Caaqil Koogaar: Moqdisho ama waxay noqonaysaa meel Somali oo idil caasimad
u ah, ama meel reer yeesha HORDHAC
Waxaa sharaf inoo leh in aan marnaba la hilmaamin Muslimnimada iyo
muwaadini-nimada somaliyeed. Qormadana waxay baraarujin u tahay umada somaliyed
gaar ahaana Caaqil Xaaji Maxamud Cali Jimcale (Koogaar). Qaab dhismeedka qormadu
waa si akhristaha u sahlaysa qodabka uu markaa xiisaynayo waxaase ka haboon in
la wada akhriyo si xogtu isugu dheeli tiranto.
TUSMO:-
(1) CAASIMADAHA ADUUNKA.
(2) TAARIIKHDA MUQDISHO.
(3) FAA-IIDOOYINKA UU CAAQILKU HOR ISTAAGAY.
(4) MUHIIMADA CAASIMAD LA WADAAGO.
(5) WAXA AAN KA AAMINSANAHAY DAWLADA FEDERALKA AH EE SOMALIYEED.
(6) TALO SOO JEEDIN.
(7) DUCO HOO DALKAYGOOW.
(1) CAASIMADAHA ADUUNKA.
Caasimad waxaa lagu yaqaan in ay tahay meel qoomiyadaha wax wadaaga iyo
dawladnimadu ka dhaxayso ay wadaagaan. Wali ma dhicin caasimad kooxi si gaar ah
u sheegato waayo maal galinta guudi waxay ka imanaysaa gobolada kale oo idil,
waxay noqonaysaa bartii guud ee shacbiyada oo idil, iyo meesha qura oo
dhaq-dhaqaaqa guud laga xakumo, maxaa yeelay waa hoygii Dawlada dhexe waana inay
ahaataa meel aan nina ku dareemin in laga leeyahay. Waxaa muranku ka taagan
yahay caasimadu gobol ayeey ku taal marka gobolkaas dadka daga ayaa iska leh,
balse sida aynu la wada socono caasimad kastaa waxay ku dhaxtaal gobol,
gobolkaas oo leh caasimad gobolka u gaar ah ama dagmo laga xakumo gobolkaas.
Balse magaalada caasimada dhexe ah iyo nawaaxiga ay magaaladaasi ku fadhido oo
qura waa meel umadoo idil u dhex ah. HADALKABA KA GARO MAXAA CAASIMADA DHEXE LOO
YIRI? HADAYSAN UMADA U DHAXAYN. EE WAX KULA LIHI AMA KAALIHI AHI MA JIRTO.
(2) TAARIIKHDA MUQDISHO.
Laga soo bilaabo wakhtigii faraaciyiintii (pharaoh), Arabs, Portuguese,
sin-sibaarki iyo talyaanigii muqdisho waxay ahayd magaalo ganacsi, oo laga
dhoofin jiray xoolaha nool, beeyada iyo maydiga udgoon, dalaga iyo qudradaba.
Magaaladu waxay hoy u noqotay qoomiyado badan oo ka ganacsan jiray amaba ku
dhashay kuwaas oo leh dad Somali ah iyo dad jinsiyado kaleba wata.
Guumaystayaashii ilaa xarnimadeeni magaaladu waxay ahayd caasumad taas oo ay
kaliftay istaratijiyada wanaagsan ay haysato. Caasimad iyo rug gabacsi ayeey
ahayd wakhti ku dhow 4000 oo sano, taas oo saamaxday in dad aad u tiro badani ay
hanti iyo maalba gashtaan kuwaas oo kala ahaa beero, guryo iyo hantida guurtaba.
Marka taas laga soo gudbo muqdisho iskaa wax u qabso ayaa lagu dhisay, cid
cidkale kaga hanti badana ma jirto hadii la eegayo bur-burkii ka hor. MARKA
SOMALIYEEY MUQDISHO YAA ISKA LEH?
(3) FAA-IIDOOYINKA UU CAAQILKU HOR ISTAAGAY.
I) Magaalo hadii la isugu yimaado waxaa dakhliga ugu wayni galayaa qofkii dagaan
ah waayo daruuriga oo dhami xagiisa ayuu ka imanayaa, sida kirooyinka, caanaha,
qudrada, tukaanka iyo ganacsiga guudi.
II) Waxbarashadii iyo khibradii ka dhalan lahayd meel qoomiyado isugu yimaadaan.
III) Isku duubnidii iyo is dhexgalkii aan qofna dareemayn in laga xigo caasimada
dhexe ee shacabka Somaliyeed.
MARKA QOFKII INTAAS KASOO HORJEESTA MA MEEL UU LEEYAHAY BAA JIRTA??? MISE DEEX
BUU XALAALAYSANAYAA????
(4) MUHIIMADA CAASIMAD LA WADAAGO.
Sida aynu ognahay caasimadi waa meel ay shacabku isku dhexgalaan isku bartaan in
ay wax wadaagaana ayku ogaadaan. Waa meel mudane iyo marwo, shabaab iyo dhalaan,
wasiir iyo dulaalba ay ka wada shaqeeyaan. Waa meel shaqsi kasta oo muwaadin ah
guri iyo hantiba ku yeelan karo. Waa meel aan laga xakumin gobol balse goboladoo
dhami hoos tagaan. Waa meesha kaliya ee ubaxa mastaqbalka ee wadan lagu
barbaariyo ayna ku bartaan muwaadinnimadu waxay tahay. MARKA MEESHAAS HADII LA
ISKA XIGO SEE BAL QARAN U JIRAYAA?
(5) WAXA AAN KA AAMINSANAHAY DAWLADA FEDERALKA AH EE SOMALIYEED.
Anigu fikrad ahaan iyo ficil ahaanba waan kasoo horjeedaa Dowlada dhexe ee hada
dalka ka jirta waayo muwaadin kastaa uma adkaysan karo geerida walaalihii, hanti
bur burka, dhaca dilka, kufsiga, abaarta iyo qaxa maalin kasta dhacaya. BALSE
SOMALIYEY MA WAXAAD GARATEEN MAALINKASTA IN AYNU EBER SHAQO KA BILOWNO???
(6) TALO SOO JEEDIN.
a) Somalidu waxay dhahdaa hadaan la kala roonaan roob ma da'o, marka si aan roob
khayr u helno waa in aynu dulqaad samaynaa oo Dowladani haday xuntahay waa in
aynu ka warsugnaa kuwa iman doona sanadaha soo socda kuwaas ayaa isbedel muuqda
samayn doona, hada wakhtigii xuma wadayaashu waaba iska gabaabsi, toban sano
kadib insha allah waxay u kala baxayaan:- 1) kuwo xabadi cuntay, 2) kuwo
sirqoobay oo tabar gabay, 3) kuwo waashay aana waalan oo qofkastaa siduu u lahaa
habaar qabihii waagii uu xisku qalibmay. Marka wakhtigaasi ma foga ee dulqaadka
hala badiyo.
b) Wacyi galin talo siin iyo baraarujin ayeey shacabku u baahan yihiin iyo dadka
in la baro dowladi waxay tahay, waxay tarto iyo qaanuunkeedaba. Hada dadka
badankii waxay ku baraarugeen bur burkii shaqsi dhifa ayaa yaqaan dowlad waxay
tahay. Marka yar iyo waynba waa in aynu u istaagnaa sidii shacabka la isugu
duubi lahaa taas oo 90% caawimi karto dib u dhaladka somaliyeed. Dawladu ma aha
sidii ganboolaydiii in ay guryaha ku jiraan balse waa in ay fagaaraha usoo
baxaan oo ay intay micro or macro phones qaateen oo dadka wax u sheegaan.
Nabadoonada iyo Caaqiladii somaliyeed waa in ay shaatigoodi hore ee nabada soo
qaataan si ay umada ay qabiilka ku qafileen furahoodina ay qarsadeeen ay hadana
wax fiican ugu sheegaan.
c) Caasimadu waa in aysan gobolna hoos tagin, gobolka banaadirna waa in magaalo
madax loo sameeyaa. Magaalada muqdisho iyo intay ku fidi kartona waa dhul
federally ah oo dad isku dhaf ah ayaa imanaya dadkaas waa in loo helaa Police
ama military isku dhaf ah si aan nina nin magan ugu noqon caasimada markii la
joogona loo dareemo magaalo dadka isu keenta in ay tahay. Hadii maanta muqdisho
reer kaliya ay waar diyeeyaan ama ay ka talinayaan abnigii ayaa yaraanaya ninkii
reerkaas ah oo wax gaystaa baxsi ayuu helayaa dadkii is aamini mayaan oo waxay
oranayaan magaalo reer hebel caasimadii dhismi mayso oo gacmo wadajir bay wax ku
gooyaan. MARKA RAYIGA ORANAYA CAASIMAD CIDI HA YEELOTO WAA SIDEE???
d) Hadii muran ka yimaado muqdisho Somalia waa dhul banaan ee bogcad la wadaago
hala dhiso iyadaaba sahlan in hada si sahal iyo quruxiba ku jirto loo dhiso
waayo laf jabtay sideedii ma noqoto kharash badana wuu ku baxaa natiijo
wanaagsanina kama timaado marka hala raadiyo meel shacabka hooyo u noqon karta
magaalooyinka casriga ahna la tartami karta. Muqdisho waxay ahayd naqshadihii
qadiimiga ahaa xitaa wadooyinku waa kuwo aad isugu dhow, biyo galin, koronto iyo
gaasba warkooda daah, marka meel caasimad casriga la jaan qaadi karta hala
raadiyo sidaas ayaa xalku ka dhow yahay.
Caaqil Koogaar Moqdisho ama waxay noqonaysaa meel Somali oo idil caasimad u ah,
ama meel reer yeeshaan oo looga guuro caasimad Shacab waynaha Somaliyeed ay
wadaagaan.
(7) DUCO HOO DALKAYGOOW.
Illahow barwaaqadii iyo nabadii aad horay noo siisay kuwo ku caasiyey ayaan
noqonay ee adigaa naxariiste ah ee noo naxariiso. Illahow adigaa qaadir ah amar
kaaga mid aan ahayna mafulo ee nabad, cadaalad, iyo dowlad islaam ah ayaan kaa
barinay. Illahow adigaa kaliya illaah kalena ma jiro adoomahaaga u naxariiso.
Illahow inta habowsan caqa tus inta wanaagsana taqwadooda u siyaadi.
MAHADDA KOOWAAD EEBE AYAA LEH
MAHADSANIDIN
Qormadaan waxaa ka mas-uul ah qoraha ku saxiixan
Eng: Mohamed Bashe Abdullahi (talaabo cade)
Email: mbaashimbc@hotmail.com Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2008 |