SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Yaa Ka Talinaya G/Hiiraan?

Magaalad B/Weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ayaamahan waxaa ka taagnayd xiisad ku salaysan gudoomiyihii ka talin lahaa gobolkaas.
Balse magaalada B/Weyne ee caasimada Hiiraan waxaa ku sugan Axmed Yuusuf oo isagu ahaa gudoomiyihii hore ee maamuli jiray Hiiraan.

Maxamed Axmed Maxamed oo loo soo magacaabay gudoomiyaha cusub ee G/Hiiraan ayaa waxay isku maan dhaafsan yihiin Axmed Yuusuf midkooda ah gudoomiyaha rasmiga ah.

Axmed Yuusuf (Daba-Geed) ayaa isagu wali ku andacoonaya in uu yahay gudoomiyaha rasmiga ah ee G/Hiiraan, oo intaas raaciyay in aanu aqoonsan doonin gudoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay gobolka, xilna aanu ku wareejin doonin.

Wuxuu kaluu sheegay in uu isagu haysto waraaqo ay usoo saxiixeen golaha xildhibaanada G/Hiiran iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo isna waraaq usoo saxiixay in uu yahay isagu wali gudoomiyihii Gobolkaas, balse gudoomiyaha cusub ee Maxamed Axmed Maxamed ayaa isaguna wuxuu ku andacoonaya waraaqo kuwan ka duwan.

Maxamed Axmed Maxamed ayaa isaguna ku andacoonaya in uu isagu yahay kii rasmiga ahaa ee loo soo magacaabay wakhtigan isaga ah. Gudoomiyahan cusub wuxuu cadaymo u haystaa waraaq ka timi gudoomiyaha Barlamaanka iyo mid ka timi Prime Ministerka oo labaduba u sheegeen in uu hada wixii ka danbeeyo maamuli doono Gobolka Hiiraan.

Wuxuu kaloo sheegay in uu Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu tusay waraqahan cadaymaha ah, halkaas oo uu Madaxweynuhuna uu ku raacay in uu isagu noqdo gudoomiyaha rasmiga ah ee Hiiraan.

Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan Maxamed Axmed Maxamed wuxuu kula hadlay telefoonka Axmed Yuusuf oo ku sugnaa magaalada Muqdisho sidii uu uga dhaadhicin lahaa in uu yahay gudoomiyaha rasmiga ah, balse Axmed Yuusuf oo isna gudoomiye sheeganaya ayaa hadalo kul-kulul iyo hanjabaad ugu jawaabay gudoomiyaha cusub.

Axmed Yuusuf wuxuu sheegay in uu xilka wareejinayo hadii uu keeno waraaq cadaynaysa in uu Cabdullahi Yuusuf usoo saxiixay in uu gudoomiye ka noqdo Gobolka Hiiraan.

Mas'uulka Isbahaysiga u qaabbilsan Arrimaha Gudaha, Cumar Xaashi, ayaa isaguna qalalaaso ka wada magaalada B/Weyne, wuxuuna ku soo beegmay mar aanay cadayn guddomiyaha rasmiga ah ee arrintaas wax ka qaban lahaa, Cumar Xaashi oo ka faa,ideysanaya muran ka dhex taagan labadan gudoomiye ayaa qudbado ka jeediyay magaalooyinka Buulo Burte iyo Jalalaqsi oo ka tirsan G/Hiiraan, mar la waydiiyay labada gudoomiye arrinka Cumar Xaashi, labaduba isku si uma qeexin, halka uu Axmed Yuusuf ka yidhi waa muwaadin Soomaaliyeed oo sheegan kara waxa uu diidan yahay iyo waxa uu ogolyahay, waana reer Hiiraan, wuxuu kaloo usoo jeediyay in uu Cumar Xaashi DFKMG taageero, usuna soo sharixi karo gudoomiye Degmo.

Balse gudoomiyaha cusub wuxuu usoo jeediyay Cumar Xaashi in uu ka waantaamo arrimaha uu ku dhex jiro, dadka reer Hiiraana aanu dhibaat iyo burbur ka dhex dhaca ku abuurin.

Shir jaraa,id oo uu qabtay Cabdi/casiis C/laahi Duurow oo ah gudoomiyaha Buule Burte aya isagu beeniyay in Cumar Xaashi uu ka dhisayo maamul cusub oo ku dhaqmaya shareecada Islaamka Gobolka Hiiraan. C/casiis waxaa kaloo la joogay gudoomiyaha magaalada Jalalaqsi oo isna isku fikrad ay noqdeen oo labaduba si cad u beeniyay in uu Cumar Xamar ka wado G/Hiiran maamul ku dhaqma shareecada Islaamka.

Labada mas'uul (M.A.M & A.Y. Dabageed) ayaa mid walba waxa uu sheeganayaa inuu yahay Guddoomiyaha rasmiga ah ee dowladdu u magacawday Gobolka Hiiraan.

Eng;Abdikarim Ahmed Husein
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS