SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qaahira, waa magaalo sidee ah?

Socdaalkeygii Qaahira. 
 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabad gelyana Rasuulkeenii ayeey u sugnaatay. Kadib dhammaan akhristayaasha sharafta lahow iga gudooma salaanta Islaamka

( A.C.W.W ). 

Qaahira oo ah caasumadda Waddanka Masaarida, waa magaalo aad iyo aad u baaxad weyn, ayna ku nool yihiin dad lagu qiyaasay illaa iyo 18 Milyan. Waa magaalo ay xadaaradeeda iyo ilbaxnimadeeduba aad iyo aad u sareyso, waxaa ka dhisan goobo aad iyo aad u fara baddan oo taariikhi ah, waxey leedayahay, oo ka dhisay masaajidyadii ugu horreyay xilligai saxaabadda, sida kii uu dhisay saxaabigii jaliilka ahaa, Cumar ibnu Caas. Waxey kaloo leedahay goobo fara baddan oo lagu barto Aqoonta kala duwan sida jaamacadda weyn ee taariikhda lagu xuso Al- As-har oo leh waxbarasho min Primary illaa iyo heer jaamacadeed, kuna taala meel walboo aad ka tagto magaalada Qaahira. Waxaa kaloo Qaahira ku yaala jaamacado kale, oo laga barto aqoonta kal duwan ee lagu diyaariyo jaamacadaha Adduunka. 

Qaahira waa magaalo aad iyo aad loo ilaaliyay ammaankeeda, waxaad arkeysaa dadka oo iska soconaya xilli danbe habeenkii, oo cid la hadleysaa aysan jirin. Dadku inbaddan habeenkii ayeey danahooda Suuqeysiga ama is booqashadaba sameeyaan, taasoo u daliil ah amniga qaaliga ah ee ka jira halkaa. Maciishadda magaaladda Qaahira waa mid iska macquul ah, Inkastoo waayahan danbe ay kala mid tahay dunida kale maciishada cirka isku shareertay. 

Qaahira waxaa ku nool Soomaali aad iyo aad u fara baddan oo ka kala yimid meelo kala duwan, una jooga Qaahira duruufo iyo dano kala duwan, sida Arday ka timid Soomaaliya oo Minxo ama deeq waxbarasho ka heshay  dowladda Masaarida, kana kal yimid qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, dad iyagu kasoo guuray waddamada Yurub iyo mareykanka oo halkaa caruurahooda u keenay inay wax uga bartaan, kuna ilaaliyaan diintooda iyo dhaqankooda wanaagsan, sidoo kale waxaa jira Soomaali kale oo fara baddan oo ku sugaya halkaa bal inay fursad ay uga baxaan illaa iyo Yurub ama Ameerika ka gaadaya, ama wax ka sugaya  Xafiiska UNta.. 

Soomaalida Qaahira waxa ay ku kala nool yihiin xaafado kala duwan, intooda baddan waa dad og muhiimadii ay qaahira u yimaadeen, Inkastoo ay jiraan kuwo weli u dhaqmaya sidi iyagoo Soomaaliya jooga, ama  aanay maareyn karin caruurahooda ay ka keeneen waddamada Yurub ama Ameerika. Runtii mar marka qaar aad baa loo dhibsadaa caruuraha laga keenay Yurub iyo Ameerika, oo haddana isku meel lawada dajiyay amaba ay dhici karto inaany la joogin waalidkoodii, oo dad kale looga sii tagey. 

Qaahira run ahaantii waxaa ka jirta fursado baddan oo qaali ah, waa haddii laga faa’ideysanayo. Xagga waxbarashada aad iyo aad ayeey ugu sareysa, oo caruurtaada waad u heleysaa nooc walboo waxbarasho ah. Xitaa waxaa inta baddan la helaa Macalimiin waqti walba diyaar kugu ah inay gurigaaga kugu yimaadaan, oo Caruurta ka saacidaya nidaamka waxbarasho ee Masar. 

Qaahira waxaa ku taala Safaarad Soomaaliyeed oo runtii Soomaalida ka caawisa adeegyada muhiimka ah ay u baahan yihiin, sida Baasaboorada cusbooneysiintooda, raadinta sharciyadda, iyo weliba raadinta deeqaha waxbarashada. Inkastoo ayan aheyn sidii la rabay, oo dadku intaas ay wax uun sheegayaan, haddana waxaa wax walba ka weyn nidaamkaas ka sharciyeysan Masar ee u shaqeynaya muwaadinka Soomaaliyeed. 

Guud ahaan Soomaalida joogta Qaahira ama daneyneysa inay degto Qaahira waxaan kula talin lahaa inay dhowraan anshaxa iyo qawaaniinta u degsan waddankaas, ayna caruurahooda ku tarbiyeeyaan sidii ay akhlaaqiyaad wanaagsan kula dhaqmi lahaayeen dadka la nool. Sidoo kale waxaan Walaalaha daneynaya inay degaan Qaahira kula talinyaa inaanay ku xiraan meel hebla Soomaali baddan baa degan, ee uu waddanku isku mid yahay guud ahaan Qaahirana ay nabadgelyadeedu sareyso, meel walbana la degi karo. Ogow xaafadaha leysugu geeyay caruuraha Soomaalida iyagaa isduubsada, oo akhlaaqdii ay la joogeen Yurub iyo Ameerika ayeey intoodii badneyn la yimaadeen Qaahira, kuwo Allaah u naxariistay mooyee.. 

Nolosha dhabta ah ee Qaahira maaha mid qoraalkan kaliya lagu soo koobi karo, ee waxaa ka bogan kara kaliya qofkii taga oo soo booqday,  anna qoraalkeygii intaas ayaan kusoo koobayaa wey dhici kartaa inaanan uga hadal sidi la rabay, laakiin waxa ay iga tahay oo qura inta aqoonteyda ah bal inaan walaalahay ugu deeqo, oo gaarsiiyo. 

Qalinkii : - Cabdixakiim Jaamac Jooje.
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS