XUSKA SANADGUURADDA 17NAAD EE XORNIMADDA SOMALILAND IYO
SOUTH AFRICA.
"Ajaanib Naceybka (Xenophobia ) ee South Africa kabilaabantey
iyo dabaaldega xornimadda Somaliland ee South Africa"
Saacaddu waa subaxhore 5:00 Subaxnimo ee waqtiga Koonfurta
Africa, maalinku waa
Axad, bishu waa 18may 2008, sheekadan waxey dhexmareysaa 2 wiil
oo R.Sland ah oo kaganacsadda K/Africa;
Cali: (Albaabka dukaanka ayuufurey), Arsaaq Yaa Fataax, waar
cusmaanow sxb waa maalinfarxadeed, jawiguna qurxoonyahey, waana
18 may, calankii Somaliland shandadaa inoogasoosaar, tukaanka
hortiisa sidaa usudh, heestii calankana iyadoo codka daafaha
tuuladanyar waa in lagamaqlaa, nac naca iyo biskutkuna saaka waa
free(MAHAALA), bilaash bilaa lacag, caruurta iyo haweenka
macmiilku waa in ey inalaciidaan saaka WAA XUSKA SANADGUURADII
17 EE XORNIMADDA SOMALILAND,”
Cusmaan: Sxb Calow waxa isasoogaley Xuskii 18 May iyo
Sinafoopiya (Ajaanib Naceyb), wadigaa og sida dadkii loogubayo
oo cagta loomarinayo wixii ajaanib loogarto, adigiina waxaad
leedahey calanka dukaanka hortiisa inoosudh, heesta calankana
dhawaaqeeda waa in lagamaqlaa Maqaalisbeerg, ma murqaansantahey
sxb? Ha ina diline sxb hadhow markeynu tukaanka xidhno ayeynu
xusidoonaa 18 may.
Johannesburg,
Wadanka K/Africa waxaa kajira 10kii maalmood ee ugudanbeeyey
kacdoono dil, dhac, boob, kufsi iyo naceyb xoogan (Xenophobia)
oo looqabo ajaanibka Afrikaanka ah ee kunool ama kaganacsada
K/Africa, gaar ahaan Gobolka Gauteng iyo agagaarka Johannesburg.
Waxaa 10kii malmood ee inadhaafey sifoolxun loogu diley dad
kudhow 15 ruux, iyadoo boqolaalkalena sixun loogudhaawacey
kacdoonkan ajaanib naceybka ah ee kabilowdey K/Africa, dadka
lalaayey ama sida xun loogudhaawacey waxaa kamid ah dad nolosha
lagugubey, iyo dad faashash iyo dhagax lagudiley iyadoo hal
soomaali ah lagudiley meel u dhow capetown intii
kacdoonkanisocdey.
Sababta keentey kacdoonkan waxa latilmaamayaa arimaha ey
kamidkayihiin, sicir barar iyo badeecadda laquuto oo sicirkeedu
kor ukacey taasi oo danyarta R/K/Africa kuridey jahowareer
sababteyna kacdoonkan ajaanibka lagukacey iyagoo ku-eedeynaya
ajaanibka in ey shaqooyinkii iyo fursadihii tujaaradeed ee ey
wax kulasoobixilahaayeen ey qaateen ajaanibku, sabab kale sida
ey qoreen wargeysyadda wadankan kasoobaxa waxey noqonkartaa in
arintani noqonkarto arin siyaasadeysan oo ajenda dheer
lagaleeyahey, sikasta oo ey noqotoba maalinkii axadii ee 18 may,
kacdoonka ajaanib naceybku wuxuu kufidey gobolka Gauteng, gaar
ahaan Johanneburg iyo nawaaxigeeda, halkaasi oo tukaamo kuyaal
badhtamaha iyo meelaha ey degaan soomaalidu lagudhacey,
tujaaraddo badana albaabadda looxidhey sida suuqa weyn ee
Al-Amal ee xaafadda Mayfair, waxa aad uyaraatey socsocodka dadka
iyo gaadiidkaba iyadda oo qofwelba kabaqayo kacdoonkaasi in
lagudilo ama lagudhaawaco amaba se lagubadhaco.
Akhristow, waxa lagayaabaa in aad isweydiineysid oo sidey
suurtogal kunoqonkartaa meesha sidaasi loogu gumaadayo ajaanibka
ey aragti ahaan hadii laguugarto ajaanib dhegta dhiiga
laguudarayo in laga abaabulo DABAALDEGA 18ka MAY EE
SANADGUURADDA 17NAAD EE XORNIMADDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND?
Xaflad siweyn ey u diyaariyeen Jaaliyadda R.Sland & Ururka
dhalinyarradda ee K/Afria ayaa laguqabtey xaafadda Brixton ee
galbeedka Mayfair meel aan kafogeyn meelaha kacdoonadda
lagalahorjeedo ajaanibku kadhacayeen, xafladan oo loogu
dabaaldegayo sanadguuradda 17naad ee kasoowareegtey xornimadda
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa kasooqeybgaley dadweyne
tirobadan oo kulabisan calanka Somaliland oo ey kamidyihiin
bulshadda qeybaheeda kaladuwan, culumaa’udiin, siyaasiyin,
mutacalimiin, maalqabeeno, bahweynta saxaafadda (sida Somaliland
TV Channel iyo qaarkaloobadan), dhalinyaro rag iyo haweenba leh,
i.w.m.
Xafladda oo bilaabantey 8:00 fiidnimo waxa lagufurey aayado
Qur’aanka kariimka ah oo sicodleh u akhriyey Sheekh Axmed Saki,
waxaa xidhiidhenteeda lahaa abaabulkeedana qeybweyn kaciyaarey
Mudane Ahmed Jaamac Xassan, waxa kamid ahaa dadkii xafladaasi
qudbadaha cajiibkaleh kajeediyey, Mudane Mukhtaar, xoghayaha
Jaaliyadda, oo mahadcelin balaadhan ujeediyey abaabulayaashi
xafladda iyo ganacsatadii iyo ashkhastii maalgelisey xaflada,
waxaa halkaasi isna kahadley gudoomiyaha ururka dhalinyaradda
Mudane Diicis, oo dhiirigelin ujeediyey dhalinyarta iyo da’yarta
Reer Somaliland in ey midoobaan, kaalin buuxdana kaciyaaraan
horumarinta siyaasadeed, dhaqaaleed, bulsheed, tacliimeed ee
Sland. Isagoo gudoomiyaha dhalinyartu aad ugudhiirigeliyey
dhalinyarta wadankii kusugan in ey uhubqaataan sidii wadanka
loohorumarinlahaa, waxbarashadda iyo tacliintana ey
ugaqeybqaadanlahaayeen.
Waxaa isna xafladaasi kahadley oo khudbadda ugumiisaanka
kajeediyey Mudane Ahmed Mohamed Alaale oo siweyn ugahadley sida
ey muhiim utahey in loogumidoobo wax uqabadka dadka iyo dalka
Somaliland, waxaa isna kahadley oo khudbad dhaxalgal ah
goobtaasi kajeediyey oo buuxiyey kaalintii Gudoomiyaha
Jaaliyadda, Mudane Mohamed Faarax Karaash oo kadiyaarinaya
waxbarashadiisa Master ka (LLM Programme) Jaamacadda weyn ee
Proria, isagoo soobandhigey silsiladda taarikheed ee Somaliland
leedahey, gaar ahaan 18 may, wuxuu kaloo kahadley Mudane Karaash
xidhiidhka Sland laleedhaey caalamka intiisa kale gaar ahaan
K/Africa iyo xidhiidhka siyaasadeed, tujaaradeed, iyo
tacliimeedba ee Sland & K/Africa isagoo tilmaamey in xidhidhka
tacliimeed ee Sland iyo S.Africa nasiibweyn usiiyey in uu noqdo
ardeygii uguhoreeyey ee barnaamijkan xidhiidhwanaaga kusoobaxa,
isagoo kudhiirigeliyey da’yarta dalkii kusugan in ey awooda
saaraan waxbarashadda, wuxuu mahadnaq ujeediyey Profisooro
waxkadhiga Jaamacadaha Somaliland & K/Africa iyo jaaliyadda reer
Somaliland ee k/Africa.
Waxaa isna halkaasi hadalo murti kudheehantahey kajeediyey
Mudane C/Qaadir Cawed Shorty oo kumagac dheer “Garaadka”.
Waxaa isna taariikhdii halkankii mujaahidiintii SNM iyo
jidkiidheeraa ee xornimodoonka Somaliland hadalkusaabsan
kasoojeediyey Mujaahid C/laahi. Mudane Oble oo kasocdey
Jaaliyadda Soomaliyeed ee K/Africa oo salaam iyo hanbalyo udirey
jamhuuriyadda iyo shacabweynaha reer Somaliland meelkastoy
kunoolyihiinba uganahanbaleeyey nabadda iyo horumarka ey
kutalaabsadeen goobtaasi kajeediyey.
Waxa halkasi kabilaabmey cabitaano, sharaab, macmacaan, cakes,
i.w.m waxa markaasi loogudbey madadaaladda xaflada oo gabayo,
geeraaro, majaajilooyin, iyo hadalo murtileh ey kasoojeediyeen
haweenka R Somaliland iyo mudanayaal, waxaana barnaamijkaasi
daadihinayey Mudane Mustafe Mohamed Koox.
Inagoo kusookoobeyna Xafladda iyo wacdaraha ey muujiyeen
jaaliyadda R.Sland iyo uruka dhalinyaradu, waxey siwada jir ah
ugugudbinayaan markahore iyagoo salaan ey kudheehantahey xuska
iyo damaashaadka 18may udirayaan, qaranka, shacabweynaha dal iyo
dibadba kukalanool ee R.Sland, markaxigtana fariin culus udiraya
Dowladda Sland & Ururadda Mucaridkaba in la isutnaasulo, lana
ilaaliyo nabadda iyo xasiloonidda wadanka, waa in aan lagafarxin
cadowga Somaliland iyo nacabkaba, xaasidka aan kufarxeynin
horumarka Somaliland gaadhey”
Ururka Jaaliyadda & Ururka Dhalinyaradda R.Sland ee K/Africa
waxey mahadcelinweyn ujeedinayaan marka hore Alle (S.W.T), marka
xigtana dadka iyo ganacsiga hoos kuxusan;
1. Mudane C/laahi Arab, Haashim Isaaq Transport, Zambia
2. Mudane Ibraahim Hersi Galow,
3. Mudane Rooble Axmed Yusuf
4. Mudane Ahmed Ceynanshe
5. Mudane Mustafe M Koox
6. Mudane Ahmed Jamac
7. Mudane Khalid Sancawl
8. Sheekh Cali Ahmed Xasan
9. Mudane Huseen Mpumulanga
10. Dhalinyarta Umtata, Eastern Cape,
11. iyo dhamaan dhalinyarta rag iyo haweenba leh kakalatimid
goboladda kaladuwan oo xafladan ugutabarucdey suurtogalna
kadhigtey in ey sidaa fiican u qabsoonto
12. Waxaa mahadgaar ah lodirayaa Bulshadda Soomaaliyeed ee
kasooqeybgaley xafladan iyo mudanayaashii iyo marwooyinkii
kahadleyba.
13. Haweenka R.Sland oo kaciyaarey kaalin libaax iskudaboridka
xafladan ayaa halkan dhamaantoodba loogumahadcelinayaa
14. Waxa ey jaaliyadu umahadclinayaan ciidanka Police ka ee
xaafadda Brixton iyo kaalintii ey kaciyaareen ilaalinta amaanka
xafladda
Xafladda 18 may oo loogudabaaldegayo sanadguuradii 17naad ee
Xornimadda Somaliland ey siheersare ah ugadhacdey oo kale
Magaaloweynta Capetown oo uu agaasimey ururka Jaaliyadda
R.Sland, waxaa qeyb weynkaciyaarey iskudubaridka iyo
hanaansocodka xaflada Cape Town, Mudane A/Hakim Ismail Muuse iyo
dhalinyaro kale oobadan oo rag iyo haweenbaleh.
Waxaad sitoos ah ugalxidhiidhikartaa Jaaliyadda & Ururka
dhalinyarta R.Somaliland ee K/Africa.
Emailadan: cossah@yahoo.com,
syfsa@webmail.co.za
Waxaa diyaariyey sawiradana qaadey;
Saeed Furaa,
Freelance Journalist,
South Africa.
E-Mail:
somalilandjournalist@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2008 |