SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/AFRICA

Dhibaatooyinka haysta Soomaalida ku nool Koonfurta Afrika oo sii kordhaya

Qaxootiyada Soomaaliyeed ee ku kala firxaday Dunida daafaheeda ayaa waxaa intooda badani haysta dhibaatooyin aad u culus oo aan qoraal lagu soo koobi karin ,hase ahaatee waxaa ugu darran tan ka taagan Koonfurta Afrika (South Africa) Qaxootinimadii oo weliba oo ay u weheliso Dil,Dhac iyo boob joogta ah dhibaatadani oo ilaa iyo hadda xal loo la'yahay ayaa waxay noqotay mid faraha loogu gubtay oo ay ku maqan yihiin Soomaali gaaraysa boqolaal oo Dhimasho iyo Dhaawacba leh ilaa iyo haddana loo geysto maalin walba .

Dhacdooyinkani ayaa markii ay bilowdeen ,dhallinyaro fara badan oo ku nool waddamada reer Galbeedka waxay qaadeen tallaabooyin looga hortayo iyagoo la kaashanaaya Madaxda Sare ee Dalalka ay ku nool yihiin waxayna ka codsadeen inay qaadaan tallaabooyin Sharci ah oo lagu joojinayo Dilka iyo Xasilooni darrida loo geysanayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Waddanka Koonfur Afrika taasoo noqotay tallaabooyinkii ugu horeeyey la fulliyey.

Shir looga hadlayey arrimahan oo uu soo qabanqaabiyey Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Xafiiska Senator Coleman , Aqoonyahan Maxamuud Warheere ayaa waxaa aad loogu lafa guray sidii loo badbaadin lahaa Qaxootigaa Soomaaliyeed ee ku sugan Koonfurta Afrika kuwaas oo ay soo foodsaartay Xaalad aad u murugsan , Mr. Wardheere wuxuu ballan qaaday inuu u gudbin doono Xafiiskiisa wixii talo ahaa ee Shirkaasi ka soo baxay wuuna gudbiyey isagoo ka soo saaray qoraal aad u dheer oo u aadan Dowladda South Africa.

Sidoo kale waxaa la hor dhigay Dhacdooyinkan ka jira Koonfurta Afrika dhammaan hay'adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Adduunka , hase ahaatee waxaa nasiib darro noqotay in ilaa iyo hadda aysan ka hadlin Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee DFKMG ee la doonayey inay arrimahani ka hadasho , Shacabka Soomaaliyeed ayaa Dowlad la'aantu waxay u keentay inay la mid noqdaan Ugaartii oo meel waliba oo ay Dunida ka joogaanba lagu Ugaaranayo oo aysan haysan cid u doodaysa Xuquuqdoodii ay lahaayeen oo dhan.

Qaramada Midoobay, African Union,Jaamacadda Carabta, Ururada u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Dunida ,ayaa waxaannu ka codsanaynaa inay soo saaraan baaq cad oo ku wajahan sidii loo badbaadin lahaa Qaxootigaa Soomaaliyeed ee ku la'anaya koonfurta Afrika iyo sii loo joojin lahaa falalkaa waxashnida ah ee loo geysanayo Qaxootigaa Soomaaliyeed ee ku sugan Waddankaa Koonfur Afrika, iyadoo weliba Maxkamad la horkeenayo kuwii ka Mas'uulka ahaa Dilka, Dhaca, iyo Boobkii loo geystay Qaxooyiyadaa Soomaaliyeed.

Waxaannu kaloo ka codsanaynaa dhammaan Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hawl jiray arimahan inay sii wadaan xoojiyaana sidii loo soo afjari lahaa Dhibaatooyinkan oo imminka ay Xaaladoodu faraha ka sii baxayso Dilka ,Dhaca iyo Boobkuna uu noqday mid sii fidaya oo ku baahay Magaalooyinkii waaweynaa oo ay Ganacsatada Soomaaliyeed ay degenaayeen , Xaalladu waa inay noqotaa mid loola tiigsado "International Law",Qaxootigana loo weydiiyaa Qaramada Midoobay inay Waddan kale oo nabad ah ay dejiyaan si looga badbaadiyo Dilka, Dhaca iyo Boobka joogtada ah ee haysta South Africa.

Qoraalkani ,waxaannu kaloo Ammaan ugu soo jeedinaynaa Dhammaan Cidii gacan ka gaysatay badbaadinta Qaxootigaa Soomaaliyeed ee Walaalaheen ah oo ay Dhibaatadu ku haysato Koonfur Afrika , Idaacadaha,Websaadyada, Suxufiyiinta, Aqoonyahada, Culimada, Dhallinyarada, Hooyooyinka, iyo waxgaradka Soomaaliyeed, sidoo kale dhammaan hay'adaha Xuquuqda Aadanaha u dooda ee Dunida iyo kuwa Soomaaliya ka howlgala sidii ay gacanta ay uga geysteen Xal u helida Xaaladan murugsan ee ay ku sugan yihiin Qaxootigan Soomaaliyeed ee Dalkoodii ay weli Dagaaladu ka socdaan.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS