SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Xaflad Lagu Dooranayey Oday Dhaqameed Kasoo Jeeda Beesha Tanade Daarood Oo Ka Dhacday Kismaanyo.
  • Qaar ka Tirsan Xubnaha Sarsare Ee Isbaahaysiga Dib U Xoraynta Somaaliya Oo Meel Fagaare Ah Kala Hadlay Dadka Buuloburde
  • Baaq Ku Aadan Xaalada Kismaanyo Oo Ay Kulaalayaan Xoogaga Maxaakiimtu Oo Ay Soo Saareen Odayaal Dhaqameedku.
  • Kantaroolka Siinka Dheer Ee Duleedka Magaalada Muqdisho Oo Ay La Wareegeen Xoogaga Maxaakiimta

Xaflad Lagu Dooranayey Oday Dhaqameed Kasoo Jeeda Beesha Tanade Daarood Oo Ka Dhacday Kismaanyo.

Waxaa Talaadadii (May 20, 2008) Ka dhacday Magaalada ksimaanyo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose xaflad si weyn loosoo agaasimay Oo Lagu caleemo saarayey Suldaan cali salaad Cismaan Oo kamid Noqday Odayaal dhaqameedka Beesha Tanade (Leyl-kase ) gaar ahaan kuwa Waamo .

Caleemo saarkan lagu dooranayey Suldaanka ayaa waxaa kasoo Qayb galay dhamaan isimada dhaqanka aqoon yahanka ,waxgaradka Iyo Bulshada ku dhaqan magaalada kismaayo .

Sidoo kale xaflada Lagu dooranyey Suldaan cali salaad Cismaan ayaa waxay u dhacday si habsami ah taasoo ay taageereen shacabweynaha Beelaha wada dega Gobolada Jubooyinka iyo weliba Beesha uu kasoo jeedo suldaanku oo in mudo ahba ku mashquulsanayd doorashada Suldaanka taasoo maanta caleemo saartay

Dadka ka soo qayb galay xaflada caleemo saarka Suldaanka cusub Suldaan Cali Salaad Cismaan ayaa waxay ka koobnaayeen dhamaan isimada , culimo awdiinka, siyaasiyiinta , waxgaradka , bulshada rayadka ah iyo dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ka soo qayb galayaasha caleemo saarka

  • Suldaan Maxamed Guuleed Cadde
  • Suldaan Axmed Aadan Maxamed (Shaahmadaare)
  • Caaqil Yuusuf Haybe Abokor
  • C/naasir Afmagad
  • Maxmuud Jaamac Dhabarey
  • C/laahi Xasan Warsame
  • Maboobe Salaad Cismaan
  • Cadow Cali Maxamuud
  • Cabdi Qoosh Maxamuud
  • Jaamca Dacar Diini
  • Cali Xasan Warsame
  • Cismaan Axmed Cali
  • Cismaan Aadan Rooraaye
  • C/rashiid Aadan Caddaawe
  • Axmed Nuur Fiqi
  • Maxamuud Maxamed Maxamuud
  • Nadaamiye Jaamac Isxaaq
  • Aadan Sooljar
  • Maxamuud Xirsi Aadan
  • Cadaawe Ismaaciil Qorbe
  • Maxmed Sheekh Jaamac Bashiir Baqarre
  • Sheekh Aadan Aw Jaamac
  • C/llahi Gabso
  • Suseen Warsame (Arbaca Raas)
  • Madoobe Aw Jaamac
  • Axmed Jaamac Gurxan (Axmed Shire)
  • Xaaji Qawdhan
  • Abukar Xuseen Xaaji
  • Xasan Maxmed Siciid (Cadde)
  • Calil Muuse Diini
  • C/raxmaan Quulle Indhoyare
  • Dr Axmed Faarax Cali (Aways)
  • C/raxmaan Cigaal Dhoore
  • Cabdi Jaamac (Cabdi-Dheere)
  • Maxmed Gurey Muuse
  • Cali Xirsi Gardam
  • Cabdal Xaaji Takar
  • Cismaan Gurey Muuse
  • Dr: Mahad C/kariin Xaaji
  • Maxmed Warsame Cali

Iyo dhamaan isimada beelaha gobolka jubbada hoose , dadweynaha , aqoonyahanahda IWM

Qaar ka Tirsan Xubnaha Sarsare Ee Isbaahaysiga Dib U Xoraynta Somaaliya Oo Meel Fagaare Ah Kala Hadlay Dadka Buuloburde

BAAFIN TAHRIIBAYAAL KA DHOOFAY LIIBIYA:

Waxaan halkan ka baafinayaa dhammaan tahribayaal Soomali ubadan oo saarnaa Doon ka baxday dalka Liibiya kuna socotay xeebaha wadanka Italy bishu markay ahayd 18 April 2008. Dadkaas ayaa waxaa war iyo wacaal ugu danbaysay markii ay kabexeen wadanka Liibiya. Fadlan hadii aad kahaysid war ama aqbaar waxaad ugu soo dirtan fartiinta emailkan oo ah: Farxiyo Cabdi:
farxiyo2030@hotmail.com  ama ncadeey@hotmail.com

Cumar xaashi aadan oo kamid ah Xubnaha sar sare ee Ururka dib U xoraynta soomaaliya ee fadhigiisi yahay magaalada Asmara ee wadanka Eretariya ayaa maalinkii shalay meel fagaare ah kala hadlay dadka Ku dhaqan Magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan isagoo halkaasi ka sheegay inay Dhalinyaro iyo waayeelba U Guntadaan sidii ay isaga Kicin lahaayeen Ciidamada Ethiopia oo uu ku sheegay Gumaysi Colaad kala dhaxayso.

Barxada bartamaha magaalada Buulo-burde oo ay maalinkii shalay isugu Yimaadeen Boqolaal Qof ayuu Siyaasiga Cumar xaashi aadan oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan waxuu ka sheegay Qudbad kicin ah islamrkaana ay dadka halkaasi ku sugnaa kicisay dhamaantood islamrkaana Ku wajahan sidii ay Ciidamada Ethiopia isaga Kicin lahaayeen gaar ahaan Gobolka hiiraan.

Sidoo kale Afhayeen Cumar xaashi carabka Ku adkeeyey inay Dhamaan usoo jeestaan inay Ciidamada Ethiopia ee Cadowga Inay iska Kiciyaan isagoo farta Ku Fiiqay in umada soomaaliyeed ay gashay Gumaysi islamrkaana ay dadkii Hore ee usoo dhintay gobanimada oo kale Looga baahan yahay sidoodii oo kale.

Camar xaashi aadan ayaa sidoo kale Xusay inuu yahay Nin da,ah islamrkaana uu Diyaar u yahay inuu dagaalka ka qayb qaato islamrkaana Dhalinyarada aan sidaa u weynayn Ay dalkooda iyo dadkooda U halgamaan si ay U helaan Jano xaga ALLE ah iyo weliba taariikhda oo ay Geli doonaan .

Hadalka Cumar xaashi ayaa kusoo Beegmaya Xili ay Gobolada bartamaha Iyo Koonfurta soomaaliya ay ka Jiraan xaalad Colaadeed Tii Ugu darnayd taasoo ay Xoogaga maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ay la wareegeen dhinacyo badan oo gobolada koonfureed ah.

Baaq Ku Aadan Xaalada Kismaanyo Oo Ay Kulaalayaan Xoogaga Maxaakiimtu Oo Ay Soo Saareen Odayaal Dhaqameedku.

Magaalada kismaayo oo ay ka taagan Yihiin Xiisado tan iyo intii ay Xoogaga Maxaakiimta islaamka soomaaliyeed oo qabsaday deegaanada kamsuuma Iyo Jamaame oo aan sidaa Uga dheerayn magaalada xarunta ah ee jubada Hoose ee kismaanyo.

Hadaba waxaa arintan Colaadeed kadib Baaq kasoo saaray Odayaasha Dhaqanka ee Ku sugan magaalada Kismaanyo iyagoo baaqooda Ku sheegay inay U baahan Yihiin Amaan Buuxa oo ay doonayaan inay Ama Dowlada KMG ah ka Helaan ama Xoogaga Kasoo horjeeda .

Afhayen u Hadley Odayal dhaqmedka ayaa waaxaa uu shegey in ay Sodhaweynayaan wixii amaan ka magaalada wax kala qabanaya Isagoo Xusay Inay Al-shabaab Iyo Midowga Maxaakiimtaba Soo dhoweynayaan .

Baaqan Odayaahs Dhaqanka ayaa ku soo beegmayaa xili ay Kulaalayaan Magaalada Kismaanyo Xoogaga Midowga Maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed islamrkaana Milayshiyada Beesha Sadde ee ka arimiya Magaaladaasi ay Ku jiraan jaahwareer siyaasadeed iyo Diyaar garoow ay ku doonayaan inay dagaal kala Hortagaan Xoogaga maxaakiimta .

Kantaroolka Siinka Dheer Ee Duleedka Magaalada Muqdisho Oo Ay La Wareegeen Xoogaga Maxaakiimta

Xoogaga Midowga Maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed ayaa galabta Goor gaaban la wareegay Xarun fariisin U ahayd Ciidamada Dowlada KMG ah oo U dhaxaysa Afgooye Iyo Muqdisho halkaasoo lagu magacaabo siinka Dheer islamrkaana Bar kantarool u ahayd Ciidamada Gobolka Banaadir oo Lacagta canshuurta kaga qaadi Jiray Gawaarida isaga kala goosha Qaar ka tirsan gobolada dalka soomaaliya .

MId Kamid ah Masuuliyiinta Ugu sarsareeya Xoogaga dagaalka kusoo qaaday Ciidamada Dowlada KMG ah oo lasoo xiriiray somalitalk ayaa xaqiijiyey inay dagaal kadib kala wareegeen halkaasi Ciidamada dowlada islamrkaana ay waqtigan oo ah goor gaaban oo galab ah gacanta Ku hayaan iyagoo fasaxay gawaaridii halkaasi Ku xanibnayd oo iyagu canshuurta lagaga qaadayey .

Sidoo kale Masuulkan oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay inay la wareegeen ilaa laba gaari oo Kuwa tiknkada ah oo ay lahaayeen Ciidamada KMG ah ,weliba Hub fara badan iyo weliba agab kale iyo saanaf milatari oo halkaas ku qabsadeen .

Dhinaca kale waxaa halkaasi Biliqo ka gaystay dad shacab ah oo caraysan islamarkaana qaatay Lacagtii laga qaadayey gawaarida isaga kala Goosha Gobolada dalka iyo alaab kale oo ay ka carareen ciidamada dowlada KMG ah ee Gacan ku haynteeda lagala wareegay halkaasi

yaasiin Maxamed faytin

Yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS