SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 May 2008.

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha Ogaadeenya
Shir ku saabsan halganka Ogaadeenya oo ka dhacay Oslo
Kaligii taliye Meles oo toogasho ku xukumay duuliyayaal millatari ah
Gudoomiyaha HAD ee jwxo oo booqasho hawleed ku tagay jarmalka.
Barnaaminkii Aragtida Halgamaaga (shacabka Puntland oo Somalinimo muujiyey)

======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Dagaallo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxaa gumaysiga afar maalmood gudohood laga dilay ugu yaraan 57 askari, waxaa sidoo kale laga dhaawacay 47 askari, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

17/05/08 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Xadhadhamaha, oo ka tirsan Qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 17/05/08 dagaal isaguna ka dhacay Nus-dariiqa, waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 14 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

16/05/08 Abeesaale, oo Dhuxun ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 5 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/05/08 dagaal adag oo ka dhacay Cobolle, waxaa ciidammada caga-jiidka ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 20 askari, 15 kalana waa lagaga dhaawacay.

09/05/08 dagaa isaguna ka dhacay Dawacaley waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 15 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.

Dhibaatooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha Ogaadeenya

Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyin, oo noocyo kala duwan isugu jira, waxay u dheceen sidatan;

16/05/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Cayuun, oo ka tirsan degmada Dhuxun, ku dileen nin waayeel ah oo da’diisa 80 lagu qiyaasay oo lagu magacaabo C/wali Kaahin Muuse. Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu hanti kala duwan ka boobeen dadka kala ah;
1- Hodan Wacdi Baashe
2- Xasan Maxamed Aaden oo ay 1500 oo Bir ka dhaceen
3- Amal Macalin Baaji oo ay iyadana 2000 oo Bir ka dhaceen
4- Cabdi Buraale oo ay 500 oo Bir ka dhaceen
5- Nuur Carab Maxamed oo ay isagana 300 oo Bir ka dhaceen
6- Sayida Maxamed Diiriye oo ay 200 oo Bir ka dhaceen
7- Qawdhan Maxamuud oo 1000 Bir ay ka dhaceen
8- Ibraahim Bile oo isagana 1000 Bir ay ka dhaceen
9- Xaliimo Maxamuud oo ay 1500 oo Bir ka dhaceen
10- C/llaahi Nuur oo ay 500 oo Bir ka dhaceen

14/05/08 Dhagaxmadow waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Maxamed Xasan Hudle oo curyaan ah, isla markaana ay ciidammada gumaysigu cukurrada ka jabiyeen
2- Cabdi Maxamed Caar
3- C/fataax Maxamed
4- Cabdi-Dhoof
5- Nimco Maxamed Sh Cumar
6- Kifaax oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin
7- Fadxa Aarbe iyo
8- Caasha Cad

13/05/08 Cayuun, oo Dhuxun ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;
1- Bishaaro Aaqib Bile
2- Nimco Maxamed
3- Sucaado C/llaahi Caynab
4- Cuud Aaden iyo
5- Xamdi Caydiid

08/05/08 magaalada Awaare waxay ciidammada gumaysigu ku xidheen ninka lagu magacaabo Naajeri Quulle.

Isla 08/05/08 waxaa magaalada Higlaley laga soo qaqabtay oo lagu xidhxidhay magaalada Dhagaxbuur dadka kala ah;
1- Maxamuud Quulle
2- Xuseen Iimaan iyo
3- Ina Iimaan oo magaciisa aanaan haynin

07/05/08 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Casri Cabdi
2- Muus oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin
3- Sareedo oo iyadana magaceeda oo buuxa aanaan haynin
4- Bishaaro Xasan Khaliif iyo
5- C/wali Bade

01/05/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dad magaalada safar u yimid, waxayna kala yihiin dadkaasi;
1- Maxamed C/llaahi
2- Xasan Yaasiin
3- Cismaan Xasan Sh Cumar
4- Cali Sh Cumar
5- Wali Siciid
6- Aayd Yaasiin
7- Halable Maxamuud Aaden iyo
8- Rabiic Aw Macalin

Dhinaca kale maalintii axadda ahayd waxaa magaalada Dhagaxbuur shirk u qabtay maamul ku sheegga magaalada oo ka soo laabtay tababar iyo wacyi galin bulshada ka dhan oo muddadanba lagu siinayay Itoobiya, waxayna dadwaynaha u sheegeen inay si rasmi ah u xidhayaan xadka u dhexeeya Ogaadeenya iyo Woqooyiga Soomaaliya. Arrintaas ayay dadwaynaha iyo ganacsataduba aad uga cadhoodeen, isla markaana ay ganacsatadu ku hanjabeen inay lafohooda u kaydsan doonaan wixii raashiin ah ee ay hadda gacanta ku hayaan.

Shir ku saabsan halganka Ogaadeenya oo ka dhacay Oslo

Maalinimadii axadda ahayd waxaa magaalada Oslo ee dalka Norway lagu qabtay shir ballaadhan oo lagu qaadaa-dhigayay arrimo ay ka mid ahaayeen xadgdubyada ay maamullada soomaalidu u gaystaan dadwaynaha Ogaadeenya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa ialaha dhaqaale ee halganka.

Shirkan waxaa soo qabanqaabisay Jaaliayadda Ogaadeenya ee dalka Norway, waxaana ka qayb galay madax sarsare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO iyo aqoonyahano shisheeye ah oo ku xeel-dheer arrimaha Geeska Afrika.

Shirkan waxaa khadaka tilifoonka kaga qayb galay guddoomiyaha JWXO Adimral Maxamed Cumar Cismaan, kaasoo sheegay in JWXO ay tallaabo adag ka qaadi doonto xilliga munaasabka ah maamullada daba-dhilifka ah ee Woqooyiga iyo Woqooyi Bari ee Soomaaliya, kuwaasoo dhibaatooyin badan u gaystay dadwaynaha Ogaadeenya, isla markaana qaar badan oo dadwaynaha Ogaadeenya ka mid ah u gacan galiyay gumaysiga Itoobiya.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in CWXO ay diyaar u yihiin, karti buuxdana u leeyihiin inay dagaal furan la galaan ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga. Wuxuu ballan ku qaaday in ciidammada Wayaanuhu ayna xataa xeryohooda ku nasan doonin.

Waxaa isaguna shirkaas khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay guddoomiye ku xigeenka Hoggaanka Arrimaha Jabhadda mudane Maxamed Yuusuf.

Waxaa iyaguna shirka ka hadlay masuuliyiinta Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Norway iyo aqoonyahano ka socda Maxadka caanka ah ee loo yaqaano Maxadka Cilmbaadhista Arrimaha Nabadgelyada ee Oslo.

Dhinaca kale guddoomiyaha Hoggaanka Arrimaha Dibada ee JWXO mudane C/axmaan Sh Mahdi ayaa isaguna daba-yaaqadii toddobaadkii hore ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen masuuliyiinta arrimaha ee Jabhada la dagaallama gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay magaalada Farankfurt ee waddanka Jarmalka.

Shirkan waxaa lagaga hadlayay xadgudubyada uu gumaysiga Itoobiya ka wado Ogaadeenya, Oromiya, Sidamo, Bin Shangul iyo gobolka Amxaarada, waxaana ka qayb galay madaxda arrimaha dibada ee ururrada JWXO, OLF iyo Sidamo, kuwaasoo gabagabadii shirka ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wadashaynta ka dhaxaysa Jabhadaha hubaysan ee dagaalka kula jira gumaysatada Itoobiya.

Kaligii taliye Meles oo toogasho ku xukumay duuliyayaal millatari ah

Maamulka kaligii taliye Meles Zenawi ayaa dhawaan dil ku xukumay afar duuliye oo millatari ah oo dalka Itoobiya baxsasho kaga maqan. Warar xogogaal ah oo laga helay maamulka TPLF ayaa sheegaya in maxmakad millatari oo qarsoodi ahi ay dhawaan dil ku xukuntay afar duuliye oo sannadkii 2006 magangelyo siyaasadeed waydiistay xukuumadda Israa’iil, xilli ay halkaas tababar u joogeen.

Sida ay wararkani sheegayaan waxay maxkamadu denbiilayaal ka dhigtay oo dil ku xukuntay Kabtan Samuel Getachew, Lt. Himanot Gebre Mariam, Lt. Fikresleasie Fleke iyo Lt. Yitabrek Takele.

Taliska TPLF ee ka taliya Itoobiya ayaa dhibaato ba’ani ka haysataa sharaakiisha ka baxsanaysa iyadoo dhawrkii sano ee u denbeeyay ay ka baxsadaan saraakiil badan oo jannaraalo iyo kornaylo ku jiraan, kuwaasoo magangelyo siyaasadeed ka dalbaday wadammo kala duwan oo aduunka ka mid ah.


20 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS