Maamul Goboleedka Puntland iyo Hogaamiye kooxeedyaadii ka talin jiray
koofurta Somalia iyo Magaalada Caasimada ah Muqdisho Hadaba Maxaa ay ku kala
duwanyihiin, Maxaa ay is dheeryihiin iyo Maxaa ay isaga mid yihiin.
Maamul goboleedka Puntland oo dhab ahaantii ka mid noqdey maamuladii looga
dhawaaqay dalka Somalia kadib burburkii Xukuumadii uu madaxda u ahaa allaha u
naxariistee Maxamed Siyaad Barre, iyadoo uu dhab ahaantiina si wanaagsan uga
hirgaliyey gobolada lagu magacaabo Puntland oo ilaa haatana uu ka taliyo.
Maamulkaan ayaa ah dhab ahaantii ah maamul aanan sheegan inuu gooni isaga taagay
gobolada kale ee dalka Somalia, iyadoo ilaa haatana uu shaqeeyo hase ahatee
aanan ahayn sidoo loogu talo galay inuu ku shaqeeyo.
Hadaba Cinwaakeenu waxaa weeye Maamul goboleedka Puntland iyo Hogaamiyayaashii
looga itaal roonaday magaalda Muqdisho maxaa ay isaga egyihiin, hadaba arimahaan
ayaa usoo qaadanaya kuwa ugu muhiimsan oo ay isaga midka yihiin iyadadoo
arimahaan aan mid mid uga hadli doono:-
- 1. Caburinta Shacabka iyo Saxaafada.
- 2. Dilalka Qorsheysan ee loo gaysanayo Aqoonyahanaha, Saraakiisha iyo
Culumaa’udiinka.
- 3. Afduubka dadka Ajaanibta ah iyo Culumaa’udiinka.
- 4. Lacagaha been abuurka iyo kala qeybinta bulshada.
- 5. Taageerida Burcad badeedka.
Hadaba arimahaan ayaan mid mid ugu soo qaadan doonaa maqaalkeena manta iyadoo
aan u kala hormari doono sida ay kula horeeyaan.
Caburinta Shacabka iyo Saxaafada.
Hadaba maamul goboleedka Puntland waxaa ka jira cadaadis badan oo lagu haayo
shacabka ku dhaqan Puntlannd iyo Saxaafada xorta ah iyadoo aanan loo ogoleyn
Saxaafada Madax banaani in ay ugu gudbiso wararka iyo afkaarta bulshada ku
dhaqan degaanada puntland, iyadoo lagu eedeynayo hadii ay warar ka dhan ah
maamulka goboleedka puntland ay sheegaan, inay taageero u yihiin waxa ay ugu
yeereen Argagaxiso, sidaana ay ku mutaysanyaan xarig iyo jirdil.
Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray
gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho
iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib
markii uu dhacay kacdoon shacab oo ya hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi
oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka,
afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin
jireen.
Sidoo kale dhanka shacabka ayaa iyagana ah kuwa dhibaatooyin isugu jira xarig iyo
jir dil oo aan sharci ahayn kala kulmay dhanka maamulka Puntland.
Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray
gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho
iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib
markii uu dhacay kacdoon shacab oo ya hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi
oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka,
afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin
jireen.
Dilalka Qorsheysan ee loo gaysanayo Aqoonyahanaha, Saraakiisha iyo
Culima’udiinka.
Gobalada ay ka taliyaan maamul goobleedka puntland ayaa waxaa baryahaan kusoo
badanayay dhac, dilal qorsheysan iyo afduub lagula kaco wadaadada
Magaalada Galkacyo oo ah magaala madaxda gobolka Mudug ayaa hadana ah magaalo
hoos tagto maamul goboleedka Puntland iyada oo ay baryahaan kusoo badanayeen
dhac loo gaysanayo gawaarida safarka, sidoo kale waxaa jira dilal loo gaysanayo
dad safarka iyadoo arinkaasina aysan waxba ka qabanayn maaulka Puntland oo ay u
muuqato amaan dari kusii badanaysa gobolada Puntland.
Dhan kale waxaa jira dilal qorsheysan oo ku soo badanayan dhawaanahaan magaalada
madaxda maamul goboleedka puntland Garowe kuwaasi oo loo gaysanayay aqoonyahano,
saraakiil iyo culimo ku dhaqan goboladaasi Puntland.
Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray
gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho
iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib
markii uu dhacay kacdoon shacab oo ya hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi
oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka,
afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin
jireen.
Afduubka dadka Ajaanibta ah iyo Wadaada.
Gobolada Puntland oo ka mid ahayeen meelaha ugu nabdoon kadib dagaaladii sokeeye
ayaa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey kusoo badanayey afduub lagula kaco dadka
ajaanibta iyo muwaadiniin Somali ah, iyaga afduub ka loo gaysanayo xili ay ku
guda jira hawlahooda shaqo ama ku sugan hoygooda.
Dad farabadan oo ajaanib ah kuwaasi oo hawlo shaqo u yimid gobolada Puntland
ayaa waxaa loo gaystay xarig iyaga oo ku guda jira hawlo shaqo, halka qaarkoodna
iyaga oo dib uga laabanayay goboladaasi laga qabtay garoomada laga duulo ee
gobolada Puntland, waxaana ugu dambeeyey Dhaktar Kenyan ah asalkisuna yahay
Somali kaasi oo lagu eedeeyey waxa ay ugu yeereeyn falal argagaxisanimo.
Sidoo kale waxaa jira dad muwaadiniin Somali ah kuwaasi oo kasoo jeeda gobolada
Ogaadeeniya oo loo gacan geliyey dowlada Ethopia iyada oo lagu eedaynayo madaxda
maamul goboleedka Puntland inay falkaasi ay gaysteen.
Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray
gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho
iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib
markii uu dhacay kacdoon shacab oo ya hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi
oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka,
afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin
jireen.
Lacagaha been abuurka iyo kala qeybinta bulshada.
Lacagaha been abuurka ah ayaa ah kuwa kusoo badanayey gobolada koonfurta Somalia
kuwaasi oo sida la sheegay laga keeno dhankaa iyo maamul goboleedka Puntland,
waa sida ay xaqiijiyeen madax ka tirsa maamul goboleedka Puntland.
Lacagaha faalsada ah ayaa ka qaybqaatay dhibaatooyinka ugu badan ee ku dhacayay
dadka rayidka ah mudooyinkii ugu dambeeyey, iyaga oo si wayn uga qayb qaatay
sicir bararka baahsan ee ka jira gudaha dalka Somalia xili lagu guda jiro abaaro
iyo xasarado ka oogan inta badan gobolada koofurta Somalia haba ugu darnaatee
magaalada caasimada ah ee Muqdisho, hadaba waxaa xusid mudan in magaalada
muqdisho laga diiday lacagaha 1000-ka shilling oo duuga ah iyada ay ka jiraan
dhibaatoyin ka dhan ah bini’aadanimada hadana waxaa cunaqabatayn la saaray
shacabka oo ay qayb wayn ka qaadanaysay lacagaha faalsadaha ee sida la sheegya
lagu sameeyo Puntland..
Waxaa lacaga faalsada ah ay gaarsiiyeen sarifka $100.00 dollar 3,700,000
Sh.Somaliga ah tasina waa ay ku tusaysaa halka ay gaartay qiimaha maciishada
qutul daruuriga iyada oo keentay in dadka ka barakacy magaalada muqdisho inay
awoodi waayaan iibsashada maciishada qutul daruuriga iyadoo arinkaana ay
kaliftay inay cunaan haragaha xoolaha iyo waxii ay arkaanba oo qoyan.
Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray
gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho
iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib
markii uu dhacay kacdoon shacab oo ya hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi
oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka,
afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin
jireen.
Taageerida Burcad badeedka.
Taageerida burcad badeeda ayaa ah arin si weyn looga bartay madaxda maamul
goboleedka Puntland iyada oo sheega inaysan awoodi karin inay burcad badeeda ka
ilaaliyaan xeebaha Puntland, waxase jirta in Mar ay idaacada BBC-da way diisey
wasiir ka tirsan dowlad goobleedka Puntland Ma awoodi wayseen inaad Burcad
badeeda ka ilaalisaan xeebaha Puntland? waxa uuna ku jawaabay anaga ma lihin
awood aan isiga dhicino, waxaa yaab ah in dhaqaalaha ugu badan uu kasoo galo
Puntland xeebaha oo hadana ay awoodi weyso inay ka dhiciso burcad badeeda, waxaa
kale oo arin yaab leh in markii la afduubto maraakiibta la geeyo degaano ay ka
taliyaan dowlad goboleedka Puntland deetana ay dhahaan anaga ma awoodno inaan
iska dhicino burcad badeeda iyada oo ay joogaan deegaanada ay ka taliyaan dowlad
goobleedka Puntland.
Hadaba aqristaw maxaa keenay in maamul goboleedka Puntland ay awoodi waayeen
inay burcad badeeda ka ilaaliyaan xeebaha Puntland, oo ay wadaado iyo dad rayid
ah ku qabqabtaan gudaha gobolada Puntland kuwaasi oo inta badan aanan waxba
dambi ah galin, waxii fikradaaada ah noogu soo dir E-mail:-
Muxsin55@hotmail.com
Arinkaan ayaa u muuqda mid ay ku lug leeyihiin madaxda sar sare ee dowlad
goboleedka Puntland iyada oo ay raali uga yihiin buracad badeeda inay ka
qaraabtaan xeebaha Puntland, oo ay heshiis ku yihiin in la afduubto maraakbita.
Waxaa isla sanadkaan gudahiisa xeebaha Puntland lagu afduubtay markab ganacsi oo
laga leeyahay Dubai kaasi oo u socday dhankaa iyo Puntland oo sida la sheegay
xiriir ganacsi la leh , waxa ayna ciidamada dowlad goboledka Puntland kusoo
furteen awood, hadaba aqristow maxaa keenay in Puntland ay maraakiibta ayaga
usocta ay awood ku soo furtaan kuwa kalana awodi waayaan inay soo furtaan oo
indhaha ka laabtaan.
Hase ahaatee arinkaan ayaa ah mid lagu yaqaanay hogaamiyayaashii ka talin jiray
gobolada koonfurta Somalia oo ay ku jirtay magaalada Caasimada ah ee Muqidsho
iyadoo markii dambena looga itaal roonaday goobihii ay ka talinayeen kadib
markii uu dhacay kacdoon shacab oo ya hogaaminayeen Maxkamadihii Islaamig, kaasi
oo looga soo horjeeday dhibaatooyinkii, dhaca, boobka, kala qaybinta shacabka,
afduubka iyo dilka ay ku hayeen bulshada ku dhaqan deeganadii ay ka talin
jireen.
Gunaanad
Habada maamul goboleedka Puntlnad waxa aan kula talin lahaa inay dhibaatooyinkan
ay umada ku hayaan ka daayaan waayo waxaa laga yaabaa in shacabka reer Puntland
ay u adkaysan waayaan oo ay kacdoon ku sameeyaan taasian ay soo dadajiso in
maamulka hada ja kira Puntland uu meesha isaga baxo.
W/D: Cabdikariin Maxamed Jimcaale (Muxsin)
Somali Repoter
E-mail: Muxsin55@hotmail.com
Tel: +254-727965067
Nairobi-Kenya