SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Isku kalsoonaantu waa shay aad iyo aad u qiimo baddan 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii Muxammed Ahaa ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib akhristayaasha sharafta iyo qiimahaba lahow iga gudooma salaanta Islaamka ( A.C.W.W ). 

Insaanku sidiisiba wuxuu qiimo ku leeyahay marka uu nafsad ahaan qabo kalsooni buuxda, oo uusan qofna uga heybadsan waxa uu aaminsan yahay ama waxa uu rabo inuu ku dhaqaaqo. Ogow mar walboo aad wax uga tagto adigoo qof kale uga heybadsanaya ama ku cisaya, waxaad u muuqaneysaa qof liita. Kalsoonidu waxey qofka siisaa inuu xitaa kala ogaado waxa wanaagsan iyo waxa xunba. Waxaad yeelaneysaa miisaan aad ku kala ogaato waxa mudan in la tixgaliyo iyo wax aan mudneyn. 

Soomali hadeynu nahay waxaad arkeysaa qof lagu socodsiinayo wax uusan raali ka aheyn, haddana ogolaanaya, oo goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, calaacalaya, oronayana sidaa uma maleyneyn iyo wax la mid ah. Waxaad arkeysaa qof dhageysanaya sheeko iyo akhbaar khaldan, oo haddana aan eray ka dhiiban karin, kuna oranaya waxaan ka baqayaa in khalad leyga fahmo, kalsooni daro aawadeed. Sidoo kale waxaad arkeysaa qof si khaldan u aruurinaya qaaraan meelo uu u socdo iyo meel kale aan la garaneyn, lagana yaabee in si qaldan loo isticmaalayo, haddana aanay jirin qof ka hadleysaa. Sidoo kale waxaad maqleysaa Fulaan, hadeynaan taageerin,  Qolo walba ayaa nasoo weerareysa. 

Qiso cajiib leh waxaa iiga sheekeeyay nin oday ah, oo Aqoonyahan ah oo socdaal ku tegay magaaladi ay reerkiisa degaan, isagoo sii aaday xaggaas iyo tuulooyinka ay reerkiisa degaan. Ninkaas waxa uu safarkaas u galay si uu u soo qiimeeyo baahida dhabta ah ee degaankaas ka jirta, si uu uga shaqeeyo qaabkii loo hormarin lahaa tuulooyinkaas. Waxaa uu ii sheegay in maalmihii uu booqashadaas ku jiray maalin ka mid ah ay dood yar dhex martay nin dhalinyaro ah, oo ka mid ah dhalinyarada deegaankaas. Wuxuu yiri ninkii dhalinyarada ahaa wuxuu si handadaad ku jirto iigu yiri { Mala socotaa cidda aad magacood ku dhaqdhaqaaqeyso inaan aniga ka mid ahay, oo waa hore ayaa meel cad lagu marin lahaa }. Wuxuu yiri hadalkaas wuu I gali waayay, waayo wiil dhalinyaro ah oo tuuladan ku nool, oo aan imminka ku howlanahaya bal sidii aan ugu raadin lahaa deeq am samafal, oo annigii igu handadayaa inaan isaga magaciisa ku daaqayo.  

Runtii arimahaas iyo arimo la mid ah ayaa ah waxa u baahan in laga saxo dadka, oo looga digo waayo in uu qofku aamino reer hebel ayaad wax ku tahay ama fulaan ayaa cirka iyo dhulka kuu kala haya, waa ayaandaro na heysata una baahan in dadka laga saxo. 

Xadiiskii Rasuulkeena ( N.N.K.H) ayaa ahaa haddii Jin iyo Insi isku yimaado wax alle kuu qoray cid kaa qaadi karto ma jirto. Sidoo kale haddii Jin iyo Insi isku yimaado wax uusan alle raali ka aheyn cid ku siin kartaa ma jirto. Mar walba noqo qof isku kalsoon, oo haddii aad go’aan qaadaneyso naftaada u bandhig haddii ay kuula muuqato in go’aankaas u sax yahay , Allaah talo saaro oo go’aan qaado. Wey wanaagsan tahay inaad la tashiyo sameyso, oo aad la tashata dad aad ku tuhmeyso inay yihiin dad wanaagsan oo mar walba ku siinaya talo walaalnimo iyo mid islaamnimoba.

Kalsoonidu waxey gashaa meelo baddan sida, Guurka, Waxbarashada, Shaqada. Waxaad arkeysaa arday doonaya inuu waxbarasho bilaabo, oo haddana aan go’aan qaadan karin, mar walba ka shaki qaba maadada uu qaadan lahaa ama baran lahaa. Sidoo kale waxaad arkeysaa qof doonaya inuu guursadao haddan intaa ku oranaya yaa la guursadaa, yaa la aaminaa, armay wax si noqdaan haddaan guursado. Sidoo kale shaqada ayeey gashaa kalsooni daradu, oo waxaad arkeysaa qof ku oranaya maya waa shaqo adag iyo armaa leyga soo ceyriyaa iyo wixii la mid ahba. 

Haddaba akhristow noqo mar walba kan naftiisa ku kalsoon, oo aaminsan waxa uu sameynayo in ay yihiin wax uu ka baaraan degay, oo uusan cidna kaga heybadsaneyn. Haddii aad cid la saaxiibayso, ha u eegin waa reer hebel, ee mar walba miisaankaadu ha ahaado isku aragti ma tihiin, ma isfahmeysaan, wax mawada qabsan kartaan. Ogow mar walboo aad kalsoonidaada badiso, waxa sare u kacaya garaadkaada iyo maskaxdaada. Mar walboo aadan kalsooni laheyna waxa badanaya daciifnimadaada. 

Waxaan qoraaslkeyga ku soo gabagabeynayaa Soomaaliyeey meel walboo aynu joogno aynu noqono kuwo isku kalsoon, oo iska qabta dadka dhexdeena nagula wareegaya Qoriga qiiqa leh, ee mar walba aanan ogoleyn inaynu wax wada qabsano, horumar sameyno, kana baxno balaayada soo jireenka ah, ee nagu daba dheeraatay. Allah aynu talo saarano, oo iska qabano kuwa asaageen naga reebay, oo aan noo diir naxeyn Allahna ka baqeyn.

Qormadeydi waa iga intaas, wax walboo wanaag ah oo aan qoray waxey ka sugnaatay Allaah, wixii xumaan iyo shar ahna waa nafteyda iyo sheydaan 

Wabillaahi Towfiiq

Qalinkii: - Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS