SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maalintii dambe ayay soo noqdeen labadii nin waxa ay sii hor fadhiisteen albaabka hore ee xafiiska Madaxweyne Rayaale. Markii uu galay xafiiska ayuu Madaxweyne Rayaale u yeedhay labadii nin waxa uu ku yidhi waxa aan aad ugu faraxsanahay in ay wadanka ku soo noqdaan dhalinyaro sedan oo kale ah (Isxambaar). .

Maqaal Xiiso Leh. Qiso Ka Dhacday Hargeysa.

Kol hadii aan waxba waayay waa in aan Tahriibaa, oo aan Baddaa Madow Maraa Madaxweyne. (Qiso ka dhacday Hargeysa)

Aduun waliba waayo leh Maalin waliba xusuu leh. Waxa aan jeclaaday in aan maqaalkan kaga hadlo sida ay dadka ku nool gudaha magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland uga qatan yihiin in ay shaqo sare ka helaan Xukumada Madaxweyne Rayaale. Sababaha ugu weyna ay ka mid tahay iyada oo laga door bido dadka Dibedaha ka yimaada hadii aan si kale u idhaahdana (Isxambaar) kuwaasi oo ahaa kuwii ka cararay xabadii iyo gaajadii, halka kuwa Maanta gudaha joogna ay yihiin kuwii waxaasi oo dhan u samray ee Kaadidooda u soo cabay.

Malaha qaar ayaa aad u jecel dibedaha, inkasta oo aanan anigu ka mid ahayn kuwaasi hadana waxa ay manta dantu igu kaliftay in aan Qalinka Qaato oo aan wax ka qoro bal sida dadkii wadanka joogay aan waxba looga ogolayn xukumada Madaxweyne Rayaale ee lo jecel yahay ISXAMBAARKA. Kuwaasi oo ahaa kuwii wadanka u dayacay cadowga markii lala dagaalamaayay. Waxa aan odhan lahaa markaa miyay manta gayaan in xilal sare iyo mansabyo aad u fiican lagu taxo.

Su`aasha meel fog kama eegayno ee waxa kaliya ee aynu odhankaraa waa MAYA in ISXAMBAAR uu xil u qabto umadii iyo dalkii uu ka cararay.waxase waajib ahayd in marka ay wadanka soo cago dhigtaan jeelasha loo taxaabo maxaa yeelay waa isku mid iyo isku nooc isaga iyo kii wadanka laga xoreeyay.

Waxa aan halkan ku soo bandhigayaa qiso ka dhacday Magaalada Hargeysa taasi oo ah in laba Nin oo midna yahay Muwaadin joogay Hargeysa Midna yahay ISXAMBAAR ay u wada tageen Madaxweyne Rayaale iyaga oo doonaaya shaqo in ay ka helaan wadanka.

Madaxweyne Rayaale markii ay labadii Nin u wada galeen ayaa Madaxweyne Rayaale yidhi bal soo fadhiista markii ay soo fadhiisteen ee mid waliba muraadkii uu lahaa sheegtay, ayuu weydiiyay keena bal aan eego heerkiina aqooneed iyo inta ay gaadhsiisan tahay.

Labadii Nin waa Muwaadinkii iyo Isxambaarkiiye waxa uu mid waliba la soo baxay waraaqihiisi aqoonsi. Kii muwaadinka ahaa ee joogay tan iyo dagaaladii wadanka ayaa aqoon batay kii kalena marki la yidhi maxaad taqaana waxa uu yidhi waxa aan leeyahay khibrad badan waxa aan soo arkay wadamo kale. Waxanan wadanka ka maqnaa mudo aad u badan oo waxa aan ka baxay wadanka markii ay dagaaladu ka bilowdeen 1987 ilaa waqtigaasina waxa aan ka oo shaqeeyay dhowr shaqo oo ay ka mid tahay

Caffeteria.
Internet Caffe.
sub-Station
fuel Station

Markii dambena waxa aan Certeficate ka qaatay Machad ku yaala Waqooyiga London. Inta waxaasi oo hadal ahi ka soo baxayaan ninka Isxambaarka ah kii muwaadinka ahaa ee wadanka joogay waa uu dhagaysanayaa. Waxa aad moodaa in Madaxweyne Rayaale qudhiisa uu aad ula dhacsan yahay shaqooyinka ninka ISXAMBAARKA ah. Waxa uu Madaxweyne Rayaale labadii nin u qabtay in ay ku soo noqdaan Maalina Bari ah si uu ugu kala sheego midka uu rabo in uu shaqada siiyo, garo oo shaqada loo tartamayaa waa heer Wasiir.

Maalintii dambe ayay soo noqdeen labadii nin waxa ay sii hor fadhiisteen albaabka hore ee xafiiska Madaxweyne Rayaale. Markii uu galay xafiiska ayuu Madaxweyne Rayaale u yeedhay labadii nin waxa uu ku yidhi waxa aan aad ugu faraxsanahay in ay wadanka ku soo noqdaan dhalinyaro sedan oo kale ah (Isxambaar) oo ka soo shaqeeyay wadamo kale markaa waxa aan ku leeyahay waad ku guulaystay shaqadii wasiirnimo ee soo qaado alaabtaada adiga (Muwaadinka joogay wadanka) waxa aan ku leeyahay waxa fiicnaan lahayd in aad u dhooftaan wadanka dibediisa oo aad soo aragtaan bal sida ay u shaqeeyaan wadamada kale ee horumaray sida yarkan ku horfadhiya oo kale (Isxambaarkii) markaa ha niyad jabin ee sug fursadaada.

Waxa aad halkaasi ka garan kartaa in ay kala xariifsan yihiin dhalinyarada wadanka ku sugan ee wax ku bartay iyo kuwa Isxambaarka ahi ee wadanka dibeda uga yaacay. Waxanad arki kartaa in uu ninkii dhamaa ee wadanka ugu sareeyay uu jecel yahay in dadka oo dhami dhoofaan oo ay tahriibaan. Maxaa yeelay waxa aad ka garan kartaa sida
uu ugu kala eexday labadii nin ee kala aqoonta badnaa..

Ninkii muwaadinka ahaa isaga oo yaaban ayuu ka soo baxay xafiiskii Madaxweyne Rayaale waxana uu go`aansaday in uu Tahriibo oo uu tago wadan aanu lahayn kol hadii aanu waxba ku hayn wadankii uu u soo dhintay ee uu mudada joogay.

A. Axmed
a_aar1@yahoo.com
Hargaysa.Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS