaa muujiyay ku qanacsanaan la'aan ku aadan qaabka loo maamulo Deeqaha la siiyo Dowlada,inkastoo ay kooxaha Nabada iyo howlaha aadanaha ka shaqeeya ee Soomaalid ay calaameeyeen in loo isticmaalo qarashaadkaasi qalab," ayaa lahu yiri

Cunaqabateynta Hubka

Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa ayaa Soomaaliya kusoo rogtay Cunaqabateyn dhanka hubka ah sanadkii 1992 kadib markii wadanka ka dilaaceyn dagaalo qaraar oo talada looga tuuray Maxamed Siyaad Barre, waxa ayna Soomaaliya laheyd Dowlad Militry ah ilaa sanadihii 1969-1991.

Ilaa iyo 1992, kooxo Soomaali ah ayaa waxa ay ku jireen khilaaf dhexdooda ah, taas oo ka hortagtay shaqeynta Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya la saaray.
Golaha amaanka ayaa diiday codsi madaxweynaha Soomaaliya uga yimid ee ahaa in la qafiifiyo Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saran.

Ciidamada Dowlada iyo Isbaheysigooda Itoobiya oo ay wheel u yihiin kuwo nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa bartilmaameyd cad u noqday weerarada ay soo qaadaan kooxaha mucaaradka, taas oo sii xumeysay amaanka iyo sii socoshada howlaha aadaninimo ee laga wado wadanka.

Ciidamada Wadareed ee Itoobiya iyo kuwo Dowlada ayaa eryay awoodii maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka talinayay in kabadan Lix bil, iyada oo lagu eedeeyay xariir ay la leeyihiin Kooxaha Mareykanku ku sheego mayal adag.

muxyadinMuxyadiin Axmed Rrooble
Nairobi, kenya
E-mail: saadaam_7@hotmail.com
Mobile:+254728003737

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS