SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gunbaan maanta nahay Xamarna waa Gegi Colaadeed

Waa 23\05\2008 gabay guubaabo ah oo dhinacyo badan taabanay waxa uuna ku socdaa dhamaan ummad soomaaliyeed ee dhulkoodii uu hantiyey cadowga sooyaalka ah quwadaha caalamkuna ay raali uga yihiin dilka arxandarada ah dhaca kafsiga barakicinta xariga jirdilka ummadda dhibkaa lugu hayo oon allaha sumxaanuhu watcaalaa mooyee cid u maqani jirin ayaa hadana ayadu kala qaybsan ugu danbey gabayga waxaa tiriyey ABWAAN XASAN GARAAD WARSAME magaca gabayu waa [ Gegi colaadeed ]

  1. dalkayagi gumeystaa qabsaday xoog ku soo galaye
  2. gobanimadi niman baa gatiyo godoshi maandeeqe
  3. gunbaan maanta nahay xamarne waa gegi colaadeede
  4. gurgii madaxda gaashaan dhigiyo gabiyadii liido
  5. ninki aan afxabashiga gareyn looga gacan seyrye
  6. cadowgaan is googoyn jirnoo godobtu noo taalay
  7. goroon kii cayaaraha ayey saab ka gamayaane
  8. goobihii xoriyadey dhigteen gumac yadoodiiye
  9. ayagaa ku gaar dinahayoo looma soo galaye
  10. misne oday gabooboo da iyo gaban ma daayaane
     
  11. genka wixii dhaqaajiba karey halowda gooyaane
  12. waan ku gowracaa bey hablaha ugu galmoodaane
  13. gegsan weyday guurtiyo saqiir gabarya waayeele
  14. qori buu garaarsaday ninkii goojo dhiiglihiye
  15. gumaadkeena bey dunida dhami gacan ku siiyeene
  16. geerida ninkii diidi jiray waa garwaaqsadaye
  17. jahaad nin galniyo dirirtu waa noo gudboon tahye
  18. guumowday soomaalidii geesiga aheyde
  19. kala googo`aa lagu arkaday gibil neceybkaahe
  20. hadii ay is garabtaagan tahay lama guhaadeene
     
  21. dhulkoodii haduu gacan galee cadow ka guuleystay
  22. gayi maran hadey hogon yihiin qaranki gowriiray
  23. geestaad damootaba haduu gaafan yahay meydku
  24. guryihii markii laga qaxee geedo lagu yaacay
  25. gantalaha kuruus kaa hadii lagu garaacaayo
  26. aduunkuna ka wada gaabsadoon laga garaabeynin
  27. iska daa is garasho heshiis in ay gudoomaane
  28. ayagaa la sii kala gadaa gooriyo ayaane
  29. gefka dunidu ay naga gashiyo gaalka ina haysta
  30. kitaabkaa la guulguulayiyo culuma iibgeynta
     
  31. gardarada intii diidayeey guux isku ogaada
  32. dhanbaalkaan idiin soo gudbiyo gaar isula dhuuxa
  33. gorfeyn baa wax lagu meel marshaa gooni loofoqaye
  34. talaabadi gar noqotaba hadaan shuuro lagu gaarin
  35. waxdhaanku godoshiin karaa sheybku gaagixine
  36. galti kuma habana xaajadii geed ku miligtaaye
  37. hadii ay wadadu kaa godood geesne mari weydo
  38. godod laguma dhoco iyo musbaar caasha kaa galiye
  39. garaad kaa la maalaa bahdaa showr la galiyaaye
  40. hadaad garabyo kala sheegataan gowrac baa xigaye
     
  41. gumeystahana waw farax in aad kala godoodaane
  42. waa waxaw ku geel maali jiray noona soo galaye
  43. waa gedow aduunka u jeclaa godob dhexdeenaaye
  44. guno waxaw ku dhiibaa in aad kala gariiftaane
  45. waxkastoo na kala geyn karaa gamatankiisaaye
  46. goofki dibida lagu kale siraan galabta joogaaye
  47. gobol gobol in uu noo jaroon gumac is leefsiino
  48. asne guudka naga maamulow gaar is leeyahaye
  49. guulse lagama helo eebehey geesi aaminaye
  50. anagoo guyaal dib u dhacnoo gaabis nagu raagay
     
  51. oon gantaalo noo keydsan jirin gaaxne nagu oolin
  52. gashaan buur midowdiyo hadaan gaal is huri weynay
  53. wallaan ciida yada lagu galeyn gaado ka ciyaare
  54. waa waxa illaah nagu galaday guuto aan baqine
  55. geel ilaalshe goobaha dagaal jananka guuleysta
  56. gunya baar aduunyada anagey gooni noo tahaye
  57. geerida nin jecel oon aduun gacaladiis haynin
  58. gamasne isku xira ee sidii gumac u qiiqaama
  59. oo cadowga kala gaabiyaan gaar u leenahaye
  60. ruuxgacmaha cirka u godahayoo garan macbuudkiisa
     
  61. oo gocashadiisii halkaa lagu gudoonsiiyo
  62. waa gooni raac iyo astaan nala ku goobaaye
  63. dhalin yaro garuumiyo uliyo dhagax ku goodeysa
  64. oo gaalka sii cararayaa gamayo saaruuqyo
  65. hibo ow alluhu noo gartiyo gacalo weeyaane
  66. sheikh goloha diiniyo cilmiga meel sare u gaaray
  67. oo geysh dagaal galinayoo dumaya guutooyin
  68. oo xaqa u gacan haatiyoon uga ganboon duuna
  69. nimca nala gudoonsiiyayoon nala ku gaareyn dheh
  70. gudi manso gabay iyo mashxarad laysku guubaasho
     
  71. waa gabal hidaha yaga ka mida mana salguuraane
  72. gasha seefta waan kala baxniyo gunudi maareede
  73. iminkaba waxaan geysanaa gugucu yeeraaye
  74. markaan libinta gaarnana ifkaa godobi noo taane
  75. ragbaa jira odorostiisa garan guga hillaacaaye
  76. ama ficilka goortaa dhacaa galiya saadaale
  77. oo garanti shiishka uga dhiga gedo qiyaaskiiye
  78. anne guuldarada saadanboo cadowga gaareysa
  79. illaahey ha ila garab galee waan gudbinayaaye
  80. markii hore gobliyo faan ayey laabta galiyeene
     
  81. gacantey ku dhiga oronayeen gudaha soomaale
  82. gadaasheedne taliyey qalbiga gurun u sheegeene
  83. tamashlahey ku geegaarayeen waayahaa gubaye
  84. geesiyaal inaga naga dhashiyo gaasas baa helaye
  85. xabad waa ka gudub too birtaa laysku gowracaye
  86. kumanaan garaadihi wataa haadka loo gegaye
  87. geerida xanuun keedi bey wada gariiireene
  88. maantana go`doon bey noqdeen saadka aan gadane
  89. goobtana dagaal kula socdoon guluf ka joogseyne
  90. baritone gacmahey taageyaan si ay u guuraane
  91. saadanbana shalay wixi gudbey dib u gayaane
  92. inaguna dabeyl gobanimaan galabsan doonaaye

Hassan Garaad
abwangaraad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS