SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad lagu soo bandhigayey wax qabadka ururka ugargaaridda danyarta waabari ayaa May 17, 2008 ka dhacay xarunta degmadda waabari ee magaaladda Muqdisho,

Sawirada Xafladda halkan ka daawo...

ururkan oo ah mid ballaaran oo mudadii uu jireyna qabtey howl aad u ballaaran ayaa haddana waxaa soo agaasintey Khadiijo maxamuud nuur, iyadoo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u ballaaran intooda baddana ka soo jeeda deegaanka degmadda waabari,

xafladaan ayaa waxaa ka hadlay xasan sheekh muunye oo aad ugu fogaaday in reer waabari meel kastoo ay ka joogaan dunida guudkeeda ay iska war hayaan, oo waliba ay go'aansadeen wax u qabashadda dadka tabaaleysan ama saacidaada u baahan waxana uu arrintaas uu ku tilmaamay mid ku dayasho wanaagsan, sidoo kale waxaa xafladaas ka hadlay Sheekh cali ibraahin cali 'BBC'.

Xafladda lagu soo bandhigayey wax qabadka ururka danyarta waabari waxaa iyana ka hadashay Khadiijo maxamuud Nuur 'Khadiijo mukaabe' oo walibana ah madaxa MCH-ka degmadda waabari. taasoo ku fogaatey muddadii 6da bilood ahayd ee ururkani uu jirey iyo waxyaabihii uu ururkani u qabtey dadka ku dhaqan xaafadda waabari.

ilaa 80 qofood ayaa siyaabo kala duwan wax loogu qabtay, kuwaasoo ay la soo gudboonaadeen daruufo kala duwan.dadka wax loo qabtey waxaa ka mid ahayd sahro ibraahin oo 3 jir ah oo xabadi ay ka haleeshay lugtaa taasoo la nool eedadeed xaawo cali cabdi oo iyadana ka hadashay goobtaasi, una mahadnaqday ururkan la magac baxay urura ugaaridda danyarta waabari

xafladdan ayaa sidoo kale ahayd mid lagu galbinayey isla markaana lagu sagotinayey wakiilka waabari group ee UK Cumar Max'uud Nuur [mukambe] oo maalmahaanba ku sugnaa magaaladda muqdisho, waxaana uu sheegay in uu dadka reer UK uu gaarsiindoono guud ahaanba waxyaabihii uu halkaan kula kulmay oo dhab ahaantii ahaa kuwa u baahan in la isaga maciino,

ururkan ayaa ballan qaaday meel kastoo dunida ay ka joogaanba ineey gacan ka geysan doonaan daryeelka dadka reer waabari..

Muuse Maxamuud Jiisow

musejisow@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

0025215576666

002525907666

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS