SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

‘’WARQAD FURAN : SHEIKH HASSAN DAHIR AWAYS’’

Ugu horeyntii iga gudoon Sheikh Hassan salaan Islaanimo iyo Soomaalinimo ( Assalama Caleykum waraxmatulaahi Wabarakaatu ?), salaan dabadeed waxaan warqadatan furan kugu soo direy inaa kala hadlo arimo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya uu marayo iyo mowqifka la rabo inaad ka qaadato.

Mudane Sheikh Hassan waxaad si cad u sheegtay inaad ka soo horjeedo mowqifka siyaasadeed ay qaateen labada Gudoomiye ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo ergada wafdiga ka qayb galaya shirka JABUUTI, adigoo ka siidayey ideecadaha u dhisan inay xalka Soomaaliya sida ay hada tahay raba inay sii ahaato, rabana kala jabka ama kala tagiina, taas oo ah arin ay ka xumaadaan dadka jecel in gumaysiga dalka laga xoreeyo loogana xoreeyo midnimo Soomaaliyeed oo wadajir ah, madaama uu Isbaheysigu yahay kan kaliya u taagan inuu ka hadlo dhibaatada lagu hayo ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan warqadatan kugu soo qorey inaa ku xusuusiyo arimo badan oo jira loona baahan yahay inaad ka fekerto adiga shaqsiyan, madaama aad tahay nin masuul ah doonayana in Soomaaliya lagu xukumo shareecada Islaamka.

Soomaalidu sideedaba waa dad Islaam ah laguna muslimin seef iyo xoog toona, waxaana rumaysanahay sida taariikhdu qortey in dadka Soomaaliyeed ay diinta Islaamka qaateen ka hor intii ay diinta Islaamka ku faafin dhulwaynaha Carabiya ama aan dhaho inta diinta Islaamka faafinteeda aysan ka bixin Makka kadib markii qaar ka mid asxaabtii ay u soo haajireen Soomaaliya kadibna kaga sii gudbeen dalka Ethopia, markaas oo ay dadka Soomaaliyeed qaateen diinta Islaamka, asxaabta waxay ka soo dageen xeebta Saylac ee Soomaaliya waayo dhanka Badda ayay kaga yimaadeen Afrika , Ethopiana bad ma lahan.

Waxaana ka garan kartaa inta dadyoowga dagta Horn of Afrika ee is xigta xigta juquraafi ahaan inay wada yihiin Islaam sida Soomaalida, Cafarta, Oromada iwm ah , kuna wada Islaameen si nabad ah iyagoo lagu qasbin, marka Soomaalidu waaba sahal inay qataan iskuna dhaqaan shareecada Islaamka, waxayna u baahan tahay ka dhaadhicin sahal ah iyo is tusaalayn joogta ah, laakinse qasab ma ahan inaan aduunka dhan diinta Islaamka gaarsiino si qasab ah madaama ay teena na haysato, Soomaaliduna waxay horey u tiri tiisa daryeela tu kale ku dara, marka xiliga hada aan mareyno waa xili loo baahan yahay in aan daaweyno dhawaacyada na kala gaarey , mida gumaystaha iyo kuwa u ku adeegto dadka Soomaaliyeed gaarsiiyeen.

Hadaba Soomaaliya waxaa haysta cadaw soo jireen ah balse cadawga iskama imaanin ee waxa uu ka faaidaystey damiirlawayaal Soomaali ah oo uu noo soo isticmaalay ilaa aan dowladnimadeenii burburino dadlkeenii baabi’ino dadkeenana xasuuqno kadibna isagoo socda ayuu yimid ayna soo horkaceen qabqablayaal shaar qabiil wata.

Soomaalidu waa dad xun oo qabiilka caabuda hadiisa aysan saas ahayn madax uma aysan noqdeen damiirlawayaal walina gacan ku dhiiglayaal ah ayna taas u sii dheer tahay dabadhilifnimo raqiis ah, waxaana halkaas kaaga soo baxaya aayad quraan ah oo oranaysa ‘’ hadii qoomku duloobo waxaan madax uga dhignaa kuwooda ugu xun’’.

Maxaa ku jaban hadii Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya uu beesha caalamka kala hadlo in ciidamada Ethopia ee dalkeena xooga ku qabsaday inay ka saaran dhulka Soomaaliya, kadibna ciidamo caalami ah la geeyo Soomaaliya,ugu dambayntii Soomaalida dhaxdeeda ay ka wada hadlaan sidii dalkooda nabad ugu soo dabaali lahaayeen,iyadoo ay ka maqan tahay dano shisheeye iyo faragalin qaawan oo muuqata?.

Dadka Soomaaliyeed waxay la daalan yihiin dhibaato muda dheer ay ku soo jireen, waxayna u baqayaan inay sidaasi ku waayaan dalkooda, madaama Soomaaliya ay gashay gacan shisheeye, dalal ka leh dano wajiyo badan, shaqsiyaad fulinaya dantooda iyo dano dad kale.

Waxaa kula gudboon inaadan ka hor imaanin danta iyo maslaxada ummada Soomaaliyeed, taas oo ah inay Ethopia iska xoreeyaan, dalkoodana ay u tashtaan si ay ugu wada noolaadan aduunkana aan kula noolaano nabad iyo xornimo .

Waxaad marmarsiiyo u soo qaadatey in la jabiyey axdigii Isbahaysiga u qornaa oo la qaatey in lala galo shir kuwa TFG ee dabadhilifka ah dalkii Soomaaliya oo ay Ethopia haysato, hasayeshee waxaa meesha ka soo baxday oo cad in beesha caalamka lagala hadlay sidii ciidamada Ethopia dalka looga saari lahaa, taasna waa qasab dana ugu jirto Soomaaliya iyo Soomaalidaba, waayo hadii caalamka maanta ay xaqiiqsadeen in Ethopia joogitaankeeda Soomaaliya ay mushkilada sii fogaynayso ayna tahay in arinkaasi la meelmariyo iyadoo loo maraayo wado kale, waxay ila tahay inay guul u tahay shacabka Soomaaliyeed hadii Ethopia dalka laga saaro bilaa shuruud, taas oo u ah Ethopia wajib gabax maadama ay ku fashilantey arinkii ay dalka Soomaaliya u soo gashay ayna ogaatey in ummadda Soomaaliyeed yihiin dad ka duwan kuwa ay ku adeegato.

Ugu dambayntii waxaan kugula talin lahaa inaa arinkaas ka tanaasusho raali galena siiso ragii mowqifka wanaagsan ka qaatey arinka Soomaaliya waqtii ugu xumaa ee soo mara ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo si cad u diiday kana hor yimid in dalka la qabsado loona sacbiyo ama ay ka aamusnadaan, iyagoo u soo marey dhibaatooyin fara badan.

Waxaan ku shegayaa kuwa gurbaanka beenta ah ku garaacaya ee kula jooga Casmara iyo Soomaaliya inay yihiin kuwii dalka soo galiyey ama horey gacan saarka ula lahaa Tigreega ama Xabashida, hadana iskaga kaa dhigaya inay ku yihiin saaxiibo kaa ag dhaw ama kugu talo ah, madaama ay ka xanaaqsan yihiin in aan lagu aamini Karin sirta dalka ayay doonayaan inay adigana ku isticmalaan kala jabinta ururka Isbaheysiga sida Xuseen Caydiid, Shariif Saalax, Jama Ali Jama, iyo Yusuf Indhocade, marka waxaad ogataa hadii aad rabto inaad madax ka noqontid Soomaaliya ama waxaad aaminsan tahay in la isku dhaqo way fudud tahay inaa ku gaarto adigoo marin wado qaldan ayaad dhinac ka soo raaci kartaa ummadda Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah.

Hadii dalka Soomaaliya laga saaro Ethopian gangs iyo camiilada ay wadatana xididada loo siibo way sahlanaanaysaa arinka Soomaaliya iyadoo taasina ay ka maqnayn in shirqoolka ay wadaan kuwa dunida ka dhaadhicinaya in Soomaaliya joogto Alqaacida ee isku eekaysiinaya mar kasta, waa in fiiro gaar ahaaneed loo yeeshaa waayo dagaal kale oo aan caalamka la galno faaido nooma aha.
Sheikh Hassan gacaliye xisbi Islaami ah ayaa furan kartaa si fudud adigoo kaga dayanaya waddadii ay mareen tusaale ahaan xisbiyada Islaamiga ah ee dalalka Turkey , Iran ama Lubnaan iyo Falastiin ka dhisan, adigoo dadkaada kalsooni kula jooga, kana dhaadhicinaya fikradaha aad rabto inaad na wada gaarsiiso, balse caqli ma ahan inaad tiraahdo ma yeelayno mana hadlayno.
Inaad caalamka la hadashaan oo hadafkiina iyo mowqifka aad qabtaan miiska korkiisa ku cadayso ayaa ka fiican intii aad cadawgaada ku gacan siin lahayd inuu kaaga dheereeyo dunida aan manta ku nool nahay ee jahwareersan.

Mudane Sheikh Hassan Dahir ha inkirin in Soomaalida maanta joogta ay fashilmeen kuna fashilmeen wax walbo oo xataa hadalka xataa wax la isku fahansiin Kari waayey iska daa qori caradiis iyo is maquunin.

Dalka aad joogtana waxay leeyihin dan, dantaas oo ah in Ethopia ciidamadeeda Soomaaliya gudaheeda dagaal joogta ah ku joogaan, madaama ay maslaxadooda ku jirto, ma ahan in aad u fuliso arinkaas, hadii Ethopia hadal iyo xabad lagu saaro Soomaaliya waa u dan, waxaase khalad ah in dabadhilifka iyo Ethopia lagula heshiiyo in ay dalka sii joogaan waxna lala qaybsado.

La soco cadawgaada waa lala hadlaa adigoo xaqaada si cad u raadsanaya, hadii la sii kala jabo oo aad ku adkeysato mowqifka qaldan ee aad qaadatey, waxay ila tahay inay adiga taasi dan kugu jirin laf ahaantaada waayo gaalo waxay ku arkaan nin cadaw ku ah, Soomaali badana waxay ku fekerayaan sidii ay adiga ku shirqooli lahaayeen, sidii ay u shirqooleen mujaahidkii yaraa Sheikh Aden Xaashi allaha u raxmadee, kuwaasna waxaa ka mid ah kuwa hada kula jooga oo markii horaba si cad u sheegi jirey , waana hubaa inaysan ka tanaasulin jacaylka Ethopia iyo nacaybka ay ku qabaan, balse ay la dirirsan yihiin kuwa hada Tigreega ay ku shaqaysato ee jooga Baydhaba.

Marka ragii caalamka oo dhan ka hor istaagay inay aqbalaan inaad tahay wadaad xagjir ah kana haraan, kuna adkeystey inaa tahay nin Soomaali ah oo gobanimo doon ah, Ethopia-na waxay aqrinaysana ku tilmaamay quraafad kuna keenay Casmara adiga iyo kuwa hada beenta dadwaynaha u aqrinaya eel eh ururkii ayaa la gatey.

Waxay ila tahay inaa arinkaas ka fiirsato wixii ka dhalan kara hadii Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ay ka baxaan kuwa taageersan mowqifka labada Gudoomiye ama labada Shariif.

Hadii Ethopia dalka ka baxdo sunteedana la raaciyo oo xididda u goyno qabqablayaasha iyo kuwa qabiilka madax marey, waxay ila tahay inaa guulaysanay, Soomaaliyana xoreynay oo aan ku noolaan doono sharaf iyo madaxbanaani leh karaamo, dadka Soomaaliyeedna ay ka bixi doonaan dhibaatada dilootey mudda dheer.

Waxaan filayaa inaad ku qanci doonto talada dadka Soomaaliyeed ee doonaya in dalka la xoreeyo, Soomaaliduna danaheeda wadagarato iyadoo meesha ay ka maqan tahay dulmi iyo eex laguna wada qanacsan yahay talada dalka waayo dalka waa uu naga wada dhaxeeyaa kuligeen, wadaad iyo waranle iyo nin waalanba waayo horaa loo yiri :
· Soomaaliya Soomaali baa leh.
· Dugsi maleh qabyaaladu waxay dumiso mooyee

Isbaheysigu Dib u Xoreynta Soomaaliya qof ma leh oo qabiil ma leh oo waxaa leh dadka Soomaaliyeed, waana hubaa inuu guulaysan doono insha allah, laakinse waa tareen socda qofna soo kori qofna meel dhaxe uga dagi ilaa u gaaro xuduudaha Soomaaliya oo dhan.

Mahadsanid.

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS