SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XAMAR

Qaar ka mid ah Gabdhaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London oo deeq lacageed Gaaraysa $2000 Garisiiyey dad barakacay, dad waalan, caruur agoon ah , qaxooti oromo ah oo ku sugan magaalada muqdisho iyo hereeraheeda....

Sawirada halkan ka daawo... Guji...

Deeq lacageed gaaraysa $2000 doolar oo ay si mutadawacnimo ah isaga soo uruuriyeen walaalo u sarakacay in ay wax taraan bulshada ku dhibaataysan dalkooda hooyo ayaa maanta laga qeybiyey gobo kala duwan oo ay ku dhibaataysnaayeen dad weyne farabadan ,

Kaalmadaan ayaa waxaa ay so wakiisheen dadki iska soo uruuriyey gabdhaha kala ah

SUAAD AXMED OO JOOGTO WEST LONDON
CASHA ABDULAAHI NORTH WEST LONDON
LAYLA MAXAMED WEST LONDON
Waxaana soo gudbinteeda gacan weyn kla geysta Ahmed Abdi Macalin oo suurt agaliyey in uu soo gaarsiiyo

Deeqdaan oo lagu soo hagaajiyey Muuse Maxamuud Jiisow ayaa laga qeybiyey gobo cayiman oo ay u soo qorsheeyeen samafalayashii lacagaha iska so uruuriyey

Waxaana ay kala ahaayeen sidii loo qeybiyey

1. kamka ahlukheyr $400
2. kaamka KM10 $400
3. kaamka zinzibar $400
4. kaamka oromada $400

deeqdaan lacageed ayey waxay ugu talagaleen in loo qeybiyo walaalahooda dhibaataysan oo qaarkood miirku ka maqan yahay ,xeryaha ku jira oo aan heli Karin wax ayku maareeyaan noloshooda

qoraalka oo sidaa ahaa darted ayaan raacnay isla markaana la siiyey dadkii aan halkaa kula kulanay lacago doolar ah maadaan ay codsadeen dadkii soo diray waxayna isugu jireen bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo dad u baahnaa in wx la taro intada badan waxay dagan yihiin guryo aqalo ka sameysan bacao , baakado ,calalo (maryo ) duug ah , iyo ulo udbo u ah kuwaas oo aan calin karin ,roobka ,qoraxda, dabeysha, kuleylka iyo qabowga ,waxaana lagu jiraa xiligii roobabaka nmana heystaan dadkani wax ay kga gaashaantaan ,

qaxootixeryihii maanta ay la gaarsiiyey deeqahaan ayaa waxaa ugu badna dadkii ku jiray haween caruuro dhabarka ku sida oo lamaan , dad waayeel ah , kuwo cuuryaan ah , haween asaay sida oo ragoodii lagu dilay dagaalada hada socda haween uur leh , kuwo ilmo nuugayaan, barakacayaal aan midkoodna meel u shaqo tagin in ay geed hoostiis harsadaan mooyee

gudoomiyaha xerada qaxotiga oromada Maxamed Adan kiraa oo isna ay ka faaiidaysteen dadka ku jira xaradooda ayaa ku tilmaamay kaalmadaan mid u buuxisay kaalinti hay.adda UNHCR ee mar hore ay ka lumen waraqahoodii wuxuuna xusay in ay mar walbo so xasuusstaan jaaliyadaha dalka dibadiisa joogo ayna ka helaan in badan oo ka mid ah wixii ay uga baahnaayeen walow uu sheegay in aysan ku filneyn wixii ay heleen isaga o yiri bini aadanka waxaa deeqi kara caro marka qabriga la dhigo

kaammakii ka faiidaysta kaalmadaan lacageed ayaa waxaa ka mid ahaa kaamka jabuuti eek u yaal xaafada buulo xuubey oo ay dagan yihiin dadka soo barakacay wadamada dariska la ah dalka somaliya iyaga oo daganaa mudo dheer ayaa waxaa ka mahadceliyey ka dib markii la gudoonsiiyey $400 dolar gudoomiyaha kaamka Cabdulaahi Cali Rubey isaga oo sheegay in deeqdaani ku soo aday xili ay si aad ah ugu baahnaayeen dadka xerada ku jira oo aan heli Karin nolol maalmeedkoda
wuxuuna ugu duceeyey in halkii laga soo qaaday lacagtaan uu illahey ugu badalo wax ka qeyr badan dadkii soo dhiiabayna in uu ilaahey sadaqa ka aqbalo isaga oo codsaday in ay intaa ku ekaanin oo ay soo wadaan gacanta walaaltinimo sida ay hada yeeleena aysan ka caajisin

Sacdiyo Maxamed Isaaq oo ah gabar dhaawac uu ka soo garay shil gaari gari mudo 4 sano laga joogo kaasoo sababay in ay ka jabto bowdada iyo labada gacmood iyo lugta bidix waxaana intaa u sii dheer in uu ka baxsaday darawalkii gariga waday ka dib markii uu jiiray taasoo dhib ka soo martay sidii ay u heli laheyd xanaano iyo baxnaano iyada oo waalidkeedna uu horey u geeriyooday oo sacdiyo hada malaha wax ehel u ah waxayna dagan tahay guri yar oo bush ah kana sameysan maryo iyo baakado waxayna sheegtay in ay u baahan tahay daryeel caafimaad waxayna codsatay in la geeyo ispitaalada dibada si ay adimadeeda ugu Socoto

Deeqdaan kaalmada ah ayaa waxaa soo garsiiyey Muuse Maxamuud Jiisow qaar ka mid ah xeryahay ay ku jiraan dadka guryahoodi ka barakacay ,agoonta ,caruurta derbi jiifka ah ,dadka waalan hadaba Maamulaha xarunta caruurta agoonta ah dadka waalan iyo ilmaha darbi jiifka ah Cabdiraxman Macow Xaaji Maxamed oo la garisiiyey qeyb ka ah lacagihii deeqaha ahaa ee ay soo direen walaalaooda somaliyeed ee bulsha ay ku dhexnool yihiin la dhex qaaday kiisha ayaa ka hadlay munaasibadii lagu gudoonsiinayey kaalmadaan reer London ay ku magacaabeen kiishka wareega ,

Xeradaan ahlu kheyr waxaa ku jra 150 caruur agon ah 6 caruur darbi jiif ah iyo 30 qof oo waalan qaarkoodna ay geedo ku xirxiran yihiin isaga oo u mahad caliyey una duceeyey walaalaha muslimiinta ay so direen jaaliyada dalka ingiriiska gaar ahaa gabdhaha kala ah

Sidoo kale waxaa ku nool ilmo aan aabe iyohoyo laheyn oo qarkood looga cararay ispitaalka soso wuxuuna ii sheegay in gaaladi ay kaxaysteen intii cafdimadka qabtay balse ay ka tageen laba ka mid ah ilmiihii ay xanaaneyn jireen markii ay dalka ka baxayeen

Waxaa iyane jira dad kaawan oo qaarkood u haayey mudo ku dhwo 10 sano oo aan ilaa iyo hada cid so sheegata aysan jirin wuxuuna ku quudiyaa sida u ii sheegay danbiil lala dhex wareego uamda iyo jaaliyadaha dinbada oo wax so garsiiya

SUAAD AXMED OO JOOGTO WEST LONDON
CASHA ABDULAAHI NORTH WEST LONDON
LAYLA MAXAMED WEST LONDON
Wuxuuna ilaahey uga baryey in uu muradkooda u sahlo meesha ay joogaana uu ku xafido wuxuuna ugu baaqay in ay halkaa ka sii wadaan howsha samafalka ah ay u haayaan dadka dhibataysan ee dalkooda loogu miyid ,

Gudoomiyahay kaamlka KM10 ee daniyo daacad Cisman Cabdi Mxamuud oo ka mid ah kaamamkii liiska ku qoraa ayaa waxaa la gudoonsiiyey deeq lacageed gaaryesa $400 doolar oo ka qeyb ka mid aheyd $2000 doolar oo loo qeybinayey ilaa 5 kaam kuwaas oo laga deyriyey xaaldooda dhaqaale iyo caafimad

Cisman Cabdi Mxamuud oo ah gudoomiyaha kaamka dan iyo dacad ayaa saxafada uga warbixiyey in ay ku yaryihiin musqulaha oo aysan heysan wax daryeel caafimad ah sidoo kael wuxuu sheegay cisman in ay ku yaryihiin waxyaabaha ay ka mid ka yihiin huga hoyga rashinka isaga oo u duceeyey gabdhihii dalka ingiriiska uga so diray dhaqaalaha maanta al gaarsiiyey dadkaan soo barakacay oo walaalahooda ah ,

Gudoomiyah kaamka KM10 ayaa ka mahad celiyey sidoo kale wuxuu duceeyey intii soo garsiisay iyo inti ka qeyb qaadatey soo gudbinta kaalmadaan wuxuuna sheegay in kaamkaan hore uu ugu ahaa goof ay leeyihiin hase yeeshee ay qoyskiisu ku soo
Cisman ayaa si kaftan ah u yiri Hore u dhiibo adaa helaayee ama iska heyso nin kale ayaa u harayee dhanka wax barashada iyo caafiaad ayaa aad uga liitaan inta badan maalintii waxay fadhiistaan geedaha hoostooda ayuu hadalkiisii ku soo koobay

dhaweeyeen dadkaan ku so barakacay hadana waxaa dagan ilaa 270 qoys oo ka so barakcay Xafadaha magalada Muqdisho

gabagabadii iyo guaanadkii ayaa waxaa ka hadlay Muuse Maxamuud Jiisow oo sheegay in uu dhamaan gaarsiiyey goobhii loogu talagalay in la garsiiyo deeqdaan lacageed oo gaareysay ilaa $2000 wuxuuna xusay in ay soo garsiiyeen walaalo somaliyeed oo mid kodna horey uusan u garanaynin kuwaas oo ku aaminay qeybinta lacagtaan uuna qeybiyey isaga si nabad galyo ah ilaahey howshii loo xilsaray ugu garab galay

hay.adda garagaarfoundation iyo kiishka wareega ee ka dhisan dalka ingiriiska ayaa mustaqbalka waxaa lagu tala jiraa in lafa furo wadamo badan si wax loogu qabto ummada somaliyeed eek u dhibaateysan dalka gudihiisa iyo diobadiisa alcagtaana waxaa iska soo uruuruiyey jaaliyada dalka ngiriiska oo ay ka mid yihiin gabdhaha kala ah

SUAAD AXMED OO JOOGTO WEST LONDON
CASHA ABDULAAHI NORTH WEST LONDON
LAYLA MAXAMED WEST LONDON
Iyo Ahmed Abdi Macalin oo suurta galiyey in ay lacagtani soo gaarto aadbaana ugu mahdcelinayaa inti ika qeyb qaday iyo intii suurta galisay iyo dhamaan dadkii laga soo uruuriyey waxaana boorinayaa in ay halkaa ka sii wadaan sadaqa oo aad loo amaan cida gaysatana abaalkeeda aduun iyo aakhiraba ay helayso

Sawirada halkan ka daawo... Guji...

Deeq Lacageed oo la gaarsiiyey Dadka Reer Sinsibaar oo ku nool Xera Qaxooti oo ku taal Muqdisho....

Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@hotmail.com
Muqdisho bakaaro somaliya
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS